Wariyeyaashii Radio Horyaal Oo Maanta La Horkeenay Maxkamada Gobolka Hargeysa

Wariye Dhuxul        Wariye Sayid

Hargeysa, Somaliland (Kulmiye.org) Wariye Maxamed Cismaan Mire (Sayid) iyo wariye Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa maanta  markii ugu horeysay  la horgeeyey Maxkamada Gobolka Hargeysa, si loo dhageysto dacwada iyo dambiga ay sheeganayaan ku soo xidhay.

Labadan  wariye oo maalintii todobaad si xaqdaro ah ugu xidhan xarunta C.I.D ee  Magaalada Hargeysa, ayaan ila la hayn wax dambi oo ay u xidhan yihiin.

Labadan suxufil ee markii saaka la horkeenay  maxkamada Gobolka Hargeysa ayey maxkamadu dib-u-celisay, kadib markii ay ku  qanci-weyday eedeeynta xeer-ilaalinta u soo jeedisay, mana jiraan ilaa hada wax danbi ah oo labada wariye loo haystaa haba yaraatee.

Xadhigan labada wariye ee Radio Horyaal oo aan loo marin sifo sharciga waafaqsan, ayaa waxa kulul u canbaareeyey Ururada Saxaafada Somaliland, labada Xisbi ee Mucaaridka ah ee KULMIYE, Iyo UCID, Siyaasiyiinta qaranka, aqoonyahano Iyo Ururada Xuquuqal Iinsaanka wadaniga ah, iyaga oo ugu baaqay xukuummada Rayaale si deg deg ah xoriyadoodii ugu soo celiso labadan wariye ee Radio Horyaal.

Safaarada Mareykanka ee Nairoobi ayaa ku canbaaraysay xukuummada Somaliland inay si dhakhso ah u sii dayso labadan wariye ee  Maxamed Cismaan Mire [Sayid] iyo Axmed Saleebaan Dhuxul.

Goobtii maxkamada ee la doonayey inay keeno wariyeyaasha ayaa maanta waxa ka soo xaadiray Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, Wariyayaal tiro badan oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee Warbaahinta, Iyo  qaar ka mid ah ururada Xuquuqal Iinsanka ee ka hawlgala Dalka.

Waxaa aan illa hada la ogayn talaabada dambe ee ay ku dhaqaaqi doonaan saraakiisha CID –du mar hadii imika maxkamadu ku qanci wayday dacwadii ay wateen. Wax aan ill hada cadayn mudada ay wariye Maxamed Mire Sayid iyo wariye Axmed Saleeban Dhuxul ay ku sii xidhnaan doon sife xaqdaro ah oo aan sharciga dalka u yaalna waafaqsanayn.

Kulmiye.org

Comments are closed.