Gabadh uu Dhalay Mujaahid Maxamed/cali oo si Weyn Burco Loogu soo Dhaweeyey

Xusuusta khudbaddii ugu dambaysay ee Muj.Maxamed Cali u jeediyay jabhaddii SNM

Burco (Jam)- Gabadh uu dhalay mujaahidkii weynaa Allaah ha u naxariistee Maxamed Cali oo ku shahiiday halgankii qadhaadhaa ee dib-u-xoraynta Somaliland, ayaa si weyn shalay loogu soo dhoweeyey magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.

Marwo Ladan Maxamed/cali oo ka timi magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo ay deggan tahay, ayaa waxa soo dhoweynteeda ka qaybgalay boqollaal qof iyo gaadiid tiro badan oo kaga hortegay duleedka magaalada Burco.

Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Mr. Jaamac Cabdillaahi Biin oo ka mid ah masuuliyiinta ka qaybgalay soo dhoweynta, ayaa Ladan Maxamed Cali ku qaabilay xafiiskiisa kuna soo dhaweeyey, isagoo u sheegay in aabbaheed ahaa halyey ay aad uga baqan jireen ciidammadii Siyaad Barre, una shahiiday xoraynta dalka Somaliland.

“Sidaa darteed, Ladaneey si weyn ayaanu kuugu soo dhaweynaynaa Burco, aabbahaana wuxuu u soo halgamay ee uu naftiisa u huray midhaheedi waa la gaadhay oo waataa aynu haysano, mar haddaad tahay tafiirtiisna muu dhiman ee wuu nool yahay,” ayuu yidhi Badhasaabku.

Marwo Ladan oo ay weheliyeen xubno ka tirsan qoyskooda, waxay isla shalay booqdeen goobta uu ku aasahan yahay aabbaheed marxuum Mujaahid Maxamed/cali oo ku taal dhinaca galbeed ee Burco, halkaas oo loogu duceeyey.

Muj. Xasan Faar oo ka mid ah mujaahidiintii la dagaalgalay, gaar ahaan dagaalkii ugu dambeeyey mujaahid Maxamed/cali ku shahiiday oo xabaasha dusheeda kaga warbixiyey dagaalkaas iyo sifooyinkii mujaahidka, waxa uu yidhi; “Muddadii dagaalka Burco socday ayaa Maxamed Cali sameeyey guuto loo yaqaan ciidanka wareega, kuwaasoo weeraro joogta ah ku hayey ciidammadii Siyaad Barre. 12 July 1988 ayaa ciidamo aad u xoog badan kuna hubaysan gaadiid tikniko iyo madaafiic oo muddo badan la ururinayay oo laga keenay xuduudka, Burco iyo koonfurta Soomaaliya ay ka soo dhaqaaqeen magaalada Oodweyne oo 60km dhinaca hawd-galbeed kaga beegan Burco, kuwaasoo ujeeddadoodu ahayd sidii taliska guud ee xoogagga SNM ee fadhigoodu yahay galbeedka Burco u dhabar-jabin lahayeen, waxaanay ahaayeen ciidankii ugu xoogga badanaa ee ka horyimaad SNM xilligaas. Haseyeeshee, ciidan uu hoggaaminaayey Muj. Maxamed Cali ayaa ka hortegay, una babacdhigay iyagoo laba ciidan iska helay deegaanka Xaqayo-malaas, halkaasoo dagaal socday muddo lix saacadood foodda laysku daray, sadddex jeerna la jabiyey ciidamadii Faqashata, balse markii u dambeysay uu halkaas ku shahiiday Muj. Maxamed Cali oo ahaa hoggaamiyaha ciidanka, kadibna maydkiisa loo soo qaaday dhinaca Burco oo lagu aasay.”

Mmujaahid Xasan Faar intaa ku daray, “Ka hor intaan dagaalku bilaabmin ayaa mujaahid Maxamed Cali khudbad u jeediyey ciidanka, waxana ka mid ahaa hadalladiisii, “waxaynu nahay mujaahidiin ku dagaallamaysa xaq, Faqashtuna waxay ku dagaallamayaan dulmi, sidaa darteed innagaa guulaysan doona. Ciidanka Faqashtu waa kuwo iska soo urursaday Burco, Oodweyne ilaa Soomaaliya, kuweena maanta guulaysta ayaa Burco qabsanaya. Waxa xusid mudan in toddobaad kadib geeridii Muj.Maxamed Cali ciidammadii SNM ka baxeen Burco iyadoo shacbiga laga qarinayo dhimashada Muj.Maxamed Cali.”

Sidoo kale xubno ka mid ah mujaahidiintii SNM ee aqoonta u lahaa, ayaa iyagu ka sheekeeyey taarikhda iyo hab-dhaqankii muj. Maxamed Cali.

Ugu dambayn, Ladan Maxamed Cali ayaa si weyn ugu mahadcelisay dhammaan dadka soo dhaweeyey, iyada oo tilmaantay in aabbaheed dhintay geeri xalaal iyo xaq ah, sidaa awgeedna Ilaahay uga baryeyso isaga iyo mujaahidiintii kale ee u shahiiday xoraynta dalka in uu naxariistii janno ka waraaboyo, inta noolna cisi iyo sharaf siiyo.

Mr. Siciid X. Axmed Qulunbe oo ka mid ah masuuliyiinta urur-siyaasadeedka UDHIS ee Gobolka Togdheer oo iyagu soo qabanqaabiyay soo dhaweynta Ladan Maxamed Cali, ayaa xusay in xukuumaddu ku guuldarraysatay daryeelka iyo gacan-qabashada carruurta iyo xaasaskii ay ka tageen mujaahidiintii naftooda ku waayey halgankii xoraynta Somaliland.

Ladan Maxamed Cali waa gabadha keliya ee uu ifka kaga tegay Muj. Maxamed Cali Faarax (M. Cali), taasoo hadda degan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waana markii u horreysay ee ay Somaliland timaad.

Xigasho/Jamhuuriya Online

Comments are closed.