Doorashado Dib Ayaay u Dhaceysaa Haddan…

Doorashado Dib Ayaay u Dhaceysaa Haddan…
Fadhi iyo fuud yicibeed la isku waa. Doorasha la qabanayaa bisha September 27, 2009 ilaa maantana oo bisha July tahey 27, 2009 kharashkii lagu qaban lahaa lama hayo waa dhalanteed waxaana berri ka maalin lagu waa bariisan doorashadii oo dib u dhacday. Dib u dhacaa yaa ka masu’uul noqondoona? Waxa ka masu’uul ah xukuumada Riyaale. Labba jeer oo hore ayaay doorashadii madaxweynuhu dib u dhacday ina aay mar saddexaad dib u dhacdana u diyaargarow haddan kharashkii ku bixi lahaa oo dhan ugu yaraan ila afar milyan (4 million US$ dollar) aan lagu helin inta ka horeysa todoba iyo labaatanka bishan July (27/07/09). Waxa iga qaylisiinaaya iyada oo aay ii muuqato ina aanay cidina (mucaarid iyo muxafid toona) ku hawlaneyn halkii kharashka doorashada ku baxaaya laga dooni laha; ciddi u diyaarka aheyd ina ay bixisana (donors) lagu gacan seydhay.
Qormadan waxa an ku naqdiyayaa a) kharashkii doorashada maxaa laga hayaa b)haddi deeqbixiyaashu saamigoodii bixin waayaan yaa lagu cannaananayaa c) haddi shurruudihii deeqbixiyaasha la oofin waayo maxaa ina la gudboon d) haddi hogaanka xilka hogaanimo laga qaado deeqbixiyaasho lacagtii ma bixinayaan iyo e) cawaaqib xumida ka iman kartaa doorashada oo ma saddexaad dib u dhacda f) gebogebo
Kharashkii Doorashada Maxaa Laga Hayaa
Kharashkii doorashada maxaa laga hayaa? Jawaabtu waa WAXBA. Maanta oo aay bishu tahey 14/07/09 shilin dhexda ka daloola lagama hayo kharashkii ku bixi lahaa doorashada oo ugu yaran lagu qeyaasay afar milyan oo dollar (US$ 4 million). Qorshaho waxa uu aha ina xukuumado bixiso 25% oo ah hal milyan (US$1,000,000) halka deeqbixiyaashuna ay aheyd ina aay bixiyaan 75% oo ah (US$3,000,000). Ilaa maanta xukuumada iyo deeqbixiyaasha (donors) midna shilin ma bixin.
Xukuumado waxa ay sheegtay ina aay samigeedi bixisay kuna shubtay bangiga dhexe. Hase yeesho e waay jebisay shurrudii deeqbixiyaasha ee aheyd ina lacgtaa lagu shubo akawnt gaar ah (dedicated account) si loo hubin karo hantidhawrna la gelin karo. taa xukuumado waay diiday. Mana ahaa markii u horeysay ee ay xukuumado been sheegtay oo iyada oo aan waxba shubin aay tidhaahdo waanu shubnay. Mida kale haddi aay taasi dhab tahey komishanku wuu sii bilaabi kari lahaa shaqada iyaga oo ku sii hawl galaaya saamiga xukuumada ee halka milyan ah. Hadal iyo dhamaantii saamigii xukuumada shilina lagama hayo!
Haddaba saamigii deeqbixiyaasha ee aha 75% maxaa ku dhacay ee loo bixin waayay. Deeqbixiyaasho bixinta saamigooda waxa ay ku xidheen dhawr shuruudood oo aay ka mid yihiin 1)hogaanka komishanka oo wax laga bedelo 2)natiijada SERVERKA oo la wada aqbalo 3) xeerka anshaxa oo la wada saxeexo 4)qorshe nabada lagu sugaayo oo xukuumadu soo dejiso 5) xukuumada oo saamigeedii ku shubta akawnt gaar ah (dedicated account) oo bangi madaxbanaan laga furay iyo 6) is waafajinta xeerka doorashada iyo shuruucda diiwangelinta.
Shurruudaha lixda (6) ah ilaa maanta laba qudha ayaa laga oofiyay; kuwaasi oo kala ah natiijada SERVERKA iyo xeerka anshaxa oo la wada saxeexay. Afarta kale (4) oo aay ku jirto tii uugu muhiimsaneyd ee aheyd ina hogaanka komishanka wax laga bedelo midna lama buuxin.
Sidaa awgeed deeqbixiyaasho waxa aay ku adkeysteen haddi aan si dhakhso ah ( maalma gudahood) shuruudaha hadhsan khaasatan ta hogaanka komishanka aan loo dhameystirin ina aanay bixinaheyn saamigoodii. Halka waxa ku cad ina aan kharashkii doorashada ku bixi lahaa aan ilaa maanta shilin laga heyn.
Haddi Deeqbixiyaasho Saamigooda Bixin Waayaan Yaa Lagu Cannaananayaa
Waxa lagu cannaananayaa xisbiga UDUB iyo xukuumada oo diiday ina aay wax ka bedelaan hogaanka komishanka. Riyaale hore ayuu deeqbixiyaasha waraaq uugu qoray uu hoosta ka xariiqay ina aanay komishankan maanta jooga doorasho wadanka ka saari karin. Riyaale mar haddii uu isku qanciyay ina komishanku aanu tayo laheyn uu wadanka kaga saari karo doorasho waxa daw ah ina uu hogaanka bedelo. Isaga oo midhkaa aaminsan ina uu hadana waxba ka qaban waayo waxa aay noqoneysaa xil-gudasha la’aan. Mucaaridku waxba ma bedeli karo. komishankii horeba Riyaale ayaa amray ina gawaadhida suuqa lagaga dejiyo mafaatiixdana laga qaado. Cidda dhawaaqa iyo shuruudaha deeqbixiyaasha ka dhega adeeygtayna waa xisbiga UDUB iyo ina Riyaale. Marka cannaan teeda waxa iska leh ina Riyaale.
Haddi Shuruudihii Deeqbixiyaasha la Oofin Waayay Maxaa ina la Gudboon
Haddi Riyaale goostay ina uu shuruudihii deeqbixiyaasha ka dhega adeeygo waa ina uu isagu ka hawl galaa siddii iyo halkii uu ka dooni laha kharashka doorashada. Mase kula tahey ninka samigiisii ilaa maanta laga la’yahey ayaa saamigii deeqbixiyaashana ku daraaya. Taasi waa MAYA. Si kastaba ha noqoto ee isaga ayaa looga fadhiyaa ina uu kharashkii doorashada diyaariyo.
Haddi Hogaanka Xilka Hogaanimo Laga Wareejiyo Deeqbixiyaasho Lacagtii Ma Bixinayaan
Waxa aan ka affif dhiganayaa ina aanan deeqbixiyaasha anigu afhayeen u aheyn qoraalkanina waxa uu ku saleysan yahey xog aan soo ururiyay haddi wax qalad ihi ku jiraan iyaga ayay u taalaa ina aay saxaan. Su’aashu waxa aay tahey, haddi hogaanka xilka hogaanimo laga wareejiyo deeqbixiyaasho lacagtii ma bixinayaan? Jawaabtu waa MAYA. Sidda laga soo wariyay, muddu dheer markii aay Deeqbixiyaasho la shaqeynayeen komishanka maanta jooga waxa ay ku qanceen ina komishnaka maanta joogaa aanu laheyn kartidii iyo tayadii aay ku maamuli lahaayeen doorasho ku dhacda si xor ah oo xalaal ah. Deeqbixiyaasho diyaar uuma aha ina aay lacag malaayiin ah iskaga bixiyaan wax doorasho u eeg oo dhibaato wadanka u horseedi kara. Si aay taa uuga digtoonaadaan deeqbixiyaasho waxa aay la saxeexdeen komishanka heshiis (memorandum of understanding); heshiiskaasi oo wax yaala badan masu’uuliyadeeda ku wareejinaaya hay’ada INTERPEACE ee deeqbixiyaasha u wakiilka ah. Waxa intaa raaca shurruudo (pre-conditions) aay ku xidheen sida aan kor ku xusay oo aan weli la fulin
Sida laga soo wariyay deeqbixiyaasho waxa aay doonayeen markii hore ina komishanka la wada bedelo. Haddi taa la waayana tira u cuntami karta oo aay ka mid yihiin hogaanka maanta ka jira komishanka la bedelo. Sidda aay ku celceliyeen deeqbixiyaasho in badan ujeededoodo waxa aay ku egtahey uun in la helo komishan tayo leh oo doorashada lagu aamini karo. Inta taa la helaayana deeqbixiyaasho lacag bixin maayaan
Cawaqib xummida ka iman karta doorashada oo mar saddexaad dib u dhacda
In badan ayaa hore looga hadlay cawaaqib xumida iyo khasaaraha ka iman kara haddi doorashado mar saddexaad dib u dhacdo sidda awgeed wax badan halkan kaga odhan maayo. Waxa se aan ku celinayaa uun intii hore loo yidhi oo ah garriirka ka dhashaa waxa uu khatar gelin karaa jiritaanka somaliland. ALLA inaguma keeno e.
Gebogebo
Qoraalkii aay hay’ada xuquuqal insaanka ee “Human Rights Watch” HRW soo saartay nuxurkeedo waxa uu ahaa: Riyaale nabada iyo geedi socodka dimuqraaadiyada somaliland halis ayuu ku yahey. Ma aha Faysal amba Siiraanyo oo hadlaayaa ee waa hay’ad madaxbanaan oo aduunka laga aqoonsanyahay. Ku kasta oo madaxbanaan oo fursad uu ku darso xaallada somaliland helaana inta HRW sheegtay iyo in kasii xun ayuunbaay sheegi. Wasiirada somaliland iyo HRW marka aay noqoto keebaa aduunweynuhu rumeysanayaa waay iska cadahay ee waxa aan wasiirada kula talin lahaa ina aay Riyaale runta u sheegaan haddi kale somaliland meel fog ayaa laga dooni.
Qoraalka HRW halistii uu farta ku fiiqay ee nabada somaliland wax yeeleeysay waxa kow ka ah doorashadan kharashkii ku bixi lahaa an weli ilaa maanta la heyn deeqbixiyaashii diyaarka u ahaana lagu gacan seydhay. Waxa aan ku soo afjarayaa haddan kharshkii doorashada ku bixi laha muddo maalma ah lagu keenin (meel laga keenaba) doorashadii dib ayaay u dhaceysaa ee halaga hawl galo
Ali Gulaid
Haregeisa, Somaliland