Gudoomiye Ku XigeenkaXisbiga Ucid Md Adan Mire Waqaf Oo Canbaareeyay Xadhiga Maxamed Mire Sayid Iyo Axmed Saleebaan Dhuxul Iyo Arimo Kale
“Xisbiga(UCID) Waxa U Qaadan Waa Ku Noqotay Cabudhinta Saxaafadda Xilligan, Hadii aan Looga Danlahayn Dib-u-Dhiigista Ama Carqaladaynta Doorashada”Waq
(Hadhwanaagnews) Thursday, July 16, 2009
![]() |
| Aadan Maxamed Mire [Waqaf] |
Hargeysa(HWN):-Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ayaa canbaareeyey xadhiga ay xukuumadu kula kacday labada wariye ee ka tirsan Idaacada Horyaal maalintii 4aad ku xidhan xarunta CID-da, isla markaana ku tilmaamay inay tahay xadhiga suxufiyiinta ee wakhtigan talaabooyin cusub oo ay xukuumada talada haysa u tafa-xaydatay cabudhinta xoriya-tul qawlka. Isla markaana u muuqata qorshe cusub oo ay ku doonayso in dib loogu dhigo ama lagu carqaladeeyo doorashada Madaxtooyada ee Fooda inagu soo haysa.
Waxaanay canbaareeyeen falkii loo geystay foosha xumaa ee lagu laayey dadka aan waxba galabsan deegaanka Ceel-bardaale.
Sidaa waxa lagu sheegay Warsaxafadeed uu ku saxeexan-yahay Ku simaha Guddoomiyha Xisbiga, Ahna Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga UCID Aadan Maxamed Mirre [Waqaf] oo nuqul ka mid ahi maanta soo gaadhsiiyeen Xafiiska Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews ee Magaalada Hargeysa.
Waxaanu Warsaxafadeedkii u dhigna sidan:
“Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka (UCID) wuxu War-Saxaafadeedkan kaga hadlayaa qodobada Xukuumaddu ku cabudhinayso Xuriyadda Saxaafadda:-
- Xarigga labada mas’uul (weriye) ee ka tirsan Idaacadda Horyaal.
- Talaabooyinka xukuumaddu ku cabudhineyso inay xayiraad saarto Telifishinka HCTV.
- Taageero iyo booqaadin duqeyada culumada iyo ganacsatada iskaxilsaaray daminta dhacdadaasi
- Canbaareyn iyo soo qabasho ciddii ka danbeysay falkii arraggixso ee jid-gooyada ahaa.
Xisbiga UCID wuxu u arkaa tallaabooyinkan cusub ee xukumadda talada haysaa u soo tafa-xaydatay cabudhinta iyo xadhiga weriyaasha aan sifahoodii sharci loo soo marin kana soo horjeeda xaqa u siinayo dastuuku saxaafadda xorta ah.
Xisbiga UCID wuxu uga digayaa xukuumadda isku day kasta oo lid ku ah xoriyatul qawlka madaxbanaanida saxaafada xorta ah ee dastuuka qaranku dhigayo, kana fogaato khalkhal gelinta xiligani dalka looga diyaar garawbaayo kaanbeynkii doorashada madaxtooyada ee ku beegan 27 bisha julay 2009
Xisbigu wuxuu ugu baaqayaa madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale kaahin innu sida ugu dhakhsaha badan u siidaa’yo labada masuul ee idaacada madaxa banaan ee horyaal oo kala ah:-
1. Md maxamed cusmaan mire “sayid”
2. Md Axmed suleymaan dhuxul
Oo aannu u aragno inaanay gelin denbi ay ku mutaysteen xadhig iyo wax u dhaw ee arrinku yahay mid siyaasadeysan.
Sidoo kale waxay Xisbiga ku noqotay u qaadan waa soo cusbooneysiinta cabudhinta saxaafadda xilligan, hadii aan looga danlahayn dib u dhiigista ama carqaladaynta doorashada soo foolka leh.
Xisbiga wuxu mar kale canbaareyn xooggan dusha uga tuurayaa qaab dhaqanka ugubka inagu ah ee jid-gooyada budhcadeysan, xukuumadda iyo hay’adaha nabadgeliyada ka dalbayna soo qabshada dembiilayaasha fuliyay, dadkana ku laayay afduubka ka dhacay jidka u dhaxeeya kala-baydh iyo degmada dilla si sharciga loo hor geeyo.
Ugu danbayntii wuxu xisbiga UCID hanbalyo iyo boogaadin qaali ah u dirayaa Madaxda hogaamiye dhaqameedyada dalka JSL, culmuaau diinka iyo ganacsatada iskood isku xilqaamay, kana wakiil ah dhamaan shacbiga Somaliland gudo iyo dibadba daminta shaqaaqada soo noqonoqotay”
Xigasho/ Mustafe-Janaale
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland
Email:Janaale94@gmail.com
