“Xukuumada Waxa Aan U Soo Jeedinayaa In Ay Si Degdeg Ah U Fuliso Una Hubiso Fulinta Go’aamadii Ay Guurtidu Hore Uga Soo Saareen Xalinta Soo Af Jarida Deegaanada Lagu Muransan Yahay Ee Ceelbardaale”Axmed Siilaanyo
Hargaysa (Oodweynenews)- Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka waramay sida uu arko shaqaaqadii dhawaan ku dhex martay beelaha walaalaha ah deegaanka Ceel Bardaale, waxaanu tacsi u diray dadkii ay waxyeeladu ka soo gaadhay shaqaaqadaa isaga oo xukuumada u soo jeediyay in ay si degdeg ah u fuliso una hubiso go, aamadii ay guurtidu hore uga soo saartay xalinta shaqaaqada Ceel bardaale. Isla markaana waxa uu ka xog-waramay xaladiisa caafimaad oo uu ku tilmaamay in ay aad u fiican tahay doonaya in uu berito safar-caafimaad ugu amba-baxo wadanka Kenya.
Md. Axmed Siilaanyo oo shir jaraa”id maanta ku qabtay gurigiisa magaalada Hargaysa, waxa kale oo uu ka waramay arrimo badan oo ay ka mid yihiin sida ay tahay shuruudihii ay qaadhaan bixiyayaashu ku xidheen kharashka doorashada ee ku saabsanaa isbadal lagu sameeyo komishanka doorashooyinka iyo duruufaha ku gedaaman in ay doorashadu ku dhacdo wakhtigeedii.
Waxaana Gudoomiyhu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi “Shirkan jaraa’id waxaan iskugu kiin yeedhay inaan dhawr arrimood wax ka yara taab taabto, oo aan ugu horrayn ku baaqo in shaqaaqada Ceel Bardaalle ka dhacday lagu dhameeyo nabad gelyo, waxaan Ilaahay ka baryayaa in si xasilooni ah oo dadka oo dhan u wada dan ah ay ku dhamaato oo uu beerkeena burcad isku mariyo, dadka faraha badan ee ay ka midka yihiin axsaabta , salaadiinta, culimo Aw Diinka ee u gurmaday daminta shaqaaqadaana Ilaahay ku guuleeyo hawshaas ay galeen halkaana ay ka dhalato nabad gelyo iyo xasilooni buuxda. Somaliland waxa keli ah ee ay dunida ugu faani jirtay ee aynu ictiraafka ku doonaynay waxa ay ahayd nabad gelyada. Xukuumada soomaalilanda waxa aan u soo jeedinayaa in ay si degdeg ah u fuliso una hubiso fulinta go’aamadii ay guurtidu hore uga soo saareen xalinta soo af jarida deegaanada lagu muransan yahay ee Ceelbardaale”.
Md. Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay in aynu dhamaanteen isugu tagno sidii aynu u hubin lahayn in aan wax danbe oo ina burburiyaa aanay dhicin, marka ay wax dhacaana aynu galo gurmad la mid ah ka aynu maanta galnay, waxaanu u tacsi u diray
Dadkii ay dhibaatadu soo gaadhay shaqaaqadaa dhinac walba ha ka timaadee, waxaanu Ilaahay ka baryay in si nabad gelyo iyo xasilooni leh ay arrintani ku dhammaato.”
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo ka hadlayay arrimaha doorashada fooda inagu soo haysa ee madaxooyada wuxuu yidhi “Waad ogaydeenoo muddaba waxaynu ku jirnay arrimaha doorashada iyo qal-qaaladeedii, wakhtigani waa wakhti xasaasi ah , xisbiyada mucaaridka ahi waxay mar walba ku baaqayeen oo ay qaylo afka saarayeen in maamulka jiraa wax xoriyatul qowl ah, mid saxaafadeed, mid asxaabeed iyo mid shacbi toona aanu ictiraaf iyo qadarin u haynin, maanta waataa muuqata ee lagula dhaqmayo Idaacada Horyaal iyo Horn Cable TV iyo Saxaafada Somaliland guud ahaanba. Waxa aad ka war qabtaan in warbixintii Ha’yada xuquuqda aadamaha ee Human Right Watch ay dhawaan ka soo saaratay xaalada dalka taas oo ka turjumaysay sida caalamku uu inoo arko Taasna waxaynu leenahay dawladu waa taynu ogayn oo ka waantoobi mayso waxaas laakiin, Saxaafadana waxaanu leenahay samirkiina iyo adkaysigiina yeesha, mabda’iina ku adkaysta, dawladana waxaanu leenahay oo aanu ugu baaqaynaa inay deg deg u sii dayso suxifiyiinta xidh xidhan , wakhtigan xaadirka ahna sidii balan qaadku ahaa sida sharciga iyo dastuurku yahay inay joojiso dadka ay xuquuqdooda ku tumanayso ee ay dhibaatada ay u geysanayso,”ayuu yidhi Guddoomiyuhu.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in maalinta Jimcaha oo ku beegan maanta uu u socdaali doono dalka Kenya oo uu u tagayo hawlo caafimaad, waxaanu yidhi “Waad ogaydeenoo waa tii dhibaato yari isoo gaadhay ee aan salaanka ka dhacay, arrintaasi jug weyn ayay ii geysatay anigoo markayga horena culays yara lahaa. Nabaro xoogaaya ayay ii gaysatay. Allxamdulilaah aad iyo aad ayaan imika u ladan nahay, waxaan gaadhayaa Nairobi haddii Alle idmo, oo aan doonayo inaan ayaamo ku maqnaado, waxaan ummadda u sheegayaa in caafimaadkaygu aad iyo aad u fiican yahay oo aan olalaha doorashada si buuxda uga qeyb geli karo, safarkayganina waa mid`caafimaad oo aan isku soo giigiijinayo Baabuurtaba Geerash baa la Gashaa, dhibaato kalena meesha ma jirto, waxaan doonayaa inaan shacbi weynaha aadka u tirada badan ee halkan (Guriga ) iigu yimid iyo kuwa kelaba ee siyaabaha kala duwan dareenkooda iigu muujiyay in aan halkan uga mahad naqo, sidii shucuurtooda iyo niyadoodaba ay iigu muujiyeen dadnimo, saaxiibtinimo, ehelnimo iyo qaranimaba.”
Axmed Siilaanyo , oo la weydiiyay aragtidiisa ku wajahan shuruudihii qaadhaan bixiyeyaashu ku xidheen dhaqaalaha doorashada oo ahaa in wax laga bedelo xubnaha Komishanka qaranka, wuxuu yidhi “Arrintaas mowqif cad ayaanu iska taagnay haddii aanu xisbiga KULMIYE nahay, Komishanka doorashooyinku sharci ayay meesha ku fadhiyaan, haddii ay muddo badan dhaliili ka jirtay oo ka jirtay Anagu ilaa wakhtiyo hore anagoo eegayna cadaadiska wakhtiga iyo doorashooyinka canaan baanu ka soo jeedin jirnay tiina way socon wayday imikana haddii ay wax iska bedelayaana mar walba way iska bedelaan sida isbedel ku imanayaana haddii aanu xisbiyada nahay awood gamachayaga ku jirta ma aha, qaab bay leedahay, sharci bay leedahay, oo dastuur bay leedahay. Ambo qaadkeeda waxa leh marka ugu horreysa waxa leh Madaxweynaha, haddii cid dhaliili ka timaado ama wax ku yimaadaan wax kasta dariiq sharci ah ayaa loo maraaye, waa inuu isagu cid u saaro, oo haddii cid xumaato lagu arko sidii dhici jirtay loo gudbiyo Golaha Wakiilada.
Baarlamaanka ayaa diidi kara ama aqbali kara wax xisbi KULMIYE ahaan ama xisbi kaleba u yaala ma aha, taas lafteedana waa in deeq bixiyeyaasha lagala hadlaa oo dhamaan loo sheegaa oo ay ogaadaan.”
“Cida kaliya ee awoodaasi leh ee cid u saari karta arrinta Komishanka waa Madaxweynaha dalka, dastuurka iyo sharciga ayaa awoodaha kala bixinaya oo kala caddaynaya, arrintaasi waxay u taalaa inuu talaabo ka qaado, waa Madaxweynaha uma taalo xisbiyada KULMIYE iyo UCID toona,”ayuu yidhi Md. Axmed Maxamuud Maxamuud Siilaanyo.
Guddoomiyaha KULMIYE wuxuu intaasi ku daray in liiskii kama damaysta ahaa ee diiwaan gelinta codbixiyeyaasha laga sugayo in 27-ka BishanJuly ay soo saarto, oo ay eegayaan waxa ka soo baxay.
C/shakuur X.aaji Muxumed Muuse [C/heersare]
Waxaanu Ka Soo Xiganay Shabakada wararka ee Oodweynenews.com