“Waxa Naxdin Ah In Madaxtooyada Tuhun Galo,Dumarku Lacagtii Laga Dhacay Halkaa Ku Sheegaan” Md Muuse Biixi Cabdi
Hargeysa – “Sida Dhaqankeenu yahay, Hablaha iyo Sodohuhu markay arrini dhacdo qaylada ayay lahaan jireen, Raguna wuu gurman jiray…” Sidaa waxa yidhi Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE oo ka hadlay eedaynta Haween ka mid ah kuwii lacagaha lagaga dhacay Mashruucii Fadhi-ku-macaash ay qoyska Madaxtooyada ugu jeediyeen inay qarsanayaan haweenay ay sheegeen inay Madax ka ahayd barnaamijkaas.
Haweenkaas oo horaantii todobaadkan shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxay sheegeen inay lacagihii laga dhacay u haystaan Madaxweyne Rayaale, Marwadiisa iyo Guddi Wasiiro ah oo Madaxweynuhu u saaray wax-ka-qabashada arrintaas, kuwaasoo ay sheegeen inay Madaxtooyada ku qarinayaan haweenay sida la sheegay madax ka ahayd barnaamijkaas oo qaab xeeladaysan dad fara badan lacago loogaga urursaday.
Muuse Biixi oo shalay ka hadlayay xaflad ay heshiis ku kala saxeexdeen Axsaabta iyo Komishanka doorashooyinku, waxa uu sheegay in dhacaa xeeladaysnaa iyo cabashada Haweenkii lagu dhacayba aan sidii loo baahnaa wax looga qaban. “Waxaad moodaa dawlad iyo shicib, Xisbi kasta aynu ahaanee, dumarkaa qayladooda in aanay ciddi dheg jalaq u siinin, maalin walbana dumarkii way soo qaylinayaan. Arrintaasi waa mid qaran, waana arrin u baahan in si qaran looga hawlgalo, waxayna u baahantahay in la ogaado halkay ku dambaysay.
Dhaqankeena Ragu wax bay dacaayadeeyaan, hadalka way ku degdegaan, dadkana way iska eedeeyaan, laakiin Dumarku waa Hablo, waa Sodoho, erayga ka soo baxaana 90% waa eray ay iska hubsadeen oo ay ka fiirsadeen. Habluhu (haweenka la dhacay) ama ha fool-xumaato ama naxdin ha lahaato ama wax adag ha ahaato’e, Madaxtooyada ayay farta ku fiiqeen in dadkii dhacay ay galeen. Illaahay baa og inay jirto iyo inkale, laakiin waxaaba naxdin ah in Madaxtooyada tuhun galo, Hablihii iyo Sodohuhu ka soo cawdaan oo ay dhacoodii halkaa u sheegaan.
Anigu odhan maayo oo taas ma qabo,waayo Madaxtooyadu waa meeshii Qaranka metelaysay, waa Muraayadii,Illaahayna taas oo kale kuma keeno.Laakiin, mar haddii qayladaasi yeedhay waxa wanaagsan in Shicib, Mucaarad, Muxaafid iyo Qaranba in aynu gurmano oo aynu arrintaa meel ku hubsano,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.
Xigasho/ Wargeyska Ogaal.