Xildhibaan Golaha Wakiillada Somaliland Ka Tirsan,Oo Heshiiska Mucaaridka iyo Xukuumaddu Wada Gaadheen Sharci-darro Ku Tilmaamay.
| Xildhibaan Golaha Wakiillada Somaliland Ka Tirsan,Oo Heshiiska Mucaaridka iyo Xukuumaddu Wada Gaadheen Sharci-darro Ku Tilmaamay. | ||
![]() |
||
hadhwanaag 2008-06-04 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN)- Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland,ayaa sharci-darro ku tilmaamay heshiiska ay Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Xukuumaddu dhawaanta gaadheen, marka loo eego qaabka ay u wajaheen, isla markaana waxa uu tilmaamay in aan Madaxweyne Rayaale sharci ku fadhiyiyin wakhtigan. Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, waxa uu ku dooday in loo baahan yahay in Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa la xalaaleeyo, dib loo dhaariyo, maadaama ay muddadii sharciga ahayd ee ummadu soo dooratay dhamaatay 15-kii bishii May ee sannadkan 2008-da. Sidaa waxa uu Xildhibaanku ku sheegay mar ay maanta isaga oo ku sugan Huteelka Rayaan ee Magaalada Hargeysa, Wariyayaal kala duwani wax ka waydiiyeen arrimaha heshiiska, hadalo Madaxweyne Rayaale ka soo yeedhay, Miisaaniyad sannadeedkii Golahoodu baasgareeyay iyo arrimo kale oo door ah. “Waa in Xeerarka wada-tashiga ee ku xusan dastuurka lagu noqdaa, dabadeetana hadii la doonayo Madaxweyne Rayaale dib loogu dhaariyaa xilka, isaga oo ah Madaxweyne ku simaya dalka doorashooyinka. Laakiin waxaan qabaa in awoodaha laga dhimo, haday tahay ta dhaqaale, ta nabadgalyo oo awoodihii Ciidamada ayuu gacanta ku hayaa, ta Warbaahinta Qaranka oo la doonayo in ay u sinaadaan Axsaabta Qaranku.Cidii ka dhimi lahayd awoodahaa ee kula gor-gortami lahayd ma ahayn Axsaabta Mucaaradka, ee waajibkaa waxa lahaa ee laali lahayd waa Golaha Wakiillada. Ta xalaalaynta mudda Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka ee ku-meel-gaadhka ah ama iyaga ha ahaadaan (Rayaale iyo Axmed Yuusuf) ama kuwo kale ha loo magacaabo’e cida la isla garto waxa xalaalaynaya Sharci-dejinta.” Sidaa ayuu yidhi Md. Maxamed Faarax Qabile. Waxa uu ku dooday oo uu yidhi, “Dhaliisha ugu weyn ee aan anigu u arko inay heshiiskan Axsaabta iyo Xukuumadda dhex maray nabarka weyn ee uu leeyahay ee aan bogsanaynini waa kaa. Waana ka taabashadiisa saaka (shalay) faraqa u dhexeeya Madaxweyne Rayaale iyo Axmed-siilaanyo ay ka muuqatay qoraalada Warbaahinta ay ka sii daayeen” Xildhibaan Qabile, mar la waydiiyay, su’aal ahayd in mudda cusub ee la sheegay in loo qorsheeyay in lagu qaban doono doorashooyinka, in aanay waxba ka sokeyn tii Guurtidu hore ugu mudaysay iyo sida uu isagu u arko waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi, “Asalba waxa weeyaan, heshiiska ay Axsaabtu gashay ayaan sharci xalaalaynayaaba jirin, xil iyo waajibaad u yaalana maaha, haday taa Axsaabtu isku qancisayna waxaan laaqigooda ahayn ayay galeen. Qodob Dastuuriyina waxa uu dhigayaa cidna looma wareejin karo xilka iyo waajibaadka ay Sharci-dejintu ay leedahay, cid kalena ma amaahan karto, waxaanan qabaa in ay tahay qalad dhacay, oo u baahan sixid.” Sidoo kale, waxa Mudane Qabile, la waydiiyay, sida uu u arko hadal uu Madaxweyne