War Deg Deg Ah,Askar Ka Tirsan Booliska Somaliland Oo Weerar Ku Qaaday Hotelka Wayn Ee Mansoor Oo Uu Degan Yahay Mr Rebun Zamora Ahna Maamulaha Hay’da Interpeace

http://www.saylac.com/Hasan%20sh.%20Mumin/yow3.jpgAskar Ka Tirsan Booliska Somaliland

Hargeysa, Somaliland- Waxaa saaka subaxdii weerar ku qaaday Hotelka wayn ee mansoor oo uu degan yahay mr Rebun Zamora ahna maamulaha hay’da Interpeace ee Somaliland, askar ka tirsan booliska Somaliland kadib markii uu shalay qeybiyey natiijadii ka soo baxday Serverka ee uu u gudbiyey Asxaabta mucaaridka ah.

Gudoomiyaha Komishanka Qaranka Jaamac Sweden ayaa Saaka soo saaray waraaq uu ku eedaynayo  mr Zamora inuu yahay dambiile qaran, kuna sifoobay waxa Duplamaasiyadda lagu yidhaa ‘ Personna non garanta”‘ warqadaas oo  uu mr Zamora ku eedaynayo 8 qodob oo dambiilamino ah oo ay ka mid tahay ISKA HORKEEN, FIDMO-WADE, QALLAASE ABUUR, FARRIIMO BEER ABUUR AH, DIIDMO AMARKII GUDOOMIYAHA KOMISHINKA, INUU KU GEFAY DHAMMAAN XEERARKII DOORASHADA EE DALKA U YIIL, sidaasi darteed, waa inay Wasaaradda Arrimaha Guduhu dalka ninkaasi kaga saartaa , ayuu Jaamac Sweden qoraalkiisa ku yidhi.

Kdibna saaka ayey ciidamada Booliisku weerareen Hotelka Mansoor oo ah Hotel-ka uu degnaa mr Zamora. Waxaa  weerarkaas ka biyo diiday oo  cabatin ka muujiyay maamulkii Hotelka. Wararku waxay intaa ku darayaan in illa hadadan ay Ciidamo Booliis ahii mr ku hor fadhiyaan mr Zamora iridda laga soo galo Hotelka Mansoor  ee Magaalada Hargeysa.

Dhinaca kale arinatan waxay si wayn uga cadhaysiisay asxaabta mucaaridka ah iyo dhamaan deeq bixiyeyaasha oo ka biyo diidsan facii’lika waxshnimada ah ee xukuumada Rayaale kula kacayso ha’yadaha dalka ka hawl gala.

Warar aad loogu kalsoon yahay ayaa sheegayaa in maanta illa bari dalka ay ku soo fool leeyihiin danjireyaasha (Ambassdores) dalka Maraykanka, dalka Ingiriiska iyo dalka Sweden ee Nairobi fadhiyey oo  Somaliland u imanaya arrimaha deeq-bixiyeyaasha iyo falkan foosha xun ee xukuumada Rayaale iyo Jamac Sweden kula kaceen mr Zamora . Waxaana la filayaa inay qoraal ahaan ugu dhiibaan Daahir Rayaale go’aankoodii ay nairobi ka soo saareen arimahan cakiran ee doorashada uu ka caga jiidayo.

Kulmiye.org

__._,_.___

Comments are closed.