Midowga saxaafada madaxa banaan ee Somaliland oo canbaareeyay xadhiga labada suxufi ee idaacada Horyaal xukuumadana ka dalbaday in ay deg deg u soo dayso

Dallada waxay xukuumada ka codsanaysaa in ay labada suxufi xoriyadooda loo soo celiyo wixii eed ah ee

Dallada midowga saxaafada banaan ee USJ waxa ay canbaaraynaysaa iyada oo ka xun xadhiga labada suxufi Maxamed Cismaan Mire (Sayid) iyo Axmed Saleebaan Dhuxul) ee ka hawlgala idaacada Horyaal kuwaas oo maalintii labaad ku xidhan xarunta CID-da ka dib markii iyaga oo shaqadooda ku gudo jira ay ciidanka boolisku ka soo taxaabeen waxaanay ahayd in hadii uu jiro gaf ay sameeyeen oo la xidhiidha mihnadan saxaafadu iyaga oo dibada jooga oo aan xidhnayn la horgeeyo maxkamada sharciga ah.

Dallada waxay xukuumada ka codsanaysaa in ay labada suxufi xoriyadooda loo soo celiyo wixii eed ah ee loo hayana loo maro hanaanka sharci.

Saxaafada madaxa banaan waxa ay ku amaanan tahay oo loo qirayaa inay door shariif ah ku leedahay dhismaha nabadgalyada iyo geedi socodka dimoqraadiyada somaliland isla markaana ay tahay mid ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee dhidibada u taagay ilaa imikana ku hawlan adkaynta nabada sidoo kalena ay marag muujin ku filan u tahay inay Somaliland ka jirto ku dhaqanka hanaanka dimoqraadiyadu.

Dallada midowga saxaafada madaxa banaan ee USJ
Hargaysa,somaliland

Xigasho/Gabiley.net

Comments are closed.