Wareysi Khaasa Oo Jariidada Jamhuuriya La Yeelatay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Siilaanyo
Wareysi Khaasa oo Jamhuuriya la yeelatay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Siilaanyo
Burco (Jam)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo labadii toddobaad ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, ayaa waraysi khaas ah oo uu Jamhuuriya la yeeshay ku faahfaahiyey ujeeddadii ka dambaysay iyo waxyaabihii lagaga wadahadlay shir Isniintii habeen hore ka dhacay hoteelka City Plaza ee Burco, kaas oo sida la sheegay inay isku arkeen masuuliyiin iyo saraakiil ka tirsan xisbiga KULMIYE iyo xulufo isugu jirtay xubno ka soo jeeda urur-siyaasadeedka QARAN iyo shaqsiyaad magac leh oo ka soo jeeda beelaha galbeedka Burco.
Waraysigaas oo uu Axmed-Siilaanyo shalay kula yeeshay magaalada Burco weriyahayaga Gobolada Bari Mr. Keyse Axmed Digaale, waxa kale oo Guddoomiyaha KULMIYE kaga hadlay arrimo dhawr ah oo ay ka mid tahay aragtidiisa ku wajahan sharciyadda ururka QARAN, saamaynta siyaasadeed ee ay xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya ku yeelan karto go?aanka shirkadda Ethiopian Airlines ku hakisay duullimaadyadeedii Hargeysa iyo eedaymo uu u soo jeediyey Wasiirka Hawlaha Guud.
Waraysigaas oo aad u xiiso badan su’alihii la weydiiyey Axmed-Siilaanyo iyo jawaabihii uu ka bixiyey waxay u dhaceen sidan:
S. Su’aal: Waxa la sheegay inaad olole siyaasdeed ka bilowdeen Burco idinka iyo qolada xukuumaddu, muxuu yahay Kaambaynkan aad bilowdeen?
Jawaab: Horta qolada xukuumadda anigu u hadli maayo oo iyagaad ka warsan doontaa. Kol haddaan imi gobolkan [Togdheer] oo ka mid ah gobollada ugu waaweyn ee dalka xisbigayguna awood weyn ku leeyahay, waxay noqotay in bulshada reer Togdheer oo cid walba leh inaan la kulmo, waxyaabaha ay gobol ahaan ka qabaan, mandaqadda ka qabaan iyo arrimo dhinacyo badan leh iska warsano.
S: Guddoomiye; markaa ma xisbiga KULMIYE ayaad kalsooni ugu raadinaysay?*
J: Marka laga hadlayo xisbi waxaad moodaysaa in la soo koobayo. Runta markaan kuu sheego inta badan kalamaan hadlayn arrimaha xisbiga, balse waxaan ka hadlayay arrimaha qarankan, kuwa Gobolka Togdheer ayaan ka hadlayay, arrimaha gayiga aan joogno ka socda saamaynta ay innagu yeelan karto dal ahaan iyo dad ahaanba, aarahddoodana waa dhagaysanay, wixii aan dheerahayna waan u iftiiminayay.
S: Waxa xalay [habeen hore] ka dhacay hoteelka CityPlaza shir, maxaa lagaga wadahadlayay, yaase ka soo qaybgalay?
J: Shirkan anigaa laygu martiqaaday dad ka tirsan Gobolka Togdheer iyo kuwo ku soo biiray oo ka yimi Hargaysa oo dad wada xilkas ah ayaa halkan [Burco] martiqaad iigu sameeyay, taasna aad ayaan uga mahad-celinayaa, waxaanuna ku soo qaadnay aayaha dalka iyo wada-shaqaynta Gobolka Togdheer iyo gobollada kaleba ayaannu ka wada hadalnay.
S: Wasiirka Hawlaha Guud waxa uu sheegay in shirkaa ay ka qaybgaleen dad aan talada dalku ka go?in iyo afraad shakhsiyaad ah, taas maxaa ka jira?
