Xildhibaan Nacnac Oo Mar Kale Baaq Qaadh Loogu Uruurinayo Hooyo Ardo Diiriye Oo Ah Hooyadii Dhashay Mujaahid Lixe Ku Baaqay.

hadhwanaag 2009-05-26 (Hadhwanaagnews) Ardo Diirye Magan,waa hooyo abaal wayn ku leh qof kasta oo bulshada ka mid ah, waa hooyo qiimayn iyo qadarin ka mudan mushtamaca, hadana waa hooyo la iloobay, waa hooyo la gaasiray, waa hooyo ku tabaalaysan Hargeysa dhexdheeda iyada oo aan mutaysan.

Ardo Diirye waa hooyadii dhashay halyaygii xorriyadda Somaliland Mujaahid Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle). Hadaba Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye [Nacnac] oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa mar kale shacbiga reer Somaliland ee guddo iyo dibadba ugu baaqay in mar kale kaalmo u soo fidiyaan hooyo Ardo Diiriye Magan oo ah hooyadii dhashay Mujaahidkii weynaa ee Mujaahid Maxamed Xaashi Lixe, isaga oo xildhibaanku ku soo halqabsaday Gabaygii uu tiriyey Cabdi Iidaan Faarax ee ay midhihiisa ka mid ahaayeen:

“Mar wax bixiye bini’aadmi-baa lagu masaala
Aadan Qasnadahaagu maganse Buuxaane
Maantana Allahayow Sacabadii Madhnaa waa ku sugayaane
Ilaahow Mujaahidiinta wax soo sii”

Xildhibaan Nacnac waxa uu ugu horeyn uu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi “Guddida ay hoos magacyadoodu ku qoran yihiin ayaanu nahay oo waxaanu doonaynaa inaanu Hooyadii dhashay Mujaahid Lixle oo la yidhaahdo Ardo Diirye Magan oo qofweyn ah ayaanu doonayna sidii aaanu Mujaahid Maxamuud Haybe Hooyadii dhulka uga soo qaadnay ayaanu garanay inaanu iyadana uga soo qaadno oo Guri ay gasho aanu u dhisno, waanay mahadsan yihiin qurba-jooga reer Somaliland, gaar ahaan kuwa ku nool Ingiriiska. Waxaanu leenahay ha nagu karaahiyeysanina qaadhaankan aanu mar-walba idinku soo celcelinayno annaguna waanu bixinaynaa idinkana sidaa si la mid ah oo soo bixiya ayaanu leenahay”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi“Hooyadaas hadaad aragtaan waad naxaysaan oo idinka [qurba-jooga] ayaa uu dad ah oo u maqan dawladani waxba ma siiso oo cidi ma oga, habeenkii dhaweyd intii xafladaha loogu dhigayey Jabuuti oo aan dan innaga lahayn lagu amaanayey afar ilaa shan Hooyooyinkii Mujaahidiinta dhalay ayey wax u tari lahaayeen”

Haddaba haddii aad gacan u fidin karayso la xidhiidh Account-nada kala ah:-

Dahabshiil Account No. 13855
Qaran Express Account No. 1293.

Guddi isku xilsaartay hawshan ayaa waxay kala yihiin:-
Xildhibaan Axmed Maxamed Diirye (Nacnac) Guddoomiye
Xildhibaan Maxamed Nuur Caraale (Duur) Xubin
Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed Xubin
Mujaahid Ibraahin Cabdillaahi Xuseen (Dhagawayne) Xubin
Mujaahid Xasan Guure Jaamac Xubin

Comments are closed.