Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga UDUB Oo Ah Madaxweyne Ku Xigeenkii Mudadadiisu Dhamaatay, Muxuu Ka Doonay Dalka Jabuuti Ayay Se Is Arkeen?
Hargaysa – Guddoomiye ku xigeenka xisbiga UDUB ahna Madaxwayne ku xigeenka xukuumadda wakhtigeedii dhamaaday Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa maanta dalka dib ugu soo noqday, kadib markii uu ka soo laabtay socdaal uu ku tagay dalka Jabuuti oo saldhig u ah dawladda Soomaaliya, ugana sii gudbay dalka Imaaraadka.
Carabta.
Socdaalka Axmed Yuusuf Yaasiin uu ku tagay dalka Jabuuti lama garanayo ujeedada ka dambaysa, wax war ah oo rasmiyana lagama soo saarin. Hase yeeshee maanta markii uu dalka ku soo laabtay Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu warbaahinta u sheegay in uu u tagay Jabuuti hawlo gaara oo caafimaad.
Waa markii ugu horaysay ee Axmed Yuusuf Yaasiin socdaal ku tago dalka Jabuuti, waxaana socdaalkiisa ka soo baxay dareeno shaki leh iyada oo ay dad badani ku macneeyeen socdaalkiisa arrin ku saabsan xidhiidh qarsoodi ah oo la tuhunsan yahay in uu u dhexeeyo xukuumadda wakhtigeedu dhamaaday ee Daahir Riyaale iyo dawladda ku meel gaadhka ah ee dhawaan Soomaaliya loogu dhisay dalka Jabuuti isaga oo madaxwayne ku xigeenku dhawaan sheegay in ay la jaan qaadi karaan dawladda ku meel gaadhka Soomaaliya ee uu Sheekh Shariif hogaamiyo ee saldhigeedu yahay dalka Jabuuti. Axmed Yusuf Yaasin ayaa dhamaan shacabka reer Somaliland ka yaabiyay markuu bishii Febaruary inna dhaaftay 8 deedii u yidhi Somaliyi ma kala go’ karto dawlada Sheekh Shariifna waan la jaan qaadaynaa ! Gudoomiye ku xigeenka xisbiga UDUB Axmed Yusuf Yaasin waxaa kale oo uu sheegay maalintaas in qolo waliba ay marka hore dhinacooda iska soo dhisaan kadibna leysugu yimaado midnimo Soomaaliyeed, sida ka dhacday qaaradaha dunida qaarkood oo ay kamid tahay Yurub oo hal baarlamaan leh.