Rayaale ku sheegay shir Jaraa’id oo uu salaasadii todobaadkan ku qabtay Qasriga Madaxtooyada, in uu hadii muddadu ka dhamaato iyo hadii kaleba uu yahay Madaxweyne sharci ah iyo sida uu u arko hadalkaa, isaga oo taa ka jawaabayana waxa uu yidhi Xildhibaanku, “Odhaahda Madaxweyne Rayaale uu yidhi waxa uu ka arkay dabaca Axsaabta iyo xilka kale ee aanay iyagu shaqada ku lahayn ee ay galeen. Laakiin marka ciddii lahayd ay qabsato ayuu dareemi doonaa bay ilatahay.” Waxa kale oo la sii waydiiyay Md. Maxamed Faarax Qabile, cidda xaqa u leh arrintaa uu ka soo hadlay, waxaanu yidhi, “Waxa xaqu leh labada Gole ee Guurtida iyo Wakiillada, oo wada jir ah ayaa leh.” Xildhibaan Qabile, mar uu ka jawaabayay su’aal ahayd Heshiiska ay Axsaabtu gaadhaan, maadaama ay tartan kula jiraan Madaxweyne Rayaale, miyaanay ahayn wax xalaal ah oo loo baahanyahay in aad xalaalaysaan? Waxa uu yidhi, “Anaga cidda kaliya ee Amadman inay nagu soo celiso xaqa u lahayd Madaxweynaha, oo waa wada-shaqaynta labadayadan Gole Baarlamaan iyo Madaxweynaha, ee Axsaabtu waa laga yaabaa soo jeedin aan toos ahayn inay soo galaan, laakiin anaga xaq nooguma laha in ay Xisbiyadu amar inta ay nasiyaan na yidhaahdaan waxaa iyo waxaa wax ka soo bedala, meel ay ku taalana hadii sharciga aad ka soo heshaan tooda ayay noqonaysaa.” Sidaa ayuu yidhi Qabile isaga oo su’aashaa ka jawaabayay. Mar la waydiiyay Xildhibaanka su’aal ahayd in Madaxweynuhu isugu yeedhayo golayaasha Baarlamanka guurtida iyo Wakiillada, si ay u laalaan qodobo ku jira xeerka diiwaan-gelinta oo la sheegay in ay ka horimanayaan dooarashada madaxtooyada iyo sida ay wax uga jiraan waxa uu ku jawaabay, oo uu yidhi, “Wallaahi, Madaxweyne xilkiisi taagan yahay ayaa taa isugu yeedhida samayn karaya. Laakiin taa qaadashadeeda waxa leh Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ama saddex daloolaw laba dalool Mudanayaasha Golaha Wakiillada, laakiin anigu kolayba shaqsiyan uma arko inuu Madaxweynuhu sharci ku joogo xiligan aynu imika ku jiro.” Waxa kale, oo la sii waydiiyay Xildhibaan Maxamed Faarax, maadaama uu ku doodayo in aan Madaxweyne Rayaale sharci ahayn, mucaaridkuna wakhtigan u muuqdaan kuwo taageersan, waxa uu isagu u arko in xalku ku jiro, waxa uu ku jawaabay, “Waxa markasta sharci nimadiisa muujinaya cidda awoodeeda leh, oo aniguba ma lihi meeshu Faakuyuu ha noqoto, oo ha banaanaato. Laakiin waxaan leeyahay xalaalayn ayaa ka maqan, inta xalaalayntu ka maqantahayna awoodihiisii Madaxweyne-nimo waxbaa u dhiman oo iin ayay leeyihiin, oo aan anigu u yeelayaa.” Ugu dambayntii Maxamed Faarax Qabile, waxa la waydiiyay su’aal ku wajahan Miisaaniyadii ay dhawaanta ansixiyeen, oo dal-dalool badani ka muuqday dhinacyada arrimaha bulshada waxa ugu jira iyo heshiiksa iyaga iyo Xukuumadda dhexmaray wakhtigan, maadaa aan xisaab-xidhadii sannadihii 2006 iyo 2007, loo soo gudbin, waxa uu yidhi, “Kolay anigu doodaydii ka mudane ahaan waan ka dhiibtay, kalsooni darro badana waan ka muujiyay, oo aan dastuurka ku fadhiisiyay. Hase yeeshee, kolay anigu noqon maayo sidii Xildhibaanadii Kal hore qaarkood ay yeeleen. Maadaama go’aan Gele dhacayna anigu waan raacsanay.” Xigasho / Hadhwanaagnews.com/Offece |
