” INNA LILLAAH WAA INNA ILAYHI RAAJUCUUN ” Tacsi Ku Socota Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad Ee Golaha Wakiilada Mudane Cabdilcasiis Maxamed Samaale
Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo isaga oo ku hadlaya magaciisa magac xubnaha xisbiga ee dalka gudihiisa iyo xubnaha taageerayaasha ah ee dalka dibadiisa jooga, waxa uu halkan tacsi uga soo gudbinayaa mudane Cabdilcasiis Maxamed Samaale, geerida ku timid hooyadii EBBE naxariistiisa wanaagsan janadii Fardowsa ha ka waraabiyee. Waxaa uu gudoomiyuhu EBBE uga baryayaa in marxuumada janadii Fardowsa ALLE ka waraabiyo mudane Cabdilcasiis, ehelkii iyo qaraabadiina samir iyo iimaan ka wada siiyo , aamiin.
Waxaa kale oo halkan tacsi taa la mid diraya dhamaan taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee dalka dibadiisa iyo gudahiisaba ku sugan. Waxaa si gaar ah iyaguna tacsi na soo gaadhsiinaya gudoomiyaha,ku xigeenka iyo gudida iyo xubnaha ka tirsan mareegta egroupka xisbiga Kulmiye oo kala jooga daafaha caalamka.
Waxaa tacsi taa la mid ah na soo gaadhsiinaya iyaguna laamaha xisbiga ee waqooyiga Maraykan oo kala ah Columbus, Minniapolis, Washington DC, Harford Ct, Los Angels Ca, Seaatle Washington iyo Atlanta Ga. Laamaha dalka Canada ee kala ah Toronto, Ottawa iyo Edmonton
Waxaa tacsi taa la mid u soo diraya gudoomiyaha 1aad ee golaha wakiilada isla laamaha UK ee kala ah north London, East London, West London, Bristol, Cardiff, Birmingham, Shefield , leicster iyo jaaliyada Manchester and Bolton. laamaha Norway oo isu wada dhan, Denmark iyo Sweden.
Waxayna dhamaantoo marxuumada EBBE uga barayaan inuu janadii Fardowsa ka waraabiyo mudane samaale , walaaladii ehel iyo qaraabadiina samir iyo EEBE ka wada siiyo, aamiin