Hay’adda Interpeace oo ka hadashay Natiijada Diiwaangelinta & eedo loo jeediyay
Hargeysa (Somaliland.Org)- Hay’adda Interpeace oo wakiil ka ah qaadhaan-bixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland, ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen kaga hadlay arrimo dhinacyo badan taabanaya, isla markaana sheegay inay go’aansadeen ka-hadalka warar laga faafiyay oo la xidhiidhay sharciga ay dalka ku joogaan.
War-saxaafadeedkaasi waxa uu u dhignaa sidan:
“Ka dib maalamahan oo ay soo baxayeen eedaymo, waxay Interpeace go’aansatay inay kala cadayso qodobada soo socda: 23 July Jariidad baa soo xigatay sarkaal ka shaqeeya Wasaaradda Qorshaynta oo yidhi, ‘Hay’ada Interpeace waxay dalka ku joogtaa sharci-darro, waayo kama diiwaan-gashana Wasaaradda.’ Sharciga Somaliland loogama baahna inay Interpeace is-diiwaangeliso, waayo waxay ku joogtaa uun MASHRUUC ay ku joogaan khubarada heshiis-shaqo (Contarct). Interpeace kuma laha fadhi wadanka gudihiisa, mana laha xafiis u gaar ah ee waxay khubaradeedu ka hawlgashaa Xarunta Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ). Shaqada Interpeace waa mid khubaro ahaan u joogta ee maaha maqaamka ay leeyhaiin hay’adaha caalamiga ah ee kale dalka ka hawlgala. Intaas waxa sii dheer iyada oo Interpeace dalka ku joogto casuumad ay u fidiyeen KDQ, waxaanay taageero guul ka gaysatay doorashooyinkii Golaha Wakiilada ee 2005 iyo dhismihii xafiisyada ahaa ee loo dhisay mudaneyaasha. Interpeace waxay ka dalbatay Wasaaradda Qorshaynta inay si rasmi ah u soo kala cadayso qodobada. Waxaa jirey maqaalo warbaahinta galay oo lagu eedaynayey Interpeace oo la xidhiidha nidaamkii diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo liiska cod-bixiyaha. Iyada oo si walba laysugu dayey in la wajaho sidii khaladaadkii lagu sameeyay hanaankii diiwaangelinta iyo sidii loo dhamayn lahaa soo-saarisata liiska cobixiyaha ee kama dambaysta ah Julay 2009, Interpeace waxay cadaynaysaa in dib-u-dhac ku yimaada farsamada diyaargarowga doorashada ee Madaxweynaha aanu wax saamayn ah ku yeelanayn soo-saarista liiska cod-bixiyahu.
Marxaladahii ay soo martay diiwaangelintu:
1-Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ) iyo Xisbiyada Siyaasadeed oo dhami waxay ku adkaysteen in lagu hirgeliyo diiwaangelinta nidaamka cusub ee Elektarooniga ah ee faraha lagu qaadayo oo aanay ku tallin hay’ada Interpeace iyo deeq-bixiyeyaasha midna. Labaduba waxay soo jeediyeen la isticmaalo nidaam sahlan oo gacanta ah (Manual), si laysaga ilaaliyo dib-u-dhac uu keeni karo nidaamka elektrooniga ah oo Somaliland ku cusbaan kara una baahanaya shaqaale dheeraad ah iyo qalab badan oo dibada laga keeno.
2-Deeq-bixiyeyaashu waxay bixiyeen 10 malyuun oo doolar oo ay ku taageereen mashruuca diiwaangelinta oo shan malyuun oo ka mid ah qandaraasyo lagu siiyay dad reer Somaliland ah, shaqona ka heleen kumanyaal qof.
3-Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha hirgelinteedii waxa lagu sameeyay musuqmaasuq iyo kharbudaad lagu sameeyay oo ula-kac ahayd oo sababtay inay soo bixi waayaan farahii laga qaaday kala-badh dadkii is-diiwaangeliyay. Waxa dhacday xarun diiwaangelineed oo keli ah 150 cod-bixiye inay yeesheen faro isku mid ah ama meelaha qaarkood in halkii qof la sawiri lahaa sawir la sii sawiro.
4-KDQ waxay diideen caawimo dheeraad ah oo goobaha laga gaysto si loo yareeyo kharbudaadaa ku timi diiwaangelinta. Nidaam-xumadii baahday waxay ahayd mid sharci-darro ah oo ay ahayd dadkii ka dambeeyay in lala xisaabtamo, laakiin may dhicin kiis keli ah oo maxkamad la horkeenay iyadaoo cadaymo badani jireen.
5-Si loo badbaadiyo habkii diiwaangelinta, waxa la dalbaday hab wejiga dadka ku kala saaraya oo aan bilawgii la tisqaadin kii faraha lagu qaadayay. Waxay arintaasi ahayd mid ugub ah aadna u hawl badanayd, ujeedadeeduna ahayd in lagu badbaadiyo fursada ay Somaliland u heshay inay cod-bixiyeyaasheedu qaataan kaadhka cod-bixinta iyo ka mu’waadinimada. Waxa kale oo ay ahayd in la badbaadiyo maalgelintii balaadhnayd ee gashay diiwaangelinta. Xisbiyada oo dhami way isku wada raaceen in nidaamka la badbaadiyo markaas baa habkan wejiga soo saaraya la abaabulay.
