Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Ahmed Mohamed Siilaanyo Oo Tacsi u Diraya Eheladii Suldaan Maxamed Cabdi Cali
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Ahmed Mohamed Siilaanyo Oo Tacsi u Diraya Eheladii Suldaan Maxamed Cabdi Cali
TACSI
Geeri Naxdin Leh
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Ahmed Mohamed Siilaanyo, isaga oo ku hadlaaya Magaciisa, kan Xubnaha Xisbiga iyo taageerayaasha, waxa uu Tacsi u dirayaa Qoyskii,Qaraabaddii,Ehelkii iyo dhamaan shacbiga Somaliland uu ka baxay Marxuun Suldaan Maxamed Cabdi Cali oo xalay 26.07.2008 ku geeriyooday degmada Gar-Adag ee Gobolka Sanaag.
Guddoomiye Axmed Siilaanyo waxa uu ilaahay uga baryayaa Marxuumka inuu janadii Fardawsa ka waraabshi dhamaan intii uu ka baxayna
, Samir iyo iimaana ka siiyo.
INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJUCUUN
Ahmed Mohamed Siilaanyo
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye