Ibrahim Axmed Shiine(Radio Horyaal) Oo Si Sharci daro Ah Ay U Soo Xidhatay Xaaska Daahir Riyaale Saxiibadeed

alignleft

Fadeexado Culus oo ka soo Ifbaxay Ololaha UDUB Doorashada ku Keliyeysatay

Booliska oo toos loogu adeegsaday ololaha, haweenay saaxiib la ah Huda oo xabsiga dhigtay weriye iyo qisadii dhagaxtuurka UDUB

“Naayaadaheen; ha i sheegina waxaan odhanayaa waan kufaye, waayo haddii odaygaygu ogaado inaan ololaha UDUB ku dhaawacmay guriga ayuu iga saarayaa”

Mid ka mid ah hooyooyinka ku dhaawacmay ololaha UDUB

Hargeysa (Jam)- Ololaha doorashada aan cid kale ku wehelin xisbul-xaakimka talada haya ee UDUB, ayaa u muuqda mid ay hafiyeen mowjado mucaaradad ah oo ku khasbay inuu awood u adeegsado bannaanbaxyadiisa, isla markaana cudud dawladnimo ku muquuniyo cid kasta oo ka hