Shirweynaha Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye Oo Maalinta Axada Dib Loogu Dhigay, Halkan Ka Daawo Sawiradii Shirka

August23, 2008
Burco, Somaliland - Shirweynihii golha dhexe ee xisbiga Kulmiye ayaa saaka 0800 subaxnimo si rasmi ah uga bilaabmay hoolka shirarka huteelka weyn ee Burco City Plaza inkasta oo maalinta Axada ah dib loogu dhigay. Waxaa halkaa dadkii ka soo qayb galay ka mid ahaa xubno aad fara badan oo golaha dhexe ka tirsan isuguna jiray kuwa dalka gudihiisa jooga iyo xubno qurba joog ahba. waxaa kale oo ka mid ahaa xildhibaanada ku soo baxay magaca xisbiga Kulmiye iyo madaxda sarsare ee xisbiga oo uu ka mid yahay gudoomiyaha xisbiga Kulmiye md Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo, gudoomiye ku xigeenka 2aad mudane Cabdiraxmaan cabdilqadi farax, gudoomiye ku xigeenka 3aad mudane cabdiraxman Talyanle, gudoomiye ku xigeenka 4aad mudane cabdiraxman Saylici iyo marti sharaf kale oo ah goob joogayaal.
Shirka oo ay ahayd in uu maanta oo 23 August inuu si rasmi ah u bilaabmo isla mar ahaantaasna haystay tiro aad uga badan tiradii uu kooram ahaan ku qabsoomi lahaa ayaa misna u hakaday gudoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha wakiilada mudane Cabdilcasiis Maxamed Samaale oo hooyadii ILLAAHAY naxariistii Janada Fardowsa ha ka waraabiyee xalay ku geeriyotay magaalada Hargeysa halkaas oo isaguna xalay u ambabxay magaalada Hargeysa. Waxaa kale oo shirka loo hakiyay in la sugo gudoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga iyo xoghayaha guud ee xisbiga oo ku sugnaa maanta oo sabti ah magaalada Hargeysa balse hada la soo xaqiijiyay in ay yimaadeen magaalada Burco caawadatan.

Waxa shirku si rasmi ah dib ugu bilaabmi doona maalinta Aaxada ah ee barito halkaas oo loo guda gali doono hawlaha horyaal shirka.









Shirweynahan golaha dhexe ee xisbigu ayaa socon doona mudo laba maalmood ah oo lagu soo dooran doono murashaxa madaxweynaha iyo murashax ku xigeenka xisbiga Kulmiye uga qayb gali doona tartanka doorashooyinka soo soo socda.
La soco
Warbaahinta xisbiga kulmiye
Burco, Somaliland
Burco, Somaliland
