Guddoomiyaha Kulmiye muxuu kala hadlay Baarlamaanka Sweden & Madaxdii uu la kulmay?

http://rsrc1.bubbleshare.com/media/01/35/3e/fe/9cf23adb63c441f89e43c09c8eabbe4150488107/580x435/sawiradii-baarlamaanka-sweden-ee-siilaanyo-040_580x435.jpg

Stockhom (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay khudbad ka hor jeediyay fadhi uu lahaa Baarlamaanka dalka Sweden. Guddoomiyaha oo uu kulanka uu kaga qaybgalay Baarlamaanka dalkaas ku wehelinayay Xoghayaha Arrimaha Dibadda KULMIYE Maxamed Cabdillaahi Cumar, waxa uu Baarlamaanka Sweden uga waramay geedi-socodka Dimoqraadiyadeed iyo arrimaha doorashooyinka Somaliland. Haddaba, kulankaa Guddoomiyaha iyo Xoghayuhu ka qaybgaleen ka dib, idaacada Horyaal ayaa waraysi la yeelatay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maxamed Cabdillaahi Cumar, wuxuuna waraysigaasi u dhacay sidan;

S: Maxamed, waxaad ka qaybgasheen fadhi uu lahaa Baarlamaanka dalka Sweden, bal faahfaahin naga sii?

J: Waxaanu ka qaybgalay Shir ka dhacay Baarlamaanka dalka Sweden ee Stockhom, shirkaas oo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ka khudbad ka jeediyay, taasoo uu kaga waramay geedi-socodka Dimoqraadiyadda Somaliland iyo taariikhdii ay soo martay. Waxa kale oo uu Guddoomiyuhu khudbaddaa kaga hadlay arrimaha Doorashooyinka iyo Dimoqraadiyadaynta dalka ka socota iyo guulaha dhinacyada dib-u-dhis iyo Nabadgelyada. Waxa kale oo khudbadiisa ku jirtay sida Somaliland ugu baahan tahay in Caalamku ka taageero dhamaystirka barnaamijka Dimoqraadiyadaynta iyo dawladdaynta, adduunkana Ictiraaf iyo aqoonsi ka hesho, isla markaana maalgelin lagu sameeyo.

S: Inaad heshaan furada aad kaga hadasheen Baarlamaanka dalkaas, marka hore ayaa idiin suurtogeliyay?

J: Waxaanu casuumad rasmi ah ka helay Xisbiga Liberal-ka ee dalka Sweden, kaasoo ah xisbul-xaakimka imika dalkaas xukuma, waxaana jira xidhiidh hore oo ka dhexeeyay xisbiga KULMIYE iyo xisbiga Liberal-ka. Waxaana jiray shirar hore uga dhacay Sweden oo nalagu soo casuumay. Markaa waa xidhiidh hore u jiray, isla markaana imika ku soo beegmay xilli dawladda Sweden ay bisha dambe kowdeeda noqonayso Madaxa Midowga Yurub oo ay guddoomiye ka noqonayso ayaa keenaysa inay muhiimad gaar ah u yeelato qadiyada Somaliland.

S: Ma jirtaa cid kale oo ka tirsan masuuliyiinta iyo dawladda Sweden oo aad la kulanteen?

J: Shirka ka hor waxaanu la kulanay xubno ka tirsan Baarlamaanka dalka Sweden, gaar ahaan xisbiga Liberal-ka iyo shaqsiyaad kale oo u dhaqdhaqaaqa qadiyada Somaliland, waxaana jira shirar kale oo aanu la yeelanayno madaxda Baarlamaanka, madaxda dawladda Sweden iyo madax ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dalka Sweden.

S: Dhinaca kale, ma jirtaa wax kulan ah oo aad la yeelateen Jaaliyadda reer Somaliland ee Sweden degen?

J: Maalinta Sabtida ah (maanta) waxa noo qorshaysan in aanu la kulano Jaaliyada reer Somaliland, xubnaha iyo taageerayaasha Xisbiga KULMIYE, kuwaasoo uu Guddoomiyuhu khudbad u jeedin doono.

S: Sida sheegtay Sweden waxay xubin ka tahay Midowga Yurub (EU) ee bixiyay kharashka Diiwaangelinta iyo Doorashooyinka Somaliland, markaa si gaar ah ma uga wada hadasheen arrimaha doorashooyinka, maxaadse is tidhaahdeen?

