Xisbiyada Mucaaridka Ah Ee KULMIYE Iyo UCID Oo Daaha Ka Rogay In Xukuumaddu Dalka Ka Saarayso Hay’adda Ka Shaqaysa Doorashooyinka.

Hadhwanaag 2009-06-15 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN)-Labada Xisbi Mucaarid ee KULMIYE iyo UCID ayaa sheegay gebi ahaanba inay burbureen wada hadaladii baryahanba u dhaxeeyey iyaga iyo Xukuummada,isla markaana ku eedeeyey Xukuumadda inay diiday fulinta shuruudihii iyo talooyinka deeqbixiyayaashu u soo jeediyeen

http://www.xogtamaanta.com/Muse%20Biixi-for-web-small.jpg

Sidaa waxay labada Xisbi Mucaarid ku sheegeen Shir jaraa’id oo ay galabta ku qabteen Huteelka Empriel ee Magaalada Hargeysa, oo ay ka soo saareen warsaxafadeed ay si wada jir ah ugu saxeexan yihiin Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Xisbiga KULMIYE, ahna kusimaha Guddoomiyaha Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe

Waxa kale oo ay shirkooda jaraa’id ku iftiimiyeen inay Xukuumadu iyo Xisbigeeda UDUB ay diidan yihiin inay bixiso Saamigii kaga soo hagaagay Lacagta Doorashada oo ah 25% Miisaaniyadda guud ee Doorashada.
Waxaanu u dhignaa warsaxafadeedkii sidan:-

“Labada Xisbi qaran ee UCID iyo KULMIYE iyagoo ka duulaya go’aanadi guddiga dhexdhexaadinta wada-hadalkii saddexda Guddoomiye Xisbi Qaran (UDUB, UCID iyo UDUB), aqbalaaddii go’aamadii guddida dhexdhexaadinta, talo-soo-jeedimihii guddida aqoonyahanka madaxa bannaan iyo Ururka Daryeelka Distoorka UDDAA, talooyinkii Salaadiinta Somaliland iyo heshiiskii saddexda Xisbi Qaran iyo Komishanka Ref/GDQ/XK/711/09, kuna taariikhaysnaa 27/05/09 iyo qoraalada Dawladaha inaga caawiya taabbo-gelinta arrimaha Doorashooyinka.

Talooyinkaas iyo go’aamadii waxay dhammaantood si wada-jor ah uga midaysan yihiin;

1-In khilaafaadkii, is-maandhaafkii iyo murugii Siyaasadeed ay soo af-jarmaan.
2-In ay dhisanto kalsooni iyo jawi-is-aaminaad oo suurtogelinaaya hirgelinta iyo habsami-u-socodka Doorasho xor iyo xalaal ah oo dib u dhac dambana lahayn. Labada Xisbi Qaran UCID iyo Kulmiye, iyagoo maanta ku haya ahmiyadda iyo mudnaanta ay leeyihiin Go’aamada iyo talooyinka kor ku xusan, waxay afar kulan la yeesheen Xisbiga UDUB iyo Madaxweyne-xigeenka, si ay isula meel dhigaan qodobada hoos ku qoran;

1-Magacaabista guddigii heer Qaran.
2-Ka-wada tashiga Komishanka Doorashooyinka Qaranka.
3-Ansixinta muddo-kordhinta-la’aanta muddada xilka Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.
4-Shuruudaha deeq-bixiyayaashu soo gudbiyaan.
Mawqifka labada Xisbi ee UCID iyo KULMIYE wuxuu yahay;
1-In la sameeyo guddi (Mechanism) heer qaran ah, ayna ka qayb galaan xubnaha ka tirsan Bulsho-weynta Caalamku, kuwaas oo ah daneeyayaasha Somaliland.
2-In Komishanka Doorashooyinka lagu kordhiyo afar (4)xubnod oo ay soo magacaabaan saddexda Xisbi Qaran iyo Golaha Guurtida, si loo xoojiyo, korna loogu qaado awoodda wax-qabad iyo maamul ee Komishanka.
3-Ansixinta muddo-kordhin la’aanta muddada xilka Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.
4-Labada Xisbi UCID iyo KULMIYE way aqbaleen shuruudaha iyo talooyinka Deeq-bixiyayaashu soo gudbiyeen.

Kulamadii saddexda Xisbi Qaran isugu yimaadeen waxa ka soo baxay;

1-Xisbiga UDUB oo si buuxda u diiday in laysla meel dhigo, lana fuliyo go’aamadii guddida dhexdhexaadinta.
2-Xisbiga UDUB oo si cad u deedafeeyay shuruudihii iyo talooyinkii deeq-bixiyayaasha ee ku abaarnaa meel-marin iyo suurtogelinta Doorasho Xor iyo Xalaal ah, kuna qabsoonta waqtigii loo muddeeyay.
3-Xukuumadda iyo Xisbigeeda talada haya oo ilaa hadda diidan in ay bixiso saamigii kaga soo hagaagay Lacagta Doorashada oo ah 25% Miisaaniyadda guud ee Doorashada.
4-Arrinta Komishanka khilaafaadkii ka jiray oo Xisbiga UDUB si buuxda u diiday in xubno lagu kordhiyo Komishanka, si tayadooda kor loogu qaado.

5-Labada Xubnood ee Komishanku soo jediyey in la bedelo, waa arrin Minjo-xaabinaya talooyinkii ay saddexda Xisbi kaga wada tashanayeen xal-u-helidda arrimaha Komishanka, gelinaysana werwer iyo hakad wada-hadalladii socday, waxayna marag-fur u tahay soo-jeedintii UDUB ee ahaa in la bedelo labada xubnood ee ay soo magacaabeen UCID iyo KULMIYE iyo xubin ka tirsan kuwa Xisbiga UDUB soo magacaabay. Taasi waxay caddaynaysaa in Xukuumaddu farogelin ku hayso Komishanka.

Haddaba, labada Xisbi Qaran ee UCID iyo KULMIYE waxay idiin soo gudbinayaan werwerka iyo walaaca ka haya mawqifka Madaxweynaha iyo Xisbigiisu ay ka taagan yihiin dhammaystirka iyo hirgelinta qodobada qabyada ah ee caqabadda ku ah qabsoomida Doorashada waqtigeedii loo muddeeyay in ay dhaco. Waxa kale oo mudan in la xuso in Madaxweynaha iyo Xisbigiisu aanay marnaba diyaar u ahayn in ay wada-shaqayn aaminaad leh la yeeshaan Xisbiyada.

Sidoo kale, waxa iyana werwerkeeda leh muddada kama-dambaysta ah ee deeq-bixiyayaashu u qabteen in lagu dhammaystiro hawlaha Doorashada khuseya ugu dambayn 21-June 2009, ayna ku jirto saamigii kaga soo hagaagay Xukuumadda JSL lacagta Doorashada oo ah 25% Miisaaniyadda guud ee Doorashada, welina aanay bixin Xukuumaddu. Taasina waxay daah-furaysaa in anay Xukuumadda talada haysaa ayna diyaar u ahayn qabsoomidda Doorasho ku dhacda waqtigii loo muddeeyay sababahan soo socda;

-Xukuumadda oo diiday fulinta shuruudihii iyo talooyinka Deeq-bixiyayaasha.
-Bixin-la’aanta saamigii Miisaaniyadda ku baxaysa Doorashada Madaxtooyada oo dhan 25% Miisaaniyadda guud.
-Soo-jeedinta shaqo-ka-fadhiisinta labada xubnood ee Guddida Doorashoyinka, taas oo ka marag-kacaysa, isla markaana aburaysa khilaafaad hor leh iyo waqti-lumis.
-Xukuumadda oo wefti culus u diraysa Deeq-bixiyayaasha, si ay culays ugu saarto ka-noqoshada shuruudihii iyo sidii Hay’adda Interpeace dalka looga saari lahaa.

Ugu dambayntii, labada Xisbi Qaran UCID iyo KULMIYE waxay guud ahaan Bulsho-weynta Somaliland ugu baaqayaan, kalsoonina ku siinayaan in ay diyaar u yihiin hirgelinta go’aamadii guddida Dhexdhexaadinta, talooyinka deeq-bixiyayaasha, aqoonyahanka iyo salaadiinta, isla markaana diyaar u yihiin inay si buuxda uga qayb qaataan hirgelinta dhammaan hawlaha suurogelinaya doorashada iyo ka-shaqaynta nabadgelyada guud ee Qaranka.

Baroortu Orgiga ka wayn!!!

Xigasho / Hadhwanaagnews

Comments are closed.