DALJIRE Gobolkee Dul Badan ? q.2aad

By A. Geeljire

Dubbe iyo Doolaal  duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha.  Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna  inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe:Waar heedhee qoladayadii mucaaradka ee Wakiiladu siday wax leeyihiin? Waa maxay xeerkan ay wajeeriayaan?

Doolaal:Dee moojiye is weydiiya. Kolba xeer  yar oo aan distoorka waafaqsanayn baa hoosta naga soo gelinaysaan oo waqtiga dadka kaga luminaysaan.

Dubbe:haaye idinka jaahilnimadiina ayaa xad dhaaf ah. Xeerkaad sheegayso  iyo sharciga saw Golayaashu ma sameeyaan. Waar anagu taanu ka hadlaynaa waa wax kale.

Dooaal:maxaad ka hadlaysaan?

Dubbe:Waxaan leeyahay waar xeer aan raalli laga wada ahayn oo Guurti ka horrayso oo Ina Rayaale qalwadii ugu sii jiraa socon maayee waqti ma hadhine hirgelinta doorashada iyo xeerka anshaxa ee doorashada nala riixa. Oo xeer nidaamiye xilka madaxtooyada lagula kala wareego soo saara. Oo goldaloolooyinka xeerka doorasha nala gufeeya oo awoodiina saara. Waar yaa ilaahay yaqaan?

Doolaal:Dee kaasi hadal xun maaha ee u sheeg saaxibadaa. Maantaad ugu ladnayd.

Dubbe:Waar aniga ladnaantayda waxba kaama geline meeshan sidaa uga googoosan lahaydeen u diyaar garooba waxba idiinma yaallaane.

Doolaal:oo Waayo?

Dubbe: Waayo aa? Dee waxaa cuni karayseen wa canteen, waxaa iibsan karayseen waa ibsateen,waxaa boobi karayseen waa boobteen, waxaa layn karayseen waa layseen, waxaa xidhi karayseen waa xidheen.  Waxaa iminka maraysaan xinkii carruurta iyo inaad tidhaahdaan madaarka u diida mucaaradka. Waar dadku waa idin arkaa. Ma waxbaa dalka u qabateen? Haddaa idinkuu feedh isula baxdeen oo baloodhadii yaryaraa isku madhiseen.

Doolaal:Hadda dadku intaa way na baryayaan oo noo jooga bay leeyihiin.

Dubbe:istaaqfurullaah. Waar waxaa iska daayo aan odyaasha sheekadii gobolada u dhameeyee u kaadi. Waar dhegeysta dee. Halkii baan idiinka bilaabayaa sheekadii shirkii gobollada.

Oodweyne:Horta shirku waa salaaman yahay……

Sool:Waar heedhe u kaadi. Kama bixin aan dee. Hadalka yeynaan iska hororin  dee odayaal. Haddeer waataanu idin lahayn anaka lacagtan magacayaga lagu urursanayo ee islaan wal oo caanalay ah oo Isaaqi ba leedahay “awalba wax naf lihi caanaha kama soo bixi jirine intiina dawladda hoose iyo Dhulbahante ayaa kala goostay.” Anaka nama soo gaadhin lacagtaa. Islaamaha u sheega. Cawil iyo Ina Rayaale ayaa ceydhiinka ku qaybsaday midkoodna Dhulbahante ma aha haddii aydaan garanahayn. Waxaan midhkaa ku darayaa. Waxa la yiri nin reer magaal ahaa oo ganacsade ahaa ayaa waxoogaagii ka duulay. In door ah ayuu kolba wax yab yabay oo misna ka kala duleen. Goortii dambe ayuu  miyi isaga baxay iyo reerihii intuu xaaskii iyo carruurtii kaxaystay. Goortuu reerihii gaadhay ayaa haruub loo dhiibay oo la yiri orodoo geelaa ololkiisu inoo baxahayo carruurta caano uga soo lis. Kiiyo caanihii oo xoorku intaa kor uga kacay la soo guureynahaya ayuu xidid geed lugta daray oo inta cirkaa u baxay afweynta goostay oo dhiilkiina meshaaaaaa ku duulay. Nin calool adag oo belo ah oo habaar qabe ah ayuu ahaaye intuu markiiba is taagay buu cabbaar aamusay oo haruubkii soo qaaday oo yiri  “Ilaahayow beryahaaba waxba kaama garnayne bal haruubka dadka uun haygu kala goyn.” Iminka beryahaba qoladiina Isaaq iyo “Gudabiirsay” ee isku marani waxba idinkama garnayn aanuye bal wiilashan yar yar ee aydin abtiga u tihiin ee meelahakan ku dhashay ee aanaan af garanahayn ee magacyada jinka leh, Indho indho, bidho bidho, iyo wax la mid ah  ee aydin noo soo diraysaan uun naga daysta oo rag dalka iyo dadka aqoon u leh  noo soo dira oo garaadada iyo duubabku la xaajoon karaan. Waar hadda intaasi wax buuran maaha. Waa laayay haddeer.