6-Carqaladii farsamo ee laga hortegay khaladaadkii diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha lagu sameeyay, waxa sii xumeeyay qaraxyadii 29-kii October 2008 oo keenay in shirkaddii Hindida ahayd ee samaysay hanaanka farsamo ee diiwaangelinta oo dalka ka baxday.
7-Farsamoyaqaano kale ayaa buuxiyay halkii ay baneeyeen shirkaddii Hindida ahayd, waxaana hawlweyn laga qabtay sidii loo hagaajin lahaa wixii kharibmay iyo in la soo saaro liiskii kamadambaysta ahaa ee codbixiyeyaasha oo noqda mid lagu qanco oo farsomo ahaana wanaagsan.
8-Weli lama magacaabin diiwaangeliyihii qaran, waayo KDQ iyo xisbiyada ayaan isku raacin, arrinkaa muddo laga joogo immika laba sannadood iyo afar bilood. Ku-simaha diiwaangeliyaha qaran ee hadda jooga waxa tababar buuxa siiyay Interpeace, waxaanu leeyahay khibrad uu ku soo saari karo liiska kamadambaysta ah, laakiin mar haddii uu yahay ku-sime ma samayn karo koox farsamoyaqaano ah oo reer Somaliland ah oo aqoon u leh inay ka shaqeeyaan Server-ka, iyo soo-saarista liiska kamadambaysta ah ee codbixiyeyaasha, taasoo ahayd ujeedada markii hore laga lahaa magacaabista derejadaas iyo ballantii ay qaadeen KDQ. Interpeace waxay werwer ka qabtaa sidii loo maaraynayo Server-ka ka dib marka la soo saaro liiska kamadambaysta ah haddii aanu joogin diiwaangeliye qaran iyo hawlwadeeno loo tabobabaray.
Qiimaynta madaxabannaan ee diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo soo-saarista liiska kama dambaysta ah:
Khubaro madaxbannaan oo qiimeeyay diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo soo saarista liiska codbixiyeyaasha ayaa warbixin siiyay farsamoyaqaanada ay xisbiyadu wakiisheen Salaasadii 22 July, waxyaabaha muhiimka ah ee ka soo baxay waxay ahaayeen:
1-Diiwaangelinta codbixiyeyaashu waa mid daah-furan (transparent), nidaamkiisa database-ka ah ee server-kuna wuu shaqaynayaa.
2-Ma jirto cid dhab isu diiwaangelisay oo laga tegay, taasina waa arrin wanaagsan oo muhiim ah.
3-Habkii wejiga iyo faraha dadka lagu kala saarayay oo shaqaynaya laakiin sidii la filayay aan isula jaanqaadin.
4-Keenista habkii labaad ee wejiga kala saarayay (FRS) ayaa la timi farsamo adag ka shaqaysiinteedii markii loo baahday in badbaadiyo diiwaangelintii codbixiyeyaasha oo nidaamkii faraha ee la qaadayay la xumeeyay.
5-Ma jiro nidaam dadka khiyaamada sameeya oo dhan lagu qaban karo sidaanu u jirin nidaam caddaaladeed oo dembiileyaasha oo dhan lagu qaban karo. Nidaamkii wuxuu soo daayay dad badan oo laba iyo inka badan is-diiwaangeliyay oo sababay tiro aan macquul ahayn oo gaadhaysa 1.2 malyuun oo codbixiyeyaasha ah.
6-Waxa loo waajihi karaa arrintaa tirada badatay iyada oo wax laga bedelo parameters (nidaamka uu raacayo mishiinka wax tirinayaa). 23 July ayaa KDQ waxay isku raaceen in wax laga bedelo Parameter-kii si ay u soo baxdo qiyaas sax ah liiskii codbixiyeyaasha ahaa oo laga saaray in badan oo laba ama ka badan is-diiwaangelisay. Shirkaddii habka is-diiwaangelinta samaysay ayaa bilawday sixitaankii, Servar-kuna wuu shaqaynayaa.
Iyadoo saxaafadda Somaliland lagu ammaani karo siday shacabka ugu wargeliso wadciga jira, waxa nasiib darro ah in shaqada rasmiga ah ee hay’adaha sharcigu banneeyay la isu mariyo saxaafadda halkii si toos ah la isula xidhiidhi lahaa.
Interpeace waxay mar labaad dadka reer Somaliland u sheegaysaa in dib-u-dhac ku yimaada soo saarista liiska kamadambaysta ah aanu noqonayn sabab dib u ridda doorashada madaxweynaha. Mushkiladda dhabta ah ee jirtaa waxa weeye sidii looga soo bixi lahaa shuruudihii deeq-bixiyeyaashu ku xidheen, si loo qabto doorasho ee lagu soo koobay warqaddii ay soo direen bishii May 27, 2009. Haddii dadka reer Somaliland ay gudanayeen xaqa ay u lahaayeen in ay wax doortaan September 27, waxa loo baahan yahay in HADDA diyaargarowga la bilaabo, taasina maaha mid suurtogal ah inta aan seeska loo adkayn inta aan daneeyeyaasha doorashadu seeska u adkayn sidii doorasho xalaal ahi uga dhici lahayd Somaliland.”
Somaliland.Org
Hargeisa News Desk