KULMIYE Oo Xukuumadda Ugu Baaqay Inay Si Dhakhso Ah U Siidayso Wariyayaasha Horyaal, X.UDUB-na Ku Eedeeyay Qorshe Dib-u-dhac Ku Ah Doorashada
Hargeysa(HWN):- Hogaanka Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, ayaa mar kale si adag uga hadlay xadhiga Wariyayaasha Idaacadda Radio Horyaal oo muddo laba todobaad ka badan u xidhan Xukuumadda Somaliland oo ku eedaysay tabinta waxay ugu yeedhay warar kiciyay xiisad colaadeed ee Deegaanka Ceelbardaale dhawaan ku dhexmartay laba Beelood. Isla markaana waxay xukuumadda iyo Xisbigeeda UDUB ku eedeeyeen inay ka soo horjeedaan ku dhaqanka in doorashada lagu galo natiijo ka soo baxday kala shaandhaynta diiwaan-gelintii codbixiyeyaasha oo lagu sheegay 1,220,751 oo codbixiye.
Masuuliyiinta sarsare ee Xisbiga KULMIYE ayaa sidaa ka sheegay Shir Jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Xarunta Xisbiga ee Magaaladda Hargeysa, kaasoo ay goob-joog ka ahaayeen Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, Musharaxa Jagada Madaxweyne Ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Cabdiraxmaan-saylici), Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Xisbigaas Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, Wakiilka Kulmiye u qaabilsan Komishanka doorashooyinka Xuseen Axmed Caydiid, Xildhibaano iyo Xubno kale oo Xisbiga ka tirsan.
Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Muuse Biixi oo ka mid ahaa masuuliyiintii Shirkaa Jaraa’id ka hadlay, ayaa Xukuumadda Madaxweyne Rayaale ugu baaqay inay sida ugu dhakhsaha badan xorriyadooda ugu soo celiso Wariyayaasha Horyaal Axmed Saleebaan Dhuxul iyo Maxamed Cismaan Mire (Sayid) oo aan ilaa hadda la haynin cadaymo rasmi ah oo muujinaya nooca dambiyada loo haysto. Isla markaana Mr. Biixi waxa uu baaq nabadeed u diray Beelaha dirirtu ku dhexmartay deegaanka Ceelbardaale ee u dhexeeya Gobolada Gabilay iyo Awdal. Waxaanu soo jeediyay in heshiis laga gaadho waxa laysku hayo, isaga oo xusay in aanay colaad sokeeye dhib mooyee dheef lahayn. “Waxaanu Xukuumadda ugu baaqaynaa inay sida ugu dhakhsaha badan xorriyaddoodii ugu soo celiso Suxufiyiinta Radio Horyaal ee muddada dhawr iyo tobanka cisho ah sharci-darada ugu xidhan.”
Muuse Biixi, waxa kale oo uu Xukuumadda talada haysa u soo jeediyay inay soo qabato ciddii gaysatay jid-gooyadii dhawaan lagu dilay 4-ta qof ee safarka ku marayay jidka u dhexeeya Degmooyinka Dila iyio Kalabaydh, isla markaana sida ugu dhakhsaha badan ay sharciga u horkeento dadkii fuliyay falkaas.
Wakiilka Xisbiga KULMIYE u qaabilsan Komishanka doorashooyinka Xuseen Axmed Caydiid, ayaa isaguna shirkaa Jaraa’id ka hadlay, ayaa sheegay in uu Xisbiga UDUB diidan-yahay in doorashada Madaxtooyada oo u muddaysan 27-ka September 2009 lagu galo natiijo ka soo baxday (Server-ka) Kumbuyuutarka kala shaandhaynta codbixiyayaashii dalka iska diiwaangaliyay oo Haay’adda Inter-peace si gaar ah ugu bandhigtay Xisbiyada Siyaasadda Somaliland ee UDUB, KULMIYE iyo UCID. Hase ahaatee, ay KULMIYE iyo UCID aqbaleen in natiijadaas lagu galo doorashada, si aan dib-u-dhac kale ugu iman wakhtiga doorashada oo wax yari ka hadhsan yahay.
Xuseen Axmed Caydiid mar uu faahfaahin ka bixinayay qaabka Kumbuyuutarka kala shaandhayntu u kala saaray dadkii la diiwaangaliyay, waxa uu yidhi, “Server-ku wuxuu wax u shaqeeyay afar qeybood, oo kala ah 55,86,975 qof oo lagu aqoonsaday farahoodii iyo wajigoodii-ba, 66,990 oo qof oo farahoodii oo qudha la aqoonsaday. Iyo 629,686 oo la aqoonsaday wajigoodii oo kaliya.”
Waxaanu Xuseen intaa ku daray oo uu yidhi, “Halka dadka tiradoodu tahay 96,787 qof duuduub lagu tuuray ka dib markii wajigoodii iyo farahoodii midna la aqoonsan kari waayay, wadarta (tirade) guud ee hadda soo baxaysaa waxay tahay 1,220,751 qof, inkasta oo aanu markii hore aad ula yaabnay in tirada intaa le’eg duuduub lagu tuuro, haddana taas waanu aqbalay haddaanu nahay Xisbiyiada Mucaaridka ah ee KULMIYE iyo UCID, ee waxa illaa imika nasiib darro ah in Xisbigil-xaakimka UDUB diidan-yahay oo uu doonayo in dib loogu noqdo.”
inkasta oo Xisbiga UDUB eedahan maanta KULMIYE u jeediyay xalay ka soo saaraay Warsaxaafadeed uu ku beeninayo eedamahan maanta kuwo la mid ah oo daaha ka rogayay diidmada UDUB ee ku wajahan natiijada is-diiwaangaliyayaasha Xisbiyada loo soo bandhigay. Haddana waxa muuqda raadka diidmada UDUB kaga soo horjeedo ku dhaqanka iyo aqbalaadda natiijadaas. Si kastaba ha ahaatee, doodaha iyo eedaha iska soo horjeeda ee Mucaaridka iyo Muxaafidka Somaliland hadda isu jeedinayaan ayaa sababi kara in mar kale doorashada Madaxtooyadu dib-uga dhacdo wakhtiga loo cayimay ee 27-ka bisha September ee 2009-ka.
Xigasho/ Cabdifataax I. Mursal
Hadhwanaagmedia.com/Office
Hargeysa/Somaliland