J: Waxay ila tahay Wasiirku marka uu leeyahay dadkii taladu ka go’ ilahayd waxa uu la jeedaa isaga, Ina Sulub iyo Rayaale, sida dadku dhaqnku u yaqaanno intii aanu is lahayn degaannadaa beelaha ka taliya uguna miisanka weynaa ayaa ka qaybgalay, sharaf weyn iyo qiimo weyna way noo lahayd aadna waan ugu faraxsanahay intii aan joogay halkan [Burco] ee aan shirarkaa iyo munaaqishooyinkaa wadnay ee qaybaha bulshada aan sheegay qiimaha uu lahaa iyo is-afgarashada laga gaadhay mid qarsoon maaha, inay maamulka hadda jirana gilgilshay wax qarsoon ma aha, nuxurka laga gadhayna munaaqishooyinkaasna waa in dalka iyo dadku isbeddel u baahan yahay.
S: Kulankii aad xalay [habeen hore] gasheen wuxuu ahaa mid aan saxaafadda loo oggolayn, waanad isku dheeraateen dhinacyadiinii kulmay, markaa maxaa go?aamo ka soo baxay oo aad isla gaadheen labadiina dhinac?
J: Shir kasta ama kulan kasta oo layskugu yimaaddaa maaha inuu caalami noqdo, dadka meesha joogay miisaankiisu aad ayuu u muujinayay inuu wax weyn ku fadhiyo, wadatashigaasina ma ahayn mid aannu hadda u soo bandhigayno saxaafadda, laakiin waxaan idiin sheegay inuu ahaa mid qiimo badan leh, is-afgarasho fiicanna laga gaadhay, ummadda iyo danta dalkana u adeegayay.
S: Guddoomiye; waxa xukuumaddu idinku eedaynaysaa, saxaafaddana lagu qoray inaad hab qabiil iyo tolaay yaa Isaaqay ku ololaynayso, arrintaa maxaa ka jira?
J: Kolley anigu maan arag, manaan odhan hab-qabiil ayaan wax ku maamulayaa. Waxay ila tahay dalkan iyo dadka halakan [Burco] joogaa sharftooda iyo qiimahooda ma gudo in mar walba cay looga dhigo qabiil bay wax ku maamulayaan iyo ku dagaalamayaan, hadday maanta qabiil ku dagaalamayaan Ina Rayaale maanta ma xukumeen, waxay ila tahay haddii dadka iyo dalku danahooda u tashadaan oo caam ahaan u tashadaan in lagu khuukhiyo qabyaalad ayaad wadaan waa waxaan meesha ku jirin. Qabyaaladda cdida wadana Ilaahay baa og. Arrinta qaabaa?ilku waa wax jira, waa wax lawada ogyahay inay jiraan, waa wax mujtamacu ku dhisan yahay, waa wax caalamku intuu isu tagay Soomaaliba la yidhi qabiil ayaa wax laydinku qaybinayaa, yaan qabiilka cay laga dhigin oo ceeb laga dhigin. Annagu cid aannu nidhi qabiil halagu xumeeyo iyo cid aannu nidhi qabiil halagu fogeeyo iyo cid aannu nidhi qabiil halagu dilo xaasha kalaa maanu odhan.
S: Dawladdu ururka QARAN way diiday oo sharci maaha ayay tidhi, idinku xisbi ahaan sideed u aragtaan?
J: In badan ayaanu ka hadalnay arrintaa, laakiin annagu ururka QARAN mid xalaal ah ayaannu u aragnaa, dadkuna xaq u leeyahay, wax dhibaato ah oo aannu ka horkeenay ma jirto iyo mar qudha oo aannu ka hornimi maanu arag.
S: Diyaaradda Ethiopian Airline way joojisay duulimadkeedii ay ku iman jirtay Hargaysa, iyadoo lagu xidhiidhinayo muranno ka dhashay in baadhitaan lagu sameeyo madaxda sare ee dalka marka ay dibadda u raaciyaan, sideed u argtaa arrintaa adigu?
