Burco oo Si weyn loogu xusay Gudagalkii SNM ee 27 May

http://farm4.static.flickr.com/3106/2528997380_7f657a425e_m.jpg

Burco(Somaliland.org)-Munaasibad lagu xusaayo 21 Sano guuradii ka soo wareegtay gudagalkii Ururkii SNM ee magaalada Burco 1988 ayaa maanta lagu qabtay fagaaraha khayriyada ee magaaladaasi.

Munaasibadani oo ay qaban-qaabadeeda iska kaashadeen Ururka jimciyada mujaahidiinta Sooyaal,D/Hoose ee Degmada Burc, Iyo Xuno ka tirsan urur-siyaasadeedka aan la aqoonsan ee UDHIS, ayaa waxa ka qayb galay saraakiil sare sare oo ka mid ahaa ururkii SNMIyada oo lagu soo bandhigay Gabayo, Iyo Suugaan kaladuwan oo dhamaantood ka dha-dhamasay muhiimada ay maalintani u leedahay Sooyaalka taariikheed ee SNM ku leedahay Jiritaanka Somaliland, hasa yeeshee dhamaanba xubnihii goobtaasi ka hadlay hoosta ka xariiqeen duruufaha qalafsan ee ay ku sugan yihii agoomihii maalintaasi ku nafwaayay dagaaladii dhiiga badani ku daatay ee Jabhadii SNM la gadhay ciidamadii Xooga dalka Somalia

“Maaha wax la qiyaasi karo awoodii Ciidamadii Siyaad bare ee ay maalintaasi Mujaahidiintii SNM u soo badheedhay ee ay nafahooda u hureen, maaha wax la qiyaasi karo, maalintanina waa mid baal dahab ah kaga taala jiritaanka Somaliland hasa yeeshee waxa is weydiin leh maxay maanta ku sugan yihiin agoomihii iyo qoysaskii Mujaahidiintii hal doorka ahaa, ayaa u baahan in lays weydiiyo?” Sidaasi waxa yidhi Mujaahid Faysal Xabaal-maruwaa oo ka mid ahaa xubnihii ka mid ahaa Ciidamadii SNM ee maalintaasi soo galay Burco oo goobta ka hadlay.

Kalmadani ayaa u muuqatay mid soo jiitay dareenka ka qaybgalayaasha xuskani taasi oo dhalisay buuq xamaasadi ka muuqato, waxa isla markiiba soo booday daadihiyaha Mirikafoonka oo ka mid ahaa xubnaha jimciyada Sooyaal, kaasi oo isku dayay in uu ka joojiyo hadalka, isagoo ku tiiraabaaya ereyo ay ka mid yihiin” Hayna galin siyaasada, ha ka bixin mawduuca,” Iyo ereyo la mid ahHasa yeeshee taasi waxa ka biyo diiday qaar ka mid ah dadweynihii goobta joogay kuwaasi oo u muuqda kuwo uu soo jiitay kalmadii su.aasha xanbaarsanayd, waxana goobtu isu rogtay mid fowdo ah iyada oo dadka qaar foodhi kala

joojin waayeen qaar ciid saydhayeen

Hasa yeeshee ka hor intii aanay munaasibadani bur-burin ayaa goobta waxa ka hadlay Badhasaabka Gobolka Togdheer Jaamaca C/Laahi Warsame(Biin), isagoo ku dheeraaday mihiimada ay maalintani u leedahay jiritaanka Somaliland” Waa maalin qaali ku ah Taariikhda Somaliland, waana maalintii aynu iska dulwaadnay Gumaysigii Maxamed Siyaad Bare” Ayuu YidhiBadhasaabku

Waxa kale oo isna goobta ka hadlay Mujaahid Ibraahin Dhagaweyne oo xubin sare ka ahaa ururkii SNM kaasi oo ka soo sheekeeyay sooyaalkii taariikheed ee ay soo Martay SNM, iyo duruufihii adkaa ee ay u soo mareen Goonis-isutaaga Jamhuuriyada SomalilandDadweynaha goobtaasi ku sugnaa ayaa iyaguna sitay Calmada SNM, iyo boodhadh ay ku xardhan yihiin ereyo lagu xusaayo Mujaahidiintii geeriyootay ee Ururkii SNMDhinaca kalena Munaasibada tan la mid ah ayaa lagu qabtay Hoolka Jaamacada ee Magaalada Burco, taasi oo ay iyadana ka qayb galayaan xubno sare sare oo ka tirsanaa Ururkii dib-uxoraynta ee SNM,

Comments are closed.