Wasiirka Arimaha Dibada Somaliya Oo Caddeeyay In Wada Hadal U Socdo Xukuumada Daahir Rayaale Iyo Somaliya
Hargeysa,Somaliland- Wasiirka arimaha dibada eedawlada Soamaliya Maxamed Cabdillahi Oomaar ayaa daboolka ka qaaday in wada hadal iyo xidhiidh foiicani u socdo xukuumada Sheekh Sharif iyo xukuumada wakhtigeedu dhamaaday ee Dahir Rayaale Kaahin.
Madaxweyne ku xigeenka wakhtigiisi dhamaaday ee Somaliland ayaa dhawaan caddeeyay isna in ay xukuumadu wada hadal la yeelan doonto xukuumada sheekh Shariif Sheekh Axmed, Axmed Yusuf Yaasin ayaa hadalkaas ku sheegay in ay la jaan qaadi karaan wada hadalna la yeelan karaan xukuumada Sheekh Shariif si Somali loo mideeyo.
Waxaa isna hadalkan si wayn u sii kabay in wada hadal u socdo labada maamul gudoomiyaha xisbiga UDUB ee qaqooyiga Maraykan Mr Yusuf Budhle oo dhawaan kula shiray dalka Maraykanka raysalwasaare ku xigeen Somaliya ahna wasiirka maaliyada Somaliya.
Xukuumada Daahir Rayaale ayaa shaki wayn ku abuurtay shacabka reer Somaliland shirarka qarsoodiga ah ee ay leedahay xukuumada Somaliya, taas oo ay inta badan madax ka tirsan xukuumada wakhtigeedu dhamaaday ay yidhaahdaan hadaannaan halay anaguna Xamar baanu gaynaynaa.