Xisbiga Kulmiye oo maanta ka hadlay arrimo kala duwan

http://rsrc2.bubbleshare.com/media/01/3e/41/9d/8dd71774733e73a9ec72a8e7d91ebb1e12ae646c/580x435/GEDC4837_580x435.jpgHargeysa (Somaliland.Org)- Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye ayaa Xukuumadda ku eedeeyay dhacdadii ka dhacday Deegaanka Ceel-berdaale oo ay sheegeen in ay ku timi itaal-darrada iyo baylah ka timi Xukuumadda. Waxaanay ku dhaleeceeyeen xadhigga Weriyayaasha Idaacadda Horyaal. Iyaga oo ka warbixiyay arrinta natiijada Diiwaangelinta.

Masuuliyiinta sare ee Xisbiga Kulmiye oo  maanta shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskooda Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in ay Axsaab Mucaarad ahaan UCID iyo KULMIYE ay aqbaleen natiijada Diiwaangelinta ee aan rasmiga ahayn oo ay ku sheegeen inay tahay Hal Milyan iyo Laba boqol oo Kun oo qof inay iska diiwaangeliyeen Somaliland. hase ahaatee, waxay UDUB ku eedeeyeen in ay diidday taas.

Masuuliyiintani waxay Xukuumadda ku eedeeyeen masuuliyadda dhacdadii Ceel-berdaale, waxaanay cambaareeyeen dilkii ka dhacay Jidka u dhaxeeya Gabiley iyo Borama iyo sidoo kale falkii Dadweynaha reer Borama ku qaateen Calanka Soomaaliya oo ay soo jeediyeen in Sharciga la horkeeno ciddii falkaa fulisay, maadaam bay yidhaahdeen, “Calanku uu yahay astaan Qaran oo dadka oo dhan ka dhaxeeya.”

Shirkan Jaraa’id ee maanta ayaa Kulmiye wuxuu ku beeniyay Warar sheegaya in uu khilaaf ka dhaxeeyo Madaxda Xisbigaas, islamarkaana jugta yare e sooo gaadhay Guddoomiyaha Kulmiye sababtay hirdan Siyaasadeed ka dhex abuurma Xisbiga.

Xigasho/ Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

Comments are closed.