Warsaxaafadeed wada-jir uga soo baxay Xisbiyada Mucaaradka ah

Hargeysa (Somaliland.Org)- Axsaabta Mucaaradka Somaliland ee UCID iyo KULMIYE ayaa Warsaxaafadeed ay soo saareen ku sheegay inay aqbaleen Natiijada uu soo saaray Agabka kala-shaandhaynta dadka Isdiiwaangeliyay.

Warsaxaafadeedkaas oo ay wada-jir ugu saxeexnaayeen Ku-simaha Guddoomiyaha, ahna Guddoomiye-xigeenka UCID Aadan Maxamed Mire (Waqaf) iyo Ku-simaha Guddoomiyaha, ahna Guddoomiye-xigeenka KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa wuxuu u dhignaa sidan;

“Sida aynu wada ognahay dalkani waxa uu galay diiwaan galin buuxda bishii octobar 2008 natiijadii diwaangalintaasi aad bay inoogu raagtay hasa yeeshee waxa la soo gaadhay  gabogabadii diiwaangalinta. Manta oo ay taariikhdu ahayd 27/7/09 Mr samoro oo   ka socda hay,adda interpeace wuxuu soo hordhigay sadexda xisbi qaran iyo komishanka natiijadii serverku soo saaray oo tiradeeduna tahay 1,146,832 oo ah tirada maanta la hayo Mr,samoro isaga oo ka duulaya wakhtigii doorashada loo mudeeyay oo gabaabsi ah  wuxuu  soo bandhigay saddex arimood oo doorashada wakhtigeedi lagu qabankaro.

A-In arintaas diiwaangalinta iyo serverka lasoo afjaro lana qaato laguna hawlgalo tiradaa kor ku xusan

B-In khubaro dheeraad ah iyo software cusub la hawlgaliyo si waliba loo sii kala shaandheeyo tiradaa kor ku xusan.

C-In diiwaangalintii la,laalo doorashadana lagu galo bilaa diiwaangalin.

Hadaba labada xisbi qaran UCID IYO KULMIYE iyagoo ka duulaya halgankii iyo kharashkii faraha badnaa ee loo soomaray diiwaangalinta,iyagoo ay ka go,antahay doorasho xor iyo xalaal ah  ,iyagoo tixgalinaya deeqbixiyayaasha iyo taagerayaasha soomaliland ee ajanabiga ah  waxay go,aansadeen inay danta dalka dadka iyo dimuqraadiyadaba ay ku jirto in si kama danbays ah loo aqbalo tirada serverku soo saaray ,sidaasna lagu hawlgalo doorashadiina loogu diyaargaroobo  si ay u dhacdo wakhtigii loo mudeeyay

Waxa ayaan darro ah in xisbul xaakimkii shirkii uu manta  uu ka cadeeyay inaanu ku kalsoonayn ,aqbalidoonina tiradaas uu serverku soo saaray ,xisbulxaaakimku wuxuu ka horyimi oo uu jabiyay heshiiskii hore loo kala saxeexday ee qeexayay in la aqbalo natiijada kasoo baxda serverka

Waxay nala tahay in go,aankaas xisbiga udub ka soo yeedhay in uu micnaheedu yahay inaanay u diyaar ahayn doorasho xor iyo xalaal ah oo dalkan ka dhacda una gogol xaadhayaan muddo kordhis danbe oo ka hor imanaya go,aamadii gudidii dhex dhexaadinta khilaafadkii siyaasiga ahaa ee la aqbalay inaan korodhsiimo danbe aanay dhicin

Labada  xisbi qaran UCID IYO KULMIYE waxay qaylo dhaan u dirayaan umadda reer soomaliland goloyaasha qaranka , culimo uudiinka,hogaan dhaqameeedyada,waxgaradka ,ganacsatada iyo dhamaanba taageerayaasha soomaliland guddo iyo dibadba in loo soo gurmado sama tabixinta iyo badbaadada qaranka soomaliland dedaal weyna looga galo in doorashadaasi wakhtigeedi ku qabsoomto iyadoo lagu salaynaayo natiijadaas  serverku soosaaray

Waxaanu ka digaynaa cawaaqib xumada iyo burburka ka imankara haddii lagu guuldaraysto in doorashadaasi ku qabsomi waydo wakhtigii loo  mudeeyay waxa gidigeen ku waajib ah in laga hawlgalo lagana hortago ciddi ku talinaysa in doorashadaasi dib u dhacdo ee horseedaysa soo dedejinta burburka dalka

Waxaanu xusuusinaynaa xisbiga udub iyo madaxweynaha soomalilandba inay hore u aqbaleen kuna balan qaadeen inay ogolaandoonaan natiijada kasoo baxda serverka iyo inaanay marna  higsandoonin muddo kordhis danbe , ummada soomaliland waxay ka filaysaa inay oofiyaan ugana fadhidaa inay fuliyaan go,aamadaas iyo heshiisyadaa ay hore u aqbaleen waxaanuna xasuusinaynaa mar kale go,aanka ay maanta qaataan ee arintaa ku saabsan  in taariikhdu xusi doonto allaha awoodda lihina kala xisaabtami doono .

Ugu danbayn waxaanu ka codsanaynaa goloyaasha qaranka inay gutaan xilkooda distooriga ah ee ka saran badbaadada qaranka iyo ka hortaga burbur qarran,

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

bmm@somaliland.com

Comments are closed.