Ogaysiis Dhaamaan Laamaha UK

U DIYAAR GARAWGA DOORASHAYOONKA
iyo
KULANKA LAAMAHA UK
Dhammaan taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee ku dhaqan carriga Ingiriiska waxa lagu martiqaadayaa inay ka soo qaybgalaan munaasibaddan qaaliga ah ee sida weyn loo soo agaasimay.
Shirkan ballaadhan waxaa lagaga wada tashanayaa sida ugu habboon ee looga qayb qaadan karo u diyaar garawga iyo qabashada doorashooyinka Madaxtooyada ee la isku maandhaafsanyahay, inagoo ka duulayna kuna xisaabtamayna xaaladaha cusub ee soo kordhay iyo marxaladda adag ee dalku galay.
Waxa kale oo shirkan looga faa’iidaysanayaa in Tacsi wadajir ah halkaa loogu qabto, oo Quraan loogu akhriyo geeridii naxdinta lahayd ee ku timid walaalkeen Ali M. Guled – Ali Marshal.
Waxaa kulankan ka soo qayb geli doona dhammaan guddiyada laamaha uk, siyaasiyiin, aqoonyahano, odayaal, culimaa’udiin iyo kuwo magac iyo sharaf ku leh taariikhda Somaliland oo rag iyo dumarba isugu jira.
Dadka halkaa ka hadli doona waxa ka mid ah: Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Xisbiga Kulmiye Dr Mohamed Abdillahi Omar.
WAA GOORMA: Waa Sabtida 15 August 2009, 3.00 pm – 7.00 pm
WAA MEELMA: SELBY CENTRE, SELBY ROAD,
TOTTENHAM, LONDON, N17 8JL
Wixii faahfaahina kala xidhiidh
Ibrahim Hussein - 07904869990
Mukhtaar Taysa - 07946038668
Mohamed Osman – 07961270910