Wasiirka Difaaca Dawlada Sweden Oo Booqdey Goobtii Ay Ku Dhinteen Hooyo Somaliland Ah Iyo Shanteedi Caruurta ahayd Ee Shufbeelay
Waxaanu Ka Soo Xiganay
(Hadhwanaagnews) Tuesday, July 28, 2009
![]() |
Scandanivia(HWN/Stockholm) Wasiirka difaaca ee sweden Sten Tolgfors ayaa maanta(isniin) booqasho baroordiiqa ku tagey goobtii uu dabku qabsadey ee ay ku geeryootey ala naxatriistiijano ha ka waraabiyee hooyo somalyeed iyo caruurtedii.
Amakaag iyo anfariir bay igu noqotey dhacdadani waana tii iigu darney ee isoo martey tan iyo intaan qabtey xilka wasiirnimo, waxaan halkan u imid inaan u tacsiyeeyo aabo Yusuf, dareensiiyona dadka halkan dagan inaan la qeybsanayno tiiraanyada Ayuu yidhi wasiirku.
Wasiirka ayaa halkaa lagu siiyey macluumad sidii loo gutey hawshii dab dabinta, iyo habkii loo tageerey dadkii ay ku habsatey mushkiladu, waxaa kale oo loo sheegey iney wali socoto baadhistii oo aan la garaneyn sobobtii dabka dhalisey,waxa kaliya ee ilaa hada la ogyaheyna uu yahey inuu dabku ka bilaabmey guri hoosta ku yaaley.
Dhanka kale waxaa eedeymo loo soo jeediyey shirkada guryaha, sabobtoo ah goobtan waxaa dagan dad ku hadla luuqado kala gadisen oo dunida daafaheeda ka yimi balse luqada swiidhishka oo kaliya ayey ku qoran yihiin buugaagta bad baadada dabku.
Halkan waxaa lagaga hadlaa ku dhawaad 50 luqadood waaney adkaatey in lagu wada turjumo waxaa soo luuqada ah buuga bad baadada, sobobtoo ah marwalba waa in la habeyaa taasina suurto gal noomaha, madaama dadku wada fahmaan swiidhishka waxaan siinaa tobobarka ka hor taga masiibada sidaa waxaa isku difaacdey shirkada eedeynta loosoo jeediyey.
Aabo yuusuf oo ay wargeysyadu wax weydiiyeen ayaa u sheegey maadaama uu nin muslima oo iimanle yahey inuu ku sabraayo masiibadan ku habsatey, marnabana aan la baajiyeen qadarka ilaahey qorey.Yuusuf ilaahey samir iyo imaan ha ka siiyo ehelkiisa, iyagana janatu firdowsa ha ka waraabiyo, Aamiin Aamiin
Jamaal Jr (Halkaraan
Hadhwanaagnews Office
Flen Sweden