J: Way jirtaa oo fadhigii Baarlamaanka ee aanu ka qaybgalay ka dib, waxaanu kulan gaar ah la yeelanay hay’adda dalkaas u qaabilsan mucaawimada dibadda, kuwaasoo arrimaha aanu kala hadalay ay ka mid ahayd taakulaynta xaga Dhaqaalaha iyo maalgelinta Dimoqraadiyadaynta Somaliland. hay’adda Interpeace ee inagala shaqaysa dhinaca Doorashooyinka, xafiisyada ay ka tirsan tahay qaarkood oo halkan ka dhisana waxaanu la galay shirar ku saabsan doorashooyinka iyo sidii Somaliland looga taageeri lahaa arrimahaa iyo sidii loo soo saari lahaa natiijada Diiwaangelinta ee imika gebogebada ku dhow.

S: Waxa jiray dib-u-dhac ku yimi doorashooyinka Somaliland, markaa sidee bay u arkayeen Madaxda dalkaas iyo hay’addaha aad la kulanteen arrintaas?

J: Runtii arrintaasi waxay ka mid tahay arrimaha bulshada Caalamku aad uga welwelsan yihiin, waana nala waydiiyay markaanu ka hadlaynay Baarlamaanka in aanu ka hadalo in dib-u-dhaca doorashadu aanu kale dib u dhacaynin. Waxaanu u sheegnay in marka la eego sida qaranku ugu diyaar garoobay, hadday noqoto Axsaabta iyo hadday noqon lahayd saaxiibada kale ee Caalamiga ah ee aynu leenahayba inay muujinayaan inay doorashadu ku dhacayso 27 bisha September. Inkastoo ay jiraan welwel fara badan oo Jaaliyada Somaliland ka haya iyo bulshada kale ee Sweden ee na waraysatay, haddana waxaanu u xaqiijinay in ku talogalka hay’addaha siyaasadeed ee dalku inay tahay in doorashadu qabsoomayso 27 September 2009.

S: Waxaad hore uga soo ambo-baxdeen dalka Ingiriiska oo aad joogteen oo sida la sheegay aad la kulanteen masuuliyiin ka tirsan, markaa yaa ka mid ahaa masuuliyiinta aad la kulanteen, maxaadse ka wada hadasheen?

J: Waxa jiray shirar dhawr ah oo Aniga iyo Guddoomiyuhuba aanu la galay Xukuumadda Ingiriiska iyo jaaliyada reer Somaliland iyo taageerayaasha Xisbigaba. Tusaale ahaa, dawladda Ingiriiska waxaanu kala kulanay madaxda sare ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo hore xidhiidh iyo wada shaqayn sokeeyay ay uga dhexaysay Somaliland, waxaananu kala hadalay dardar gelinta cilaaqaadka iyo sidii Somaliland aqoonsi u heli lahayd. Waxa kale oo aanu la kulanay xubno ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska, waxaananu kala hadalay sidii Somaliland aqoonsi iyo taageero loo siin lahaa. Waxa kale oo aanu marka aanu Ingiriiska ku laabano aanu la kulmi doonaa ururka Xildhibaanada Ingiriiska ee u ololeeya qadiyada Somaliland, kuwaasoo uu Madax u yahay Mudane laga soo doortay magaalada Cardiff ee dalka Ingiriiska oo la yidhaahdo Allen Micheal.

S: Ugu dambayntii, Madaxweyne Rayaale iyo Wasiiradiisu markay socdaalo noocan oo kale ah dibadda ugu baxaan, waxay sheegaan inay masuuliyiin tan oo kale la kulmaan. Markaa ma noo sheegi kartaa wuxuu socdaalkiinani kuwaa kaga duwan yahay?

J: Haa. Waxyaabo badan buu kaga duwan yahay. socdaalada noocan oo kale ah ee Xukuumadda Somaliland iyo madaxdeedu dibaddaha ku yimaadaan inkastoo ay la kulmaan madax ka tirsan dalalka ay tagaan, haddana waa kuwo shaqsiyeed oo tusaale ahaan ganacsi ah ama heshiisyo ay kula gelayso Shirkado Maalgelin ku samayn kara dalka, sida Shidaalka iyo Khayraadka kale ee dalka, kuwaas baanay inta badan ku salaysan yihiin. Markaa maaha socdaalo ku saabsan dhinaca Siyaasadda ama horumarinta siyaasada, mana jiraan waxyaabo ku saabsan socdaaladooda oo la shaaciyaa oo dawladdu u sheegto Baarlamaanka hadday Guurtida noqoto iyo hadday Wakiillada noqotoba ama Xisbiyada kale ee Qarankaba. Laakiin, waxqabadkayaga dhinaca dibaddu waa kuwo aanu la socod siino shacabka Somaliland, hadday noqon lahayd shacabka iyo hadday Goleyaasha qaranka noqon lahaydba. Markaa taa waanu kaga duwanahay, ta kale ee ay kaga duwan tahay waxa weeye, xidhiidhada kale ee aanu samaynaynaa waa kuwo dhaafsiisan dan Xisbi, balse waa dan qaran.

Somaliland.Org

Comments are closed.