J: Arrintaas markii ay dhacdayna halkan [Burco] ayaa joogay, Itoobiyana waa dal maslaxaad badani innaga dhexeeyo, Ethiopian Airline-na waa diyaarad dunida oo dhan tagta dadkeenuna soo raaco, iyaguna faa?iido ayey innagu qabaan oo dhaqaale ayay innaga helaan, masaalix iswaydaarsi ah ayaa innaga dhexeeya, inay xurmada, karaamada iyo sharafta madaxdu leeyihiin siiyaan, waayo sharaftii dalka ayay huwan yihiin. Waxaan anigu maqlay goob-joog ma hayne, laakiin hadduu dhab noqdo warka la sheegayaa in qaranka Somalilamd dib ugu noqdo waxay yidhaahdeen Madaxweynahaa noo saxeexay warqad aniga iyo xaaskayga mooyee cidii kale waad baadhi kartaan, Madaxweynuhu hadduu dadka xurmada leh ka qaado isaguna xurmo yeelan maayo, qarankuna xurmo yeelan maayo.
S: Golaha Wakiilladu markii labaad ayay celiyeen labadii xubnood ee Komishanka, Guurtida iyo xukuumadda oo iswataana Maxkamadda Distooriga ah ayay geynayaan baa la leeyahay si loo laalo go?aanka Baarlamaanka, arrintaa sideed u aragtaa?
J: Maamulka maanta jiraa waxa uu u tafaxaytay inuu sharciyadda dalka iyo distoorka baabi’iyo. Waxyaalihii loo soo maray arrimaha Komishanka waan ogeyn, waxyaalihii ay Baarlamaanku ku celiyeen waxyaabo xaq ah bay ahayeen marka loo fiirsado, Maxkamadda Sare ayaa loo gudbiyay, waynu ognahay waxay Maxkamada Sare ku sugan tahay, waxaynu ogeyn waxay ka yeeshay tii saxaafada waxay ka tidhi, kuwo badanna way soo celisay, Baarlamaanka, xisbiyada iyo shacbiguba way aqbaleen wixii ay maxkamaddu tidhi, iyagoo aan u arkayn wax sharci ah, waxay tidhi mid-mid ha loogu codeeyo, kordhintiina way diiday, mid-midkii ayaa loogu codeeyay. Haddaba, maanta waxay taagan tahay maxaa mid-midka loogu codeeyay, mise waxa la leeyahay beelo ayaad rideen, mise dad dan gaar ah Madaxwnuhu ka leeyahay ayaad diideen, maxay tahay sidani? Markaa waxa laleeyahay soo beddesha oo qaar shuruudda ka baxaya keena. Waxaan leeyahay taa dawladdu [xukuumaddu] hadday maanta diido dalkan meel dheer..dheer? ayaa laga dooni doona, waxana xaq loo leeyahay in go?aanka baarlamaanka loo hoggaansamo.
S: Goormaa shirkii xisbigiinu qabsoomayaa, waxa la sheegayaa in gudaha xisbigiina khilaaf badan ka jiro, gaar ahaan dhinaca qaab-dhismeedkiisa oo la leeyahay hala kala saaro Guddoomiyaha xisbiga iyo musharaxa xisbiga, taa maxaad ka odhanaysaa?
J: Kolley anigu taa ma maqal wax ka duwan ayaan maqlay, Xisbiga aan madaxda ka ahay cidi iigama war roona. Xaqiiqda haddaad doonayso oo aan been laga sheegayn dhibta kaliya ee na haystaa dibad iyo gudadaba ummaddii baa nagu soo jabtay, degaannadii baa nagu soo jabay, madaxdii ayaa nagu soo jabtay, dadkii ayaa nagu soo jabay, dhibta nahaysaana waxa weeye sidii aannu taas u kala dabbari lahayn.
Xigasho/Jamhuuriya Online