War Deg Deg Ah, Cidamada Boliska Somaliland Oo Rasaaseeyay Dad Mudahraadaya
hadhwanaag 2009-06-05 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Ciidamada Booliska Somaliland ayaa rasaaseeyey dad isugu soo baxay Mudaharaad balaadhan oo ay kaga cabanayaan biyo la’aa ba’an oo soo food saartay Degmada Axmed Dhagax ee Magaalada Hargeysa oo ilaa imikan socda, lana sheegay inuu u sii fidayo Xaafadaha kale ee Magaalada Hargeysa.
Mudaharaadkan oo bilaabmay 7:00-habeenimo ee caawa ayaa waxa daafaha Magaalada Hargeysa laga maqlaya dhawaqa rasaasta ay ciidamada amaanku ku kala kaxaynayaan dadka mudaharaadka sameynaya. Ilaa imikana ma jirto cid wax ku noqotay.
Dadka mudaharaadayey oo ahaa dad cadheysan oo ka gadooday biyo la’aan maalintii 8aad la soo deristay noloshooda, isla markaana saameyn weyn ku yeelatay ayaa u badnaa Dumar, dhalinyaro iyo caruur haraadaan oo waayey waxay caruurtoodi ku jalaan, Biyo ay afkoodi u cabaan iyo qaar ay wax ku karsadaan, waxaanay xidheen wadada hormarta Cusbitaalka Edna Maternity Hospital ilaa Garoonka kubada cagta ee Hargeisa Stadium, waxaanay halkaasi ku gubeen taayiro ciidamada booliska ayaa iska hortaagay mudaharadayaasha ka cabanayey biyo la’aantu in ay u soo gudbaan wadada Total ee u soo baxda Biriijkii weyn ee Hargaysa rasaaseeyey
“Dadku waxay ka cabanayeen biyo la’aan ba’an oo soo food saartay oo sideed cisho biyo may helin,waxaanay dadku ku dhawaaqayeen ereyo ay ka mid ahaayeen biyo la;aan ayaa nahaysa, waxaanu xukuummaad Somaliland la socodsiinaynaa inay wax ka qabato biyo la’aan ba’an oo xaafada haysata haddii kale wax kala soconaya ma jiraan”ayuu yidhi Cali faarax Nuur oo isaga oo jooga Goobtaa kula kulanay.
Dhinca kale, Mudaharaad kan la mid ah oo ay dadku ka cabanayeen Biyo la’aan ayaa todobaadkii hore ka dhacay Xaafadaha New Hargeysa iyo Calaamadaha ee Magaalo madaxda Hargeysa,.
Si kastaba ha ahaatee, waxa beryahan danbe soo noq-noqanayey biyo la’aan baahsan oo soo foodsaartay xaafaadaha Magaalada Hargeysa, iyada oo xaafado ka mid ah Magaalada Hargeysa ay kal-tan cisho dhaaf ah ama laba dhaaf ah oo mar-marka qaarkoodna gaadha maalmo u heli jireen Biyaha ayaa hadana waxay todobaadadii u danbeeyey soo if baxay haraad iyo surmacaad, adiga oo saqda dhexe ku arkaaya dad maati ah oo jirikaamo la dhex wareegaya goobaha qasabadaha ah.
Mana jirto Wax qorshe nidaamsan ah oo cad ay dawladu ugu talo gashay in ay kula tacaasho mashaqadan culus iyo cabashada dadwaynaha marka laga yimaado sababo aan lagu qanci karin oo ay wakaalada biyaha Hargaysa ay u food saarto biyo la’aantan.