CIID Wanaagsan Munaasabada Xuska 18ka May, Gudoomiyaha Xisbiga Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Dadweynaha reer Burco La Dabaal degi Doona Munaasabada Weyn ee Xuska 18ka May Oo ah Dib Ula soo Noqoshadii Qaranimada Somaliland
Burco- Guddoomiyaha Xisbiga md Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo ay la socdaan xubno ka tirsan hoggaanka sare ee xisbiga ayaa caawa soo gaadhey magaalo madaxda gobolka togdheer ee Burco . Gudoomiyaha xisbigu Waxa uu maalinta berri ah oo ku beegan 18ka May dadweynaha magaalada Burco kala qaybgeli doona xuska Sannad-guurada 17naad ee dib ula soo noqoshada iyo Goonni isu taagga qaranimada Somaliland.
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo galabta u ambabaxay magaalada Burco ayaa la filayaa isaga iyo gudoomiyaha xisbiga mucaridka ah ee Ucid md Faysal cali waraabe inay 19ka bishan kulan kale hadana soo horfadhiistaan madaxweynaha mudadiisii dhamaatay ahna gudoomiyaha xisbiga Udub md Daahir Riyaale Kaahin si ay u sii wadaan wadahadal xal u raadinta khilaafka ka dhashay muddadii xilka Madaxweynenimada oo ka dhammaatay Daahir Riyaale 15kii May iyo go’aanka Guurtidu ugu kordhisey muddada xilka oo labada xisbi ee mucaaridku ay diideen inay aqoonsadaan walina aan halkii ka soo degin
Kulankii hore ee madaxda sedexda xisbi oo maalintii Khamiistii la wada hadlay ayaa ismari waa ku dhammaaday balse la isla wada ogalaaday in wada hadalku uu sii socdo. waxaa Kulankaas sedexda xisbi kala hogaaminayay md Axmed Siilaanyo oo ah gudoomiyaha xisbiga Kulmiye, md Faysal cali waraabe oo ah gudoomiyaha xisbiga Ucid iyo md Dahir Rayaale Kaahin oo ah gudoomiyaha xisbiga Udub oo mudadii madaxweynimadu ka dhamaatay bishan May 15 keedii.
Shabakada kulmiye.org waxay idinla socodsiin doontaa munasabada dabaal dega iyo damaashadka 18ka May ee magaalooyinka dalka Somaliland iyo dibadahaba hadii EBBE inoo ogalaado.