Xuskii 27ka Iyo 31ka May Oo Iskuduubni Laga Xusay Magaalada Hargeysa(Daawo Sawirada)
Hargeysa (Somaliland.org)- Munaasibad lagu xusayay 21-sanno guurada ka soo wareegtay gudo-galkii Jabhaddii SNM ee Magaalooyinka waawayn ee Somaliland, ayaa maanta lagu qabtay Hutel Imperial ee Magaalada Hargeysa.
Munaasibaddan oo ay ka qayb galeen, Siyaasiyiin ka socday Xisbiyada Mucaaradka, Masuuliyiin, Aqoonahanno, Shirguddoonka Wakiilada, Mujaahidiin, Haween, Dhalinyar iyo marti-sharaf kale, isla markaana lagu xusayay 21-sanno guurada ka soo wareegtay Maalmihii ay SNM gashay Magaalooyinka Burco iyo Hargeysa ee 27-kii iyo 31-kii May 1988-kii, ayaa ugu horrayn waxa ka hadlay Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ah aas-aasayaashii Ururkii SNM iyo Siyaasiyiinta hadda ee Xisbiga Kulmiye. Waxaanu ku baaqay in laga war hayo oo la ogaado Agoontii, naafadii iyo Mujaahidiintii SNM inta hadda ka nool, isla markaana SNM isku xidhnaato hadda. Isaga oo Xukuumadda ku dhaliilay habka ay u wajahday Maatida ka hadhay Ururkii SNM.
Maxamed Kaahin Axmed oo ka mid ahaa Saraakiishii Milatari ee Ururkaas SNM oo isna halkaa ka jeediyay ayaa si ba’an u naqdiyay Safarka Madaxweyne Rayaale ee Gobolka Saaxil, isla markaana sheegay in taariikhdu ay tahay mid aan la tirtiri karin, balse loo baahan yahay in Shacabku ay samraan. “Safarka uu Ina Rayaale ku tegay Berbera wuxuu ku soo Indho-indhaynayaa sida uu u baa’biyay Gobolkaas Maamulkiisu..Lama tirtiri karo Taariikhda oo waxa jooga oo Gadh leh Ubadkii ay dhaleen Mujaahidiintu ee waxaan idin leeyahay aynu samirno inta ka hadhay Bisha September (waqtiga Doorashada).” Ayuu yidhi Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed.
Fu’aad Aadan Cadde oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in taariikhdu ay iyadu is-qorayso, isla markaana wuxuu nacasnimo ku tilmaamay in la diido halgankii ay SNM dalka u soo gashay. Waxaanu ku eedeeyay Xukuumadda inay diyaar u tahay inay Codka Doorashada soo socota xaddo, isla markaana ay ku shubato. Isaga oo ku baaqay in arrintaa laga hortego.
Aadan Maxamed Mire (Waqaf) oo ah Guddoomiye-xigeenka Xisbiga UCID oo isna Masuuliyiintii halkaa ka hadashay ka mid ahaa, ayaa sheegay in loo baahan yahay in la helo isbedel ku dhisan Cadaalad, si loo daryeelo agoonta iyo Naafada Ururka SNM.
Maxamed Xasan (Jidhif) oo isna ka mid ahaa Saraakiishii SNM, isla markaana halkaa ka hadlay ayaa ku baaqay in la sameeyo guddiyo ay ka mid tahay mid dib u heshiisiisa Ururkii SNM oo uu sheegay in Madaxdoodii khilaaf u dhaxeeyo. Kuwaas oo uu tilmaamay inay ku kala sugan yihiin dalka gudihiisa iyo dibeddiisa.
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) oo masuuliyiintii halkaa ka hadashay ka mid ahaa, ayaa ka waramay taariikhdii maalmahan oo uu sheegay inay ahayd kuwo xusuus iyo xusba mudan.
Waxa kale oo halkaa ka hadlay Masuuliyiin kala duwan oo kale oo ka mid ahaa Mujaahidiintii SNM iyo Masuuliyiin kale. Si kastaba ha ahaatee, Munaasibaddaa ayaa ku soo gebegebowday jewi degan.