Hogaanka Sare, Madaxda Labada Xisbi Ee Kulmiye Iyo Ucid Oo Shir Saaka Isugu Yimid Xarunta Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye
Hargeysa, Somaliland- Waxaa saaka si wadjir ah shir isugu yimid xarunta dhexe ee Xisbiga Kulmiye Mas’uuliyiintii Xisbiga Kulmiye oo uu horkacaayo mudane Muuse Biixi Cabdi oo ah ku sii simaha Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahna gudoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga Kulmiye iyo dhammaan xubnihii ugu cuslaa ee Xisbiga, Guddiga Fulinta, hoggaanka sare sare, xubnaha Golaha dhexe ee xisbiga, iyo waliba madaxdii dhallinyarada iyo haweenka ee xisbiga Kulmiye oo soo si ay uga qayb qaataan shirkaas.
Waxaa dhinaca kale goor subaxdii hore ah xarunta dhexe ee xisbiga Kulmiye shirkaas u soo kalahay hogaanka sare iyo madaxda sarsare ee xisbiga Ucid, Masuuliyiintii Xisbiga Ucid oo uu hoggaaminaayo gudoomiyaha xisbiga Ucid mudane Faysal Cali Waraabe oo ay la socdaan dhammaan madaxdii Xisbigaasi oo uu ka mid yahay mudane Maxamed Rashiir SH, Xasan Musharaxa madaxweyne ku-xigeenka ee Xisbiga UCID.
Dhinaca kalena waxaa iyaguna soo kallahay dhammaan Saxaafadda xorta ah ee Somaliland, Joornaalo, TV-yo iyo Websdite intaba, waxaa halkaasi ka hadlay oo si ballaadhan wadciga wakhtigan taagan dhinac kastaba u qaadaa dhigay Gudoomiyahaha xisbiga Ucid Mudane Faysal Cali waraabe iyo Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ah ku simaha gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ahna guddoomiyee ku xigeena 1 aad ee xisbiga Kulmiye, hadaladii hogaanka labada xisbina waxaa ka mid ahaa sidatan:
- Sida aynu wada ognahay mudadii Daahir Riyaale la doortay waxay dhammaatay April 2008, waxay ahayd in wakhtigaa la qabto doorasho Madaxweyne, hasa- yeeshee doorashadaas uu ka cudur daartay, wuu diiday, wuu ku gacan saydhay.
- Wuxuu ku dooday inaanuu marnaba galaynin doorasho bilaa diwaangelin ah. Sidaa daraadeed ayuu ku mutaystay muddo kordhintii isdaba jooga ahayd, maanta markii ay diwaangelinta natiijadeedii soo baxday ee Interpeace soo bandhigtay Liiskii codbixiyayaasha, waxa uu ku dhawaaqay Mr. Riyaale inaanuu diwaangelinta ku kalsoonayn ee uu doonayo doorasho bilaa diwaangelin ah.
- Halkaa waxa ka cadaatay, in aanuu Mr. Riyaale aanuu marnaba doonayn, una diyaar ahayn doorasho xor ah oo xalaal ah oo ku salaysan diwaangelintii la galay, diwaangelimntii uu lahaa waan doonayaana waxay ka ahayd oo qudha muddo kordhin iyo cimri dherersi.
- Waxaanu ka xunahay in Komishankii Qaranku oo laga filayey inuu ahaado garsoor dhexdhexaad ahi, inuu maanta ku milmay Xisbigii UDUB, amarkana ka qaato Daahir Riyaale.
- Daahir Riyaale iyo Komishankaba, waxaanu xasuusinaynaa in sharciga Dalka u yaalaa uu qeexayo in doorashada keliye ee Somaliland laga qaban karaa ay tahay mid ku salaysan diwaangelin, ninkii taa ka horyimaadaana uu yahay nin ka hor yimi sharcigii iyo xeerkii dalka.
- Dhaqaalihii dalka wuu burburiyey, jabouti ayaa maanta Xoolaheeni ka dhoofaan , adduunkii ina caawin lahaana wuu kaasoo wuu is hortaagay, cidnina dan inaga yeelan mayso, inuu dalku burburo ayuu doonayaa.
Shacbiga Somaliland waxaanu u sheegaynaa:
Ø In Daahir Riyaale Kaahin uu ku dacwiyey in Xisbiyada Mucaaridka ah, Golayaasha Qaranka, waxgaradka, culimo udiinka iyo warbaahinta madaxa banaan ee Somaliland intuba inay khaldan yihiin..
Ø Waxa kale oo uu ku dacwiyey in sharciga iyo qawaaniinta dalka u taala inuu isagu ka awood sareeyo, wax allaala iyo wixii isaga u dannina ay sharci noqonayso.
Ø Wuxuu iska horkeenay maamulkiisii iyo bulshadii caalamka, gaar ahaan deeqbixiyayaashii sida wayn inoo taageeray xag dhaqaale, iyo xag Siyaasadeed, si hagar la’aan ahna inoogu taakuleeyey inay doorasho xor iyo xalaal ah oo diwaangelin ku salaysani dalka JSL ka qabsoonto.
Ø In tallo xumadaa uu maanta ku socdo Daahir Riyaale Kaahin, cawaaqib xun ku yeelanayso Qaranka Somaliland, waxay horseedi kartaa ilaahay kama dhigee burbur ummaddeed. Waxa kale, oo ay laalaysaa rajadii aynu ka qabnay ictiraafka Somaliland ee loo soo halgamayey 18-kii sanadood.
Ø Waxa isweydiin leh, Daahir Riyaale Kaahin hoggaa iyo baaba’aa uu u qorsheeyey Qaranka Somaliland ma ula kacbaa? mise waa ka talo xumo? .
Ø Haddaanu nahay labada Xisbi UCID iyo KULMIYE, marna ogolaan mayno in la baalmaro sharciga dalka u yaala, kana qaybqaadan mayno doorasho bilaa diwaangelin lagu galo.
Ø Waxaanu caddaynaynaa inay Dalka ka jiraan saddex Xisbi Qaran oo tartan ku jira, doorashaduna ka dhaxayso, waxa doorasho xor oo xalaal ah oo ku salaysan diwaangelin doonaya laba Xisbi Qaran oo ka mid ah Saddexda Xisbi Qaran, waxaanu kula talinaynaa Daahir Riyaal inuu sharciga u hoggaansamo, raacana go’aanka inta badan oo ah halka ay mareen labada Xisbi.
Ø Waxaanu leenahay Somaliland iyo shacbigeedu kaamay mutaysan qaska iyo qalalaasaha aad kula dhex jirtay ilaa maalintii aad kusriga fuushay. Waxa lagaaga fadhiyaa inaad ku dhiirato oo aanad ka war wareegin doorasho xor iyo xalaal ah, kuna salaysan sharciga dalka u yaala iyo diwaangelintii.
Markii hadalkii dhammaaday ayuu Faysal sheegay inuu tegaayo Nairobi isaga Maxamed Rashiid Sh. Cabdilaahi, halkaas oo ay siimarayaan marka dambena Ethiopia, waxana ay ku biirayaan weftiga Axmed Siilaanyo ee la hadlaaya Weftiga Maraykanka ah.
Kulmiye.org ,Xarunta dhexe xisbiga