Sool:Ciidamo Millatariya oo Lagu Xidh-xidhay Dhagaysiga Idaacada Radio Horyaal
“Waxaanu ku eexaysanaana waxa weeye waa idaacada kaliya ee afka somaliland ku hadasha ee aanu si joogto ah u dhagaysano ee nasoo gaadhaba, awal hore waxaanu dhagaysan jirnay Radio Gaalkacyo Iyo Idaacado ku hadla Afka Maamulka Puntland”
Mid ka mid ah Ciidamada Qalabka Sida
Sool (Somaliland.org)-Lix askari oo ka mid ah ciidamadda qalabka sida ee ku sugan jiidaha bariga Somaliland ayaa lagu soo waramayaa in laga siidaayay xabsi ku yaala magaalada Oog ee gobolka Sool, Sida ay Somaliland.org u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada oo ka cudurdaartay shaacinta Magacooda
Xadhiga askartani ayaa la sheegay in ay ka danbeysay markii ay ka dhago adeegeen amar uu taliska guud ee ciidanka Qaranku ku siiyay Ciidamadu in aanay dhagaysan Idaacada Codka Shacabka Somaliland ee Radio Horyaal
“Adeeroow nimanka Ciidanka ah Waxa lagu xidh-xidhay ma dhagaysan kartaan Idaacada la yidhaa Radio horyaal oo ah ta kaliya ee wax somaliland(War-baahin) sheeganaaya naga soo gaadha, markaa midhaa dhowr jeer oo horena amarkaasi uu soo baxay oo way ka dhago adeegeen” Sidaasi waxa yidhi mid ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida oo Somaliland.org iyo Radio Horyaal Khadka Telfoonka Kula soo xidhiidhay isagoo jooga jiidaha hore ee Somaliland
Taliska guud ee Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa lagu soo waramayaa in uu tiraba sadex jeer amaro hoose ku soo rogay ciidamada Qalabka sida in aanay dhagaysan Idaacada madaxa banaan ee Radio Horyaal, Hasa yeeshee taasi ma noqon mid taabo qaada waxana wararka Aaga hore laga helayaa sheegayaan in intabadan ciidamadu dhagaysataan Idaacadaasi
“Haa aad ayaanu u dhagaysanaa idaacadaasi lakin kolay waxa jira dhaliilo ay leedahay kaliya waxaanu ku eexaysanaana waxa weeye waa idaacada kaliya ee afka somaliland ku hadasha ee aanu si joogto ah u dhagaysano, awal hore waxaanu dhagaysan jirnay Radio Gaalkacyo Iyo Idaacado ku hadla Afka Maamulka Puntland” Sidaasina waxa yidhi Askari xiligaasi ku sugnaa Tuulada Adhicadeeye ee Gobolka Sool oo isana ka cudur-daartay in magaciisa la shaaciyo
Maaha markii u horeysay ee Ciidamada Qaranka Somaliland tacadiyo isugu jira Xadhig,shaqo ka joojin, iyo ganaax kala kulmaan dhagaysiga idaacada Radio Horyaal, lakiin waxa la xaqiijinayaa in dhawr jeer oo hore arintani uga dhacday fadhiisimaha Ciidamada Milatariga Somaliland ku leeyahay Xuduudaha Bariga Iyo Galbeedka Somaliland gaar ahaan Bishii April ee la soo dhaafay
Sidaasi oo ay tahay ayaa hadana Idaacada Codka Dawladda ku hadasha ee Radio Hargaysa dhagaysigeedu ku koobanyahay uun kaliya Xaafadaha Magaalada Hargeysa Iyo Agagaarka Madaxtooyada Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, taasbadalkeeduna waxa uu hada u muuqdaa in ay xukuumadu la dagaalanto dhagaysiga Idaacada Codkeedu xorta yahay ee Radio Horyaal Gaar ahaan dhagaha Ciidamada Qaranka Somaliland