Gudoomiyaha Xisbiga KUlmiye Md Axmed Silaanyo Oo Bilad Dahaba Lagu Gudoonsiiyay Magaalada Stockholm
Stockholm- Xaflad balaadhan oo ay soo agaasimeen Jaaliyadaha Reer Somaliland iyo Xisbiga KULMIYE ee Sweden ayaa lagu qabtay Magaalada caasimada u ah Wadanka Sweden ee Stocholm.
Xafladaas ayaa Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE lagu gudoonsiiyey Bilad dahab ah oo geesinimo taas oo lagu maamuusayey Kifaaxii iyo halgankii balaadhnaa ee uu u soo galay Xornimada iyo Jiritaanka Somaliland iyo Kaalintii Hormuudnimo ee uu ku lahaa Halgankii SNM ee wadanka lagaga xoreeyey Nidaamkii Fashiistiga ahaa ee Siyaad Bare, Isaga oo ahaa gudoomiyihii ugu mudada dheeraa ee soo maray Hogaaminta ururkii xaq u dirirka ahaa ee SNM.
Siilaanyo wuxuu inoogu jiraa halka uu reer koonfur afrika ugu Jiro Nelson Mandella ayaa ahayd Halku dhiga Soo dhoweynta Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE
Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo ka dib markii uu biladaas geesinimo ee dahabka ah Gudoomay Hadal Mahadnaq ah halkaa ka jeediyey ayaa sheegay in Biladan qiimaha weyn uu U gudoomayo ayna u taagan tahay, intii u shihiiday, naftooda iyo maalkooda u hurtay ama Ku laxaad beeshay halgankii Dib u xoraynta ee wadanka .
Xafladaas oo lagu qabtay Habeenkii Axadu soo gelaysay ee June 13 hotel ka mid ah Kuwa ugu caansan caasimada wadanka Sweden waxaa kale oo abaalmarino kale oo aad u qaaliya lagu gudoonsiiyey Marwada Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo lagu maamuusay qaybtii ay ku lahayd Halgankii lagu jiray iyo sidii ay ugu dhabar adaygtay , waxaa kale oo jaaliyada reer somaliland ee wadanka sweden Abaal marino kale oo balaadhan gudoonsiiyeen, Xoghayaha Arimaha Debeda oo lagu sharfay intii uu hayey jagada Arimaha Debeda ee KULMIYE dedaalkii uu u galay ka dhaadhicinta qadiyada Somaliland meelo badan oo aan hore loo gaadhsiinin iyo dalal badan oo caalamka ka mid ah, taas oo sawir wanaagsan ka bixisay qaranimada somaliland.
Xafladii lagu gudoonsiinayey Gudoomiyaha ayaa shucuurtiisa oo aad u kacday farxad aawadeed waxaa indhihiisu ilmada hayn waayeen, Xoghaya Xisbiga UDUB ee Sweden Mr sidiiq oo ka mid ahaa Dadkii Gudoomiyaha Gudoonsiinayey Bilad Geesida dahabka ah. Arintaasoo dadkii halkaa isugu wada taabatay.
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye waxa kale oo uu kulan balaadhan la yeeshay isla Maalintaa gelinkeedii danbe dhamaan jaaliyadaha reer somaliland ee ku dhaqan wadanka sweden iyo wadamada la jaarka ah, sida Findland iyo Denmark.
Gudoomiyaha oo Khudbad qiiro gelisay dadkii halkaa isugu yimi u jeediyey wuxuu uga xog waramay xaalada wadanku imika ku sugan yahay iyo duruufaha siyaasadeed ee taagan iyo mawqifka xisbigu ka taagan yahay.Waxa kale oo gudoomiyuhu aad ugu dheeraaday barnaamijka siyaasadeed ee xisbiga KULMIYE ku hogaamin doono marka uu talada wadanka qabto arintaas oo dadkiika soo qayb galay aad u raali gelisay si waafi ahna ay ugu qanceen.
Gudoomiyaha KUlMIYE ayaa cadeeyey Inay siin doonaan doorka dhalinyaradu ku leeyihiin mustaqbalka hogaaminta wadankooda iyadoo wax ka bedel ku samayn doona , qodobada dhalinyarada ka dabraya inay ka qayb qaataan hogaaminta .
Dadkii halkaa isugu yimi ayaa waxay mar kale la oogsadeen markii xubnihii xisbiga UDUB ay sheegeen inay raali ka yihiin Talada iyo hagaaminta Mujaahid siilaanyo, hadii lagu nacayo iyo hadii lagu jeclaanayoba oo aanay marnaba dafiri karaynin Taariikhda iyo halgankii uu wadanka u soo galay. Xubnahaas oo ay u hadleen Mr Alxamdu oo ka mid ah Masuuliinta iyo odayaasha Xisbiga UDUB ee magaalada Jönkoping, waxaa kale oo Gudoomiyaha hadal soo dhoweyn ku qaabilay Ku xigeenka wakiilka Somaliland ee sweden Xuseen wadaad yare.
sidoo kaleWakiilka Somaliland Mudane Caydaruus sheekh Aadan ayaa munaasibad Casho sharaf ah gurigiisa ugu sameeyey Gudoomiyaha KULMIYE iyo waftigii uu hogaaminayey.
Waxaa Kale oo marka laga yimaado Gudiyada iyo Masuuliyiinta KULMIYE sweden oo aan iyagu u kala hadhin booqashada Gudoomiya iyo waftigiisa ka sakow halkaa wacdaro ka dhigay si fiicana Gudoomiyaha u soo dhoweeyey Wakiilada Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID oo ugu horeeyo Ahmed cawaale .
Waxa kale oo khudbad balaadhan halkaa ka jeediyey Xoghaya Arimaha debeda ee Xisbiga KULMIYE oo ka waramay Siyaasada Xisbiga ee dhinaca Arimaha debeda iyo sida Maamulka Riyaale Kaahin uga gaabiyey inuu la yimaado qorshe iyo siyaasad habaysan oo bud dhig u noqota sidii wadanka somaliland Citiraaf uga heli lahaa caalamka, waxa kale oo xoghayuhu ka waramay siyaasada xisbigiisa ee ku wajahan citiraaf raadinta ,wuxuu kale oo aad ugu dheeraaday inay mudo kooban wadanka somaliland beesha caalamku aqoonsan doonto hadii Xisbiga KULMIYE talada wadanka qabto.
Marwada Gudoomiyaha ayaa iyaduna aad uga hadashay in maanta xisbiga KULMIYE aad u danaynayo Doorka haweenku ku leeyihiin masiirka iyo talada wadanka oo ay culayska saari doonaan sidii Xubno badan oo haween ahi talada wadanka ugu soo biiri lahaayeen iyadoo awelba xisbiga KULMIYE ahaa ka keliya ee Mudanaal degaan iyo Baarlamaan uga soo baxeen doorashooyinkii kala danbeeyey ee wadanka ka dhacay.
Marka la isku soo xooriyo soo dhoweynta Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE ayaa lagu sifeeyey inay tahay tii ugu balaadhnayd ee loo sameeyo masuul ka tirsan Asxaabta iyo Xukuumada somaliland oo booqsho ku yimi Wadanka Sweden.