Gudoomiye Axmed Siilaanyo Oo Jimcaha U Kicitimaya Dalka Kiiniya, Si Weyna U Cambaareeyay Tacaddiyada Ay Xukuumaddu Ku Hayso Saxaafadda Iyo Suxufiyiinta Madaxa-banaan
![]() |
Hargeysa(HWN):- Musharaxa Jagada Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, ahna Guddoomiyaha Xisbigaas, Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed-Siilaanyo), ayaa si weyn u cambaareeyay Xadhiga iyo Hanjabaadda ay Xukuumadda Madaxweyne Rayaale kula kacday Suxufiyiinta iyo Saxaafadda Madaxa-banaan qaar ka mid ah. Isla markaana waxa uu sheegay inuu maalinta Berrito ah Safar caafimaad ugu ambabaxayo Magaaladda Nayroobi ee Xarunta dalka Kiiniya, isaga oo xusay inuu aad uga ladan yahay nabar Jimcihii hore ka soo gaadhay Misig, ka dib markii uu Kaabadda Gurigiisa si lama-filaan ah ugu dhacay.
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed-Siilaanyo, waxa uu sidaa ku sheegay Shir Jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Gurigiisa Caasimadda Hargeysa. “Waxaan maanta isigu-kiin yeedhay inaan dhawr arrimood wax ka taataabto, mishkiladdii ka dhacday Galbeedka, Arrimihii u diyaargarawga doorashada iyo Xadhiga Suxufiyiinta iyo warbaahinta lagula kacay. Hadaan ku horeeyo arrinta Ceelbardaale, waxaan ku baaqayaa mishkiladda ka taagan deegaanka Galbeedka Gabilay ee Ceelbardaale in si xasilooni ah oo dalka iyo dadkaba u dan ah Illaahay inoogu dhameeyo, oo beerkeena Burcad isu mariyo, dadka Asxaanta falay ee Culimo-awdiinka leh, Madax-dhaqmeedka leh ee dadkaa u gurmaday in hawsha illaahay u sahlo iyo kuligeenba Illaahay nabad iyo deganaansho inoogu dhameeyo.” Sidaa ayuu yidhi Siillaanyo.
Isaga oo Guddoomiyuhu hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi, “Nabadda iyo xasiloonidu waxay ahayd waxa kaliya ee aynu ku faani jirnay hadaynu nahay Somaliland, ictiraaf ma haysanno, waxaynu ku gaadhi lahaynna waa nabadgalyadaa aynu haysano. Markaa waa inaynu wax kasta oo inaga burburin kara iska ilaalinaa. Marka ay wax dhacaana waa inaynu sidaa aynu maanta u gurmanayno, horena dhaqanka inoogu ahayd aynu u gurmano oo waxa laysku hayo nabad iyo wadahadal lagu dhameeyo.”
“Waxaan tacsiyadaynayaa ehelada dadkii shaqaada Ceelbardaale ku geeryooday oo aan Illaahay uga baryayo inuu naxariistii janno ka waraabiyo, samir iyo iimaanna Illaahay ka sooyo qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan Qaranka Somaliland ee ay dadkaasi ka baxeen. Waxaanan Illaahay ka baryayaa inuu nabadgalyo hawshaa inoogu dhammeeyo.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Guddoomiye Siilaanyo.
Axmed-Siilaanyo, oo ka hadlayay arrimaha u diyaargarawga doorashada iyo tacadiga Saxaafadda iyo Suxufiyiinta ay Xukuumadda Rayaale kula kacday, waxa uu yidhi, “Waxaynu baryahanba ku guda jirnay hawsha u diyaargarawga doorashada, waxa ay markasta Xisbiyada Mucaaridku muujinayeen ama ay ku dhawaaqayeen inaan maamulka maanta jiraa ixtiraamaynin xorriyatal-qawlka mid Saxaafadeed, mid Xisbiyeed iyo mid Qaran toona, oo waataa maantaba lagula dhaqmayo Wariyayaashii Horyaal Xadhiga iyaga oo aan wax dambi ah gaysan iyo Horn Cable TV iyo Saxaafadda Caam ahaan, sidii ay Hay’adda Human Rights Warch ay u faafisay tacadiyada ka dhanka ah bina-aadannimada ee Somaliland ka dhacay 2008 ilaa 2009, taana waxaan leeyahay dawladdu waatii aynu ogayn oo ka waantoobi mayso waxaas.”
Waxaanu Guddoomiye Siilaanyo oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo uu yidhi, “Laakiin waxaanu leenahay Saxaafadda samirkiinana adkaysta, mabaaddiidiinana haysta. Dawladdana waxaanu ugu baaqaynaa inay si deg-deg ah xorriyadooda ugu soo celiso Wariyayaasha xidhan, waxaana la joogii xiligii ay dawladdu balan-qaaday inay dhibta iyo tacaddiyada ka daysto dadka, markaa waa inay balanqaadkeedaas fulisaa.”
“Safar ayaan Nayroobi ku tagi doonaa maalinta Berri ah, waad ogaydeenoo waanigii Jimcihii dhawayd Salaanka gurigayga ka dhacay, dhicistaasina jug weyn bay I gaadhsiisay, Aniga oo marayka horeba waxoogaa culays ah lahaa, nabarkii I gaadhayna Illaahay mahaddii aad iyo aad baan uga ladanahay.” Sidaa ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo. Inkasta oo uu Guddomiye Siilaanyo sheegay in uu aad uga ladan yahay dhaawaca soo gaadhay, haddana waxa uu sheegay in uu nabarkaa dartii burrito ugu kicitimayo Magaaladda Nayroobi ee Xarunta dalka Kiiniya.
“Waxaanan haddii Illaahay yidhaahdo Berrito tagayaa Magaaladda Nayroobi ee dalka Kiiniya oo aan doonayo inaan ayaamo ku maqnaado, oo aan doonayo in sida ugu heerka saraysa wax la iigu qabto. Waxaan-se dadka u sheegayaa inaan fiicanahay oo aan aad u wanaagsanahay oo aan ka qaybgali doono haddii Illaahay yidhaahdo ololaha doorashada, oo ah kaan isu soo giijinayo, waayo Baabuurtaba Geerash-baa la geeyaa oo dib-u-haybayn ayaa lagu sameeyaa.” Sidaa ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo.
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa aad ugu mahad-naqay guud ahaanba masuuliyiintii iyo dadweynihii soo booqday todobaadkii uu dhaawaca qabay oo uu sheegay in ay gurigiisa ku booqdeen dadweyne aad u tira badan iyo masuuliyiin kala duwan.
Xigasho / Hadhwanaagmedia/Office
