Xakiimbaa Xumo ka Nasahan
|
|
Ahmed Yussuf Dualeh (dhigane)
Somaliland xilli kasta oo xalkeeda iyo xurmaynteed caalam soo dhowaatoba waxa ceejinteeda & carqaladeedaba loo adeegsadaa xubno iyada kasoo jeeda oon garanayn xilka iyo ammaanada ummadeed ee ay xambaarteen kuwaasoon Allena kaga baqayn tuhunada baahay ee beeshii caalamku qarin kari weydey. Warkoodana ku koobeen kuwaas maalkayaga uma dhiibayno, iyagoo weliba faafiyey oo adeegsadey warbaahinta qaaradaha isaga gudubta iyo tan maxaliga ahba.
Hadaba xubnaha ay beesha caalamku ka maagtey inay sadaqadooda ku aaminaan, maxay iyagu istiqaalo u gudbinwaayeen iyagoo uga diir damqanaya bulshada ay kasoo jeedaan ee dulmiga iyo duudsigu daboolay xaquuqdoodii? maxayse ugu raalli gelinayaan ina Riyaaloo ka dhiganaya mar-marsiinyaa muska iigalay iyo mudo kordhin doorasho lagu laalo hanaankii demuqraadiyadeed ee Somaliland cagta saartana halka lagu adima-gooyo.
Xubnaha garsoorka doorashada S/land waynu wada ognahay siday ku yimaadeen waynuna wada ognahay inay sii joogayaan haday gartaan garsoorka ummadeed qiimiha u ugu fadhiyo Somaliland waynu wada ognaynaa inay sharaf iyo mudnaan inaga dhaxlayaan waa haday wado cadaaladeed inagu hagaaan. Sidii kuwii iyaga ka horeeyey een 5tii sanadood ey xilka hayeen laga maqal gudohooda murug, macna-daro, iyo weliba mansab wareega.
Labada xubnood ee farta lugu fiiqay ee deeq bixiyayaashii ka maageen inay lacagtooda ku aaminaan miyaanay iyagu damqanayn oo dhiig iyo uustoona lahayn? Hadiiba karamadoodii la dhaawacay maxaa iyaga ku dhejiyey may istiqaalo gudbiyaan oo iskaga tagaan meel-basta? ma’ waxay u dhimanayaan sidaan maqlay $310.00 bille ah iyo gunno yaroo ah $200.00 Xakiimbaa xumo ka-nasahan. ma’ intaasaa dhaafsateen magiciina, sharafteena, mustaqbalkiina, iyo masiirkii Somaliland oo idinku xidhmay doorashadiina idiin dabranaato?
Ninbaa laga hayaa “Ilaahow ha i joojin halka Carab iyo Geel lagu kala xisaabayo” kaasuba wuxu liqi-waayey Cadan buu tegoo hal dhashay oo candhadu cidhiidhiday oo hadana dusha laga raray!!!! !!!!
Waar ma shaki baa idinkaga jira noloshaba hadaad is casishaan?
Waar ma’ idiin dhaarinaa boqolka nin eed ka xulataan iyo boqol gabdhood inad sharaf Bulshada ku dhex joogaysaan?
Waar miyaydaan garanayn xasuusnayn Gud.ku-xigeenkii hore kumishankaad joogtaan MD Xirsi Cali X. Xasan inuu iska casiley? iyadoon cidiba hadal hayn tuhunadan, eedahan, iyo adhax-jabkan idinku gadaaman ee maanta wixii arlada korkeeda ku sugani maqlayaan? Waar miyaydaan ogeen inuu Xirsi noolyahay oo miisaan & magacba uga siyaadey mowqifkuu qaatay ee maalintaa nin jilicsan buur kala cuslaa?
Laba kala mudan mid maanta doorta. Idiinkoo ka xor ah mucaarid iyo muxaafidba.
Inaad is-casishaan maanta berrito maaha saa-danbe idinkoo uga gar-gaaraya wadanka dib u dhac danbe ood sabab u noqotaan.Iyo inaad weligiin ahaataan kuwo fari ku qaloocdo oo xataa lama waarayee markay xijaabtaan lagu tilmaamo, waakuwii waagii wareerku hadheeyey wadankeena wax-yeeleeyey waanadana diidey.
Ammaano Alla,
Ahmed Yussuf Dualeh (dhigane)