Oodweyne:Horta qoladiinan reer  Sool meeshu qabyaalad iyo beelo ma aha ee waa qaran ee sidaa la socda. Qaranka waa loo siman yahay masuulayadiisa. Haddaan hadalka u soo noqdo. Horta raggii naga horreeyay si wanaagsan bay hadalka u dhigeen. Wax xun may odhan oo qoonsimaad leh. Anagana naga fili maysaan inaanu wax hagaajino mooyaane inaanu haddii Eebi idankeeda leeyahay turxaan la nimaadno….

Maroodi jeex:Waa yara goor dambee hadalka inoo soo gaagaabiya. Waqtigii qaadkaa dhowe.

Oodweyne:Hadalka hayga jarin ee ii kaadi. Hay cubba dhawrin adeere ii kaadi. Horta nin waliba wax sheeg ye anagu waxaanu aragnay waxaan hore noo soo marin. Waxaanu arki jirnay ama odhan jirnay “rag wacad baa xidha dumarna meher.” Waxaanu aragnay nin Madaxweyne ah oo aan meel Allaale meel aad ugu soo hagagto aanad garanayn. Rag waa kii abaal gala ragna waa gudaa. Midh abaal ah looma yaqaan. Waalay ka tay. Waataa ogaydeenoo dadkii u codaynayay waxaanu gawaadhi kaga soo gurney Hawd guntii. Waar mee Deyr Xiniiya dheere? Ma fidhiyaa? Waar Deerow kac. Istaag. Waakaase qoodhii iyo xeradii nin walba geeliisii iyo xoolihii baanu habeen madaw gaadhi kaga soo qaadnay. Qaar baanu dumarkiina soo raacinnay. Toddoba sannadood  ayaanu intaa ka dhur sugaynaa oo wax kale daaye kaalin caafimaad oo haweenku ku umulaan ka la’nay. Intaanu Hargeysa ama Burco ku sii wadnaa bay mid waliba isku go’daa. Isna intuu eedyar iska hadlay buu yidhi waar dadkaba idinkaa ugu ladane afka dabaysha ka qarsada.  Golaha waxaan ka maqlayay rag ka cabanayaa raga uu usoo diray ee reerahooda ah. Anaka kuwa uu noo soo diray ee ilka jaxaaska, bahalka jaxaaska la yidhaa ee la yidhi webiyada ayuu ku jiraa qaar ilkahiisa oo kale leh ayuu noo soo diray oo lafta iyo cadka  aan kala reebayn. Jaw. Waar maxaynaan war iska hayn. Ahaaa. Iyaga iyo  isagaba waxaanu leenahay. Idin ogaannay. Rag dagaal  waa geyaa. Colaad waa geyaa laakiin abaal xumo iyo aflagaado looga fiican shayga inan rag la yidhaa. Wallee inaydaan Habar jeclo dambe iyo Isaaq dambe colaadooda nagu khuukhinayn oo aanad cod nagaga helahayn. Midhkaa ku biyo cab. Ma xiniin baa nala sarayaa haddaanu runta sheegno. Meesha ragii Giib dilay baa tafiirtiisii maraysaa.

Hawd: Asalaamu calaykum wa raxmatullahi wa barakaatu……..

La soco qaybta kale haddii Eebe idmo.

A Geeljire

Comments are closed.