“Saxaafadu Marnaba Joojin-mayso Inay ka Hadasho Wixii la Qarinayo, Xukuumaduna Fadeexadii Ceelbardaale ayay kula Gal- galanaysaa” Mustafe Shiine.

Mida kale waxaan Xukuumadda u soo jeedinayaa inay la timaado xirfad ay kuwada shaqeeyaan Saxaafadda iyo

Hargeys(GNS)- Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SoLJA Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe-Shiine) ayaa Xukuumadda Madaxweyne Rayaalle ku Eedeeyay Fadeexadda Xiisada Ceel bardaale ka soo cusboonaatay ay kula galgalanayso Warbaahinta Madax banaan.

Gudoomiyaha SOLJA oo daba socday Tallaabooyin ay Xukuumaddu Xabsiga ku dhigtay Laba Wariye oo ka tirsan Idaacadda Horyaal, waxa uu sheegay.

Ka dib markii ay ku fashilantay fulinta Go’aamadii Guurtidu ka soo saartay shaqaaqadaasi ay bilowday inay Cabudhiso Suxufiyiinta, iyadoo marmarsiiyo ka dhiganaysa in wararka ay ka qorayaan Xiisadaasi ay hurinayaan Beelaha is horfadhiya.

Mustafe-Shiine oo Maanta Shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa, waxa kale oo uu ka hadlay Warbixintii ay Dhawaan Hay’adda HRW ka soo saartay Xaalada Somaliland ee ay kaga dayrisay tacadiyada ka socda, taas oo uu masuuliyadeeda dusha ka saaray Xukuumada.

Guddoomiyaha Ururka Solja isagoo ka hadlaya dhacdadii lagu khaarijiyay Afartii nin ee safarka ahaa waxa uu yidhi, “Haddii aanu nahay Bahda saxaafadda Somaliland dhacdadaasi waa mid tiiraanyo leh oo aanu ka xun-nahay, waxaanu caddeynaynaa in aanaan raali ka ahayn, runtii saxaafaddu iyadaa ilaalo ka ahayd soo tebinta arrintaasi.

Waxaan odhan karaa waxqabad la’aantii Xukuumadda ayaa sababtay in ay rabshadahaasi dhacaan, dadkana la laayo, laakiin maaha wax saxaafadda lagula galgasho.

Waxa dhacday in markii dambe ee ay rabashadahaasi dhaceen xukuumaddu go’aan ka soo saartay ay warbaahinta ku cabudhinayso, ka dibna ay sharci darro ku xidhay laba weriye oo ka tirsan masuuliyiinta Radio Horyaal Axmed Saleebaan Dhuxul oo ka mida Guddida Fulinta ee ururka Solja iyo Maxamed Cismaan Mire (Sayid) oo ahaa shirgudoonkii shirweynihii u dambeeyay ee Ururka SOLJA, xadhigaasna waanu cambaaraynaynaa in iyaga oo aan wax dambi ah lagu haysan ay 48 Saacadood wax ka badan ku jiraan Xabsiga.”

Mustafe Cabdi Ciise waxa uu tibaaxay in xadhiga Wariyayaashani baal marsan yahay xeerka Saxaadadda Somaliland oo Golaha Baarlamaanku Ansaxiyay sanadkii 2004-tii “Sidaad og-tihiin Xeerka Saxaafadda Somaliland ee 2004 Golaha Wakiiladu Ansaxiyay waxa uu Mamnuucayaa in Suxufi shaqadiisa ku jira la xidho, Waxaananu arrintaa u aragnaa mid xad-gudub ku ah Xuquuqda warbaahinta, Baalmarsana xeerkaa Baarlamaanku Ansaxiyay” ayuu yidhi.

Dhinaca kale, mar uu ka hadlayay warbixintii ay horaantii toddobaadkan soo saartay Hay’adda Xuquuqal Insaanka ee HRW waxa uu yidhi “Maalin dhawayd Shacbiga Somaliland aad buu uga xumaaday warbixin ay soo saartay Hay’adda Xuquuqda Aadamaha ee Human Rights Watch, taas oo ku saabsanaa Xad gudubyada iyo Tacadiyada Somaliland ka jira, Warbixintaasna waxaa sabab u ah Xukuumadda maanta Joogta oo mar kasta si aan xirfad iyo ka fiirsi lahayn u samaysa waxyaabo sumcadda Somaliland dhaawacaya.

Waxaynu ogayn Shuro (Hay’addii Xuquuqal Insaanka ee Xukuumaddu Baabi’isay), waxa aynu og-nahay xadhiga joogtada ah ee lala daba socdo Suxufiyiinta. In kasta oo aanu arrintaa ka dadaalnay oo aanu bulshadda Caalamka ka dhaadhicinay in xadhigaasi yahay mid habaqle ah, haddana sumcadda Somaliland maalin walba waxyeelo ayuu u gaysanayaa.”

Guddoomiyaha suxufiyiintu waxa uu Difaacay hab-dhaqanka Saxaafadda Somaliland iyo Wararka ay Qorto isaga oo hoosta ka xarriiqay in aanay marnaba qorin warar xaalad abuur ah, balse taas badelkeeda waxa uu duray Xukuumada oo aan xidhiidh wanaagsan la lahayn Warbaahinta “Saxaafadda Somaliland mar walba diyaar uma ah inay qorto ama baahiso warar nusqaan ku ah Qaranimada Somaliland, laakiin xukuumadda waxaan uga digayaa inay jooojiyaan falalkan Axmaqnimada ah, falalkan aan ka fiirsiga lahayn ee inta weriye laba-seddex maalmood la iska xidho sumcadda Somaliland wax lagu yeelayo. Waxaan leeyahay Bilaa shuruud sida ugu dhakhsaha badan labadan Suxufi Xorriyadooda ha loogu soo celiyo.

Mida kale waxaan Xukuumadda u soo jeedinayaa inay la timaado xirfad ay kuwada shaqeeyaan Saxaafadda, horena waan u sheegay, waxaan leeyahay way idinka maqan tahay xirfadii aad warbaahinta ku wada shaqayn lahaydeen”
Mida kale waxaan Xukuumadda u soo jeedinayaa inay la timaado xirfad ay kuwada shaqeeyaan Saxaafadda iyo

Mustafe Cabdi Ciise
Gudoomiyaha SOLJA

Xigasho/ Gabiley

Comments are closed.