Xisbiga KULMIYE Oo Durey Qodobo Ka mid Ahaa Bayaankii Ay Soo Saareen Aqoonyahano Reer Somaliland Ah

Hargeysa, July 28, 2009 (Haatuf) – Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa war-saxaafadeed uu shalay soo saaray ku naqdiyey qodobo ka mid ahaa Bayaan ay 26-kii bishan Hargeysa ka soo saareen koox aqoonyahano madax banaan oo reer Somaliland ah, kaas oo ay ku soo bandhigeen caqabadaha hortaagan qabsoomida doorashada ee wakhtigeedii loo cayimay, iyagoo talooyin ka soo jeediyay siyaabaha ay u arkaan in lagaga gudbi karo dib-u-dhaca doorashada.

Xisbiga KULMIYE waxa uu durey qodobo ka mid ahaa bayaankaas aqoonyahanka oo ay ka mid ahaayeen macluumaadka Serverka lagu shubay ee dadkii is-diiwaangeliyay oo aqoonyahanku bayaankooda ku sheegeen in Serverku iska sifaynayo qashin lagu shubay iyo aragti ay ka bixiyeen haddii dib-u-dhac ku yimaado doorashada in ay dhinacyadu ka heshiin karaan muddo-kordhin kooban, waxaanu xisbiga KULMIYE labadaa qodob ku tilmaamay kuwo ay ka biyo diideen, iyagoo qodobka muddo-kordhinta ka hadlaya ku tilmaamay mid ay u arkaan ishaaro loogu qiil-samaynayo muddo-kordhin dambe.

War-saxaafadeedkan oo uu ku saxeexnaa Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE, Keyse Xasan Cige, cinwaankiisuna ahaa JAWAABCELIN MAQAALKII KA SOO BAXAY MACHADKA CILMI BAADHISTA IYO HORUMARINTA EE SORADI 26KII JULY EE 2009”, ayaa waxa uu u qornaa isagoo dhammaystiran sidan:

“Maqaalkan  oo sida la sheegey ay qoreen aqoonyahanno reer Somaliland ahi wuxuu ka koobnaa shan qormo. Qormada saddexaad oo uu kaga faalloonayo  dib u dhac ku iman kara qabsoomida waqtiga doorashada ee 27 Sept. 2009 ayaa marka ay ka hadlayeen arrinta Serverka waxay yidhaahdeen “Serverkii  wuxuu ku dadaalayaa kuna hawlan yahay siduu macno ugu yeeli lahaa qashinkii aynu ku gurney. Waa arrin farsamo oo u baahan waqti, dulqaad iyo adkeysi. Waxaanu rumaysanahay in dhibta la xallin karo…..”

Xisbiga Kulmiye wuxuu qadarin iyo xushmo u hayaa Machadka SORADI. Wuxuu soo dhoweynayaa dood cilmiyeedka iyo fikradaha tayada leh ee aqoonyahanadu soo bandhigaan. Kulmiye wuxuu garowsanayaa wixii dhaliila ee loo soo jeediyo wuxuuna  u arkaa sixitaan iyo is-toosin. Wuxuu aaminsan yahay in dood wadaaga lagu gaadhi karo go’aan tayo leh oo  loo aayi karo.

Sidaasi darteed Kulmiye wuxuu u arkaa maqaalkan inay ku jiraan tallooyin wanaagsani iyo fikrado aanu ku kala aragti duwanahay ciddii maqaalkani qortay.

Waxaana ka mida fikradaha ku qoran maqaalkani ee aanu ka biyo-diidnay  weedha kor ku qoran ee ah inaynu ummad ahaan qashin ku gurney Serferka. Waxaanu u aragnaa in Serferka lagu shubay tiradii diiwaangelinta codbixiyayaasha Somaliland oo karaamo iyo maamuus mudan. Waxaanu aad uga soo horjeednaa, meel ka-dhacna u aragnaa in lagu tilmaamo qashin diiwaangelinta shacabka Somaliland.

Waxaa isweydiin leh ayaa eeda leh. Ma ummaddii dadaashey ee naf iyo maalba u hortay hirgelinta diiwaangelinta ayaa eedaysan oo qashin ku gurtay Serferka mise Serferka toddobada biloood kala sooci waayey ee shaqadiisii ka gaabiyey ayaa eeda leh.

Maqaalku wuxuu yidhi ha la adkeysto oo ha la dulqaato inta Serferku hawsha gudnayo. Taasi ma waxay daaran tahay in muddo kale laga war sugo natiijada uu soo saari doono Serferku oo ahayd shalay  27 July 2009.

Machadka SORADI  waxa kaloo  uu  qormada afraad ku ishaarey muddo kordhin dambe iyagoo yidhi “haddii daneeyayaasha muhiimka ahi si hufan uga wada xaajoodaan taariikhda ugu haboon uguna dhow ee doorasho lagu qaban karo. Markaa muddo kordhin kooban oo la isla qaataa waa suurtagal” Haddaba aqoonyahanku ereyga daneeyayaasha muhiimka ah maxay uga jeedaan.

Waxaanu ka filaynay inay qodob distoori ah ku saleeyaan fikirkooda. Waxaanu ku diidanahay fikir ku salaysan mala awaal iyo eray bixin cusub oo lagu ishaarayo muddo kordhin dambe.

Sidaasi daraadeed waxaanu usoo jeedinaynaa aqoonyahanka inay marka ay ka doodayaan arrimaha culayskooda leh ay si qotta dheer oo cilmiyeysan uga baaraandagaan iyagoo ka eegaya dhinacyo badan ishana ku haya danta guud iyo aayaha dambe ee ummadda.

Wa Billaahi Tawfiiq”


Comments are closed.