Shirweynihii Golaha Dhexe Oo Dib U Furmay Saaka

Burco, Somaliland- Shirweynihii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ayaa saaka 0800 subaxnimo dib uga bilaabmay huteelka weyn ee Burco City Plaza kadib markii shalay loo hakiyay geeridii ku timid gudoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha wakiilada  Md Cabdilcasiis Maxamed Samale hooyadii EBBE naxariistii janada ha ka waraabiyee iyo arimo farsamo.  Waxaa shirweynaha ka soo qayb galay  tiro dhan 200 oo qof oo kala ahaa xubnaha golaha dhexe ee xisbiga  iyo marti  isugu jiray goob joogayaal iyo marti sharaf kaleba.  Waxaa martida ka soo qayb gashay ka mid ahaa gudoomiyaha gobolka Togdheer  Jamac Cabdillahi Biin oo ku furay shirkaas  erayo kaftan ah  oo ku sheegay in xisbigiisa UDUB  kala jab xisbiga Kulmiye ku yimaada uu naawilayo marka la kala saarayo murashaxiinta madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeenadaba.  Mr biin waxaa shirka uga rajaeeyay inuu guulaysto isla mar ahaantaasna wuxuu ku ducaystay in xisbigiisa UDUB noqdo kii kaga dayda shirkan oo kale xisbiga Kulmiye.

Shirweynahan golaha dhexe oo maalintii shalay u hakaday arimo farsamo ayaa lagu soo dhameeyay jawi aad u wanaagsan. Shirweynahan golaha dhexe ayaa saaka  lagu ansixiyay 59 xubnood oo aan hore shirweynihii xisbiga ee bishii March lagu ansixin. Shirweynahan ayaa la rajaynayaa inuu soo gaba gabgaboobi doono maalinta isniinta hadii EBBE xukmo.

 

Kala Soco Halkan

War Baahinta Xisbiga

Burco, Somaliland

 

Comments are closed.