Xisbiyada Mucaaradka oo Dareeno Shaki leh ka Muujiyey Hadal ka Soo Yeedhay Wasiir Warancadde

Hargeysa (Jam)- Labada xisbi mucaarad ee UCID iyo KULMIYE, ayaa dareen shaki leh ka muujiyey hadal ka soo yeedhay Wasiirka Duulista Hawada iyo Cirka Cali Maxamed Warancadde, kaas oo uu shacabka ugu baaqay inay shacabka Jabuuti kaga daydaan oo dastuurka loo furo Madaxweyne Rayaale si uu xilka u sii hayo.

Murashaxa Madaxweyne-ku-xigeenka UCID Dr. Maxamed Rashiid Sh. Xasan iyo Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdulqaadir oo si gooni gooni ah Jamhuuriya waraysi ula yeeshay, ayaa dareeno shaki huwan ka muujiyey hadalkaas wasiirka oo ay ku tilmaameen mid qorshe kale ah.

Murrashaxa Madaxweyne-ku-xigeenka UCID Dr. Maxamed Rashiid oo shalay huteelka Maansoor ugu waramayey weriye ka tirsan Jamhuuriya ayaa mar la weydiiyey sida uu u arko hadalkaas Wasiir Warancadde ka soo yeedhay waxa uu ku macneeyey inuu noqon karo qorshe halis ah, isla markaana ay xisbi ahaan ay darsi doonaan.

“Waxaan u malaynayaa Wasiirkaasi (Cali Warancadde) inay arrintaasi malaha kaftan ka ahayd, waayo haddii ay dhab ka ahayd arrintaasi waxay noqonaysaa mid aad iyo aad ugu baahan in la hubiyo siday ku timi iyo fikrad ahaan waxa wasiirkaas ku jira, waayo Wasiirkani waxa weeye wasiirada Madaxweynaha ugu dhawdhaw, markaa halkaa waxaad ka akhriyi karaysaa, iyadoo ummaddu doorasho u diyaargaroobayso oo tii dhaweydba aanu ka hadlayno ayuu qorshe kale oo taa ka fog wasiirkani inoo sheegay. Annagu haddii aannu nahay xisbiga UCID waanu darsaynaa kelmadaasi waa mid culus, laakiin iminka waxaan ku odhanayaa oo keliya, waxaan ka rajaynayaa in aannu wasiirkaasi hadalkaa uu yidhi sidaa ula jeedin,” ayuu yidhi Dr. Maxamed Rashiid.

Murashaxa Madaxweyne-ku-xigeenka oo la weydiiyey siday u arkaan in ballanqaadkii xukuumadda ee ahaa inay bishan 15-keeda ku bixiyaan lacagta kaga soo hagaagtay doorashada aannu fulin, sida la sheegayna Madaxweynuhu diiday, waxa uu ku jawaabay, “Horta annaga haddaanu nahay axsaabta mucaaradka ah waxay naga ballanqaadeen (xukuumadda) lacagtaasi inay bisha 15-keeda oo maanta ah (shalay) inta ka horraysa inay khasnadda ku jirayso, waxaana ugu dambeeyey wadahadaladayadii ugu dambeeyey ee toddobaadkan dhexdiisa, annagu markaa waxaannu rajaynaynaa inay taasi dhacdo, waxaannu laakiin ognahay oo kale xukuumadda iyo madaxdeedu inay yihiin niman inta badan runta bakhayl ku ah.”

Dr. Maxamed Rashiid oo la weydiiyey su’aal ahayd rajada ay ku qabaan in doorashadu waqtigeedii ku dhacdo marka la eego heshiin la’aanta axsaabta iyo dhaqaalaha doorashooyinka ee aanay weli dawladdu bixin, waxa uu ku jawaabay, “Horta annaga masuuliyad adag ayaa na saaran haddii aannu axsaabta nahay, taas oo ah sidaa ummadda la maqashiiyey ee ah in 27-ka September doorashadu ay ku dhacdo, waxaannu habbeen iyo maalinba haddii aannu axsaabta mucaaradka ah nahay ka shaqaynaa sidii arrintaasi u suurtoobi lahayd, waayo waa markii ugu horreysay ee intaas oo jeer ummadda reer Somaliland dib uga dhacdo wixii ay xuquuqda u lahaayeen oo ah inay doortaan dadka ay doonayaan, taas oo nidaamka joogaa u suurtoobi waayey inuu xuuqdaas u soo celiyo. Annaga waa la ogyahay gudo iyo dibadba haddii aannu nahay ummadda doonaysa in dalkan lagu xukumo dastuurka iyo caddaaladda inay doorashadaasi dhacdo.”

Mar la weydiiyey Murrashaxa Madaxweyne-ku-xigeenka in haddii muddada ka hadhsan waqtigii doorashada lagu dhammayn kari waayo natiijada diiwaangelinta ay UCID ahaan ogolaanayaan in doorashada lagu galo bilaa diiwaangelin, maadaama hore ay ugu dhegsanaayeen in aanay ka qaybgeli doonin doorasho bilaa diiwaangelin ah, waxa uu yidhi; “Anigu maantadaa aan kula hadlayo waxaanu aaminsanahay sida ay doorashadaasi ku dhacaysaa inay sidii lagu ballamay noqoto oo qof weliba waajibkiisa ka soo baxo.”

Geesta kalena, Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo xalay Jamhuuriya khadka telefoonka ku waraysanayey, ayaa hadalkaas wasiirka ku tilmaamay mid uu ugu guulwadaynayo Madaxweynahay, isla markaana aannu Madaxweyne Rayaale mar labaadba helayn doorasho oo uu u ogyahay in aannu saami ku lahayn bulshada.

Isagoo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “KULMIYE waxa uu hadalka ka soo yeedhay wasiirka u arkaa guulwadayn uu wasiirku wado, mowqifka KULMIYE-na waxa weeye in aan qodobadda distoorka ee doorashooyinka ku saabsan waxba laga beddelin, waxana sidaa loo yeelay si aannu u samaysmin kelidii taliye xukunka iska fadhiya.

Dawladaha waaweyn ee Maraykanku ka mid yahay dastuurkoodu ayey ku xaddidayaan muddada madaxweynaha iyo inta jeer ee uu isa soo sharraxi karo oo laba jeer oo qudha ah, arrintaasina waxay tilmaan u tahay ku dhaqanka hannaanka dimoqraadiyadda.

Dee wasiirku wuu iska hadlaye Ina Rayaale doorashada waa laga helayaa oo saamiba uma helayo waqti saddexaad oo uu doorasho isku soo taago, sababtoo ah wax la taabto oo uu bulshada u qabtay muddadii xilkiisa oo mar labaad lagu doorto ma jirto.”

Jamhuuriya Online

Comments are closed.