Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah KULMIYE Oo Ka Dhoofay Magaalada Oslo, Una Sii Jeeda Cariga Ingiriiska.

http://farm4.static.flickr.com/3004/2454145656_80b4a01bd5.jpg Oslo, Norway :-Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo] ayaa caawa ka ambabaxay Magaalada Oslo ee Dalka Norwey,isaga oo u sii jeeda dalka Ingiriiska,kadib markii uu dhameystay socdaal shaqo oo qaatay muudo afar cisho ah oo uu halkaasi ku sugnaa.

Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Siilaanyo oo ay wehelinaysay marwadiisu marwo Aamina Weris ayaa mudadii uu ku sugnaa dalka waxa uu kulamo is-daba jooga la yeeshay oo uu la kulmay Wasaarada Arrimaha Dibada Norweyn iyo Barlamaanka dalkaasi, Jaaliyada Somaliland ee Dalka Norwey. Waxaanay dhamaantood kaga wada hadleen arrimo doora, isla markaana waxa uu guddoomiyuhu ku qaabil
.Axmed Siilaanyo waxa uu caawa fiidkii ka dhoofay Garoonka caalamiga ah Gardemoon isagoo ku sii jeeda dalka England khaasatan magaalada London .waxaana guddoomiyaha
Dhabada diyaaradaha ku sii sagootiyay Guddoomiyaha laanta Norway ee xisbiga Kulmiye Md. Sulub Ismaciil iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga.

Guddoomiye Siilaanyo waxa uu uga mahadceliyey Jaaliyada shacabka reer Somaliland ee ku dhaqan wadankan Norway sida qiimaha iyo qadarinta mudan ee aay u soo dhaweeyeen isagoo mahadgaara u celinayay Haweenka kaalintii ay ka qaateen soo dhaweentayada.

Ugu dambeeyntii waxa uu gudoomiyuhu ku booriyay dadka reer Somaliland inay ka qaybqaataan horumarka wadankooda hooyo .

Xassan Waraabacadde
Norway/Oslo.

Comments are closed.