Gudida Idaacadda Horyaal Bayaan ku wajahan Xadhigga 2 Wariye Maxamed Cismaan Mire (Sayid) iyo Axmed Saleebaan (Dhuxul)

Aniga oo ku hadlaya magaca Gudida Idaacadda Horyaal & xubnaha qurbajoog reer Somaliland ee taageera Idaacadda Horyaal oo kala degan dhamaan dalalka kala ah:
USA, UK, Canada, Sweden, Germany, France, Holland, ItalyNorway, Saudi Arabia, Bahrain, Kuwait, Finland, Australia, New Zealand, Egypt, Kenya & South Africa
- Waxaanum, si laxaad leh, u cambaareyneynaa xadhiga sharciga iyo distoorka baalmarsan ee Xukuumadda Somaliland kula kacday shalay labada wariye (Dhuxul & Sayid) ee Idaacadda Horyaal, oo Madaxweyne Dahir Rayaale Kaahin ku dambabasayo dagaalkii, u dhaxeeyey 2 beelood ee walaalaha ah, ka soo cusboonaaday degaanka Ceelbardaale.
- Waxaanu ka dalbananaynaa in Xukuumada Dahir Rayaale xoriyadoodii u soo celiyo 2 wariye si deg deg ah;
· Waxaanu ogeysiinaynaa Xukuumadda Madaxweyne Rayaale in xad-gubkaas xadhigga 2 wariye (Sayid & Dhuxul) ay og yihiin Hay’adaha Xuqooqo Insaanka u dooda, Taasina ay wax yeelayso suncadda qaranka Somaliland aqoonsigiisa caalamka ka rajaynayso, kuwaas oo kala ah:
UN, EU, AU, IGAD, Arab League, Ururada Islaamaka, Human Rights Watch, African Watch, Amnesty International, Suxufiyiinta Caalmka
· Shacabka reer Somaliland waxay u haraadan yihiin Xukuumad madaxdeedu ku fakarayso daryeelkooda, nabadooda, xoriyadooda, horumarkooda, noloshooda iwm;
- Dagaalada ka soo cusboonaaday jiidda Ceelbardale waxa loo baahan yahay in dhakhso loogu gurmado lana dhexgalo sidii loo damin lahaa;
- Wariyayaal la xidhxidhaa xal uma noqonayso dagaalada noocyadan ah ee waxa loo baahan yahay in garaadku shaqeeyo oo colaadan wax laga qabto; Ciidamo la soo dhoobaa degaankaa Ceelbardaale xal uma noqonayaan. Waxa ka haboon in si miyir qabta, oo ku qotonta dhaqankeena iyo diinteena loo maro xalka arrinkaas;
- Ilaa intii Madaxweyne Rayaale xukunka dalka qabtay, shacabka reer Somaliland waxay u dhimanayaan si aad u raqiis ah. Xadhigga iyo dilalka shacabka Somaliland waxa uu noqday tacadi caaddi ay ka dhigatay Xukuumadda Dahir Rayaale, cid ka daba tagtaan arrimahaas ma jirto; Wali waxaba lagama soo saarin dilalkii iyo xadhigii dawladdu kula kacday mawaadiniinteedii reer Somaliland;
- Maalin walba waxa la soo maleegayaa xaalad abuur cusub oo jahawareeriya Somaliland;
- Khasaaraha dagaaladaasi gaystaanna & qalalaasaha ka socodda Somaliland dal iyo dad ahaanba waxa mar walba ka masuul ah Xukuumadda Dahir Rayaale oo haysa talada ummadda. Cawaaqibkeedana waxa loo raacayaa Madaxweynaha iyo xukuumadiisa goor kasta ha noqotee.
Qoraalkan oo lagu tarjumi doono afafka lagaga hadlo dalalka kor ku xusanna la gaadhsiin doono dhamaantood si .
Allaa Mahad
Maxamed Yonis Awale
Gudoomiye
Gudida Idaacadda Horyaal
Codka Shacabka Somaliland
London/UK