“Ku-xad-gudubka Xoriyatul-qawlku wuxuu Caqabad ku yahay Geedi socodka Dimuqraadiyada Somaliland” Mss. Jeni Seson

Hargeysa(Golis)-Mss. Jeni Seson oo ah La Taliyaha Arrimaha Siyaasada ee Wasaarada Arrimaha Dibadda wadanka Sweden, ayaa walaac ka muujisay heerka xad-gudubka xoriyatul-qawlka iyo xuquuqul-aadanaha Somaliland, waxaanay sheegtay in aan Somaliland waligeed la aqoonsanayn hadii aanay xukuumadu joojin ku-xad-gudubka xoriyatul-qawlka iyo xadhiga sharci-darada ah ee muwaadiniinta iyo Suxufiyiiinta.

Mss. Jeni oo booqasho ku joogta Somaliland ayaa maanta ka qayb-gashay dhegaysiga dacwad weriyeyaasha Radio Horyaal oo ka furantay Maxkamada gobolka Hargeysa, waxaanay xidhitaankii dacwadaas ka dib shir-jaraa’id oo ay ku qabatay Hotel Imperiel ee magaalada Hargeysa kaga warantay sida ay uga xuntahay hab-dhaqanka xukuumada Somaliland ee dhinaca warbaahinta iyo ku xad-gudubka xuquuqal Aadamaha.

“Inkasta oo uu Dastuurka Somaliland si qayaxan u bannaynayo xoriyatul-qawlka iyo madaxbanaanida saxaafada, hadana waxaa nasiib-daro ah in xukuumada Madaxweyne Rayaale ay caadaysatay xadhigooda sharci-darada ah. taasina waxay caqabad ku tahay geedi-socodka dimuqraadiyadeed ee Somaliland, waxaanan aaminsanahay in aan waligeed Somaliland la aqoonsan doonin ilaa ay xukuumadu joojiso xad-gudubyadan.” Ayay tidhi Mss, Jeni, iyada oo hadalkeeda sii wadatana waxay intaas ku dartay,

“Warbixintii ay Hay’ada Human Raghts Watch ka soo saartay xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadamaha waxay bar madaw ku noqotay sumcada Somaliland ay ku lahayd beesha caalamka oo aan aqoonsanayn madaxbanaanida haygalka dawladnimo ee Somaliland.”

Mss. Jeni waxay sheegtay saamaynta ay Somaliland ka yeelan karto xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqal Insaanka iyo Xoriyatul Qawlka waxaanay xukuumada ugu baaqday inay si dhakhso leh uga joogsato arrimahaas, isla-markaana ay xoriyadooda u soo celiso weriyeyaasha Radio Horyaal. Iyada oo u soo jeedisay inay dacwada xayiraada ah sidoo kale ka joojiso Telefiishanka Horn Cable TV.

Masuuliyiin isugu jira, Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka ee Caasimada Sweden iyo Aqoonyahano ka soo jeeda wadanka Maraykanka ayaa ku wehelinayay shirkeedan jaraa’id.

Ugu dambayntii, haweenaydani waxay sheegtay in aanu Madaxweyne Rayaale ku dhaqmin fulinta shuruucda dalka Somaliland ee ku aaddan xoriyatul Qawlka iyo Xuquuqal Insaanka. Sidaa daraadeedna ay dhibaatada ugu wayni haysato saxaafada Somaliland.

Xigasho/ Golisnews

Comments are closed.