War Deg Deg Ah: Wariyihii Shabkada Somaliland.Org Ee Burco Oo LaXidhay

Ciidamada Booliska ee magaalada Burco ayaa maanta xabsiga u taxaabay wariyhii Somaliland.Org  uga soo wara mijiray magaalada Burco Foosi Saleebaan (Awbiindhe).

Wariyahan ayaa lagu xidhay amar ka soo baxay badhasaabka gobolka Togdheer Jamac Abdilahi Biin. Inkasta oo ilaa iminka aanay soo bixin war cadeenaya sababta wariyaha loo xidhay, ayaa hadana lala xidhiidhinaya xadhigan warbixin ku soo baxday shabakadan wararka ee Somaliland.Org, warbixintaa oo wariye Fawsi Aw Biindhe kaga hadlay musuqmaasaq hadheeyay maamulka gobolka  oo uu ku kacay badhasaabku. Warbixintaa oo badhasaabka aad uga cadhaysiisay.

Xadhiga waryahani ayaa waxaa uu ku soo beegmay xili magaalda Hargeisa ay ku xidhan yihiin Wariyayaasha Horyaal Maxamed Cismaan Sayid  iyo Ahmed Saleebaan Dhuxul, iyo Tafatiraha HCTV cable oo iyagu maalintii tobnaad ku xidhan xarunta CID’da, ilaa iminkana aan wax danbi ah lagu soo oogin.

Wixii faah faahina ee la xidhiidha arintan kal a soco

Sorce /Somaliland.Org

Comments are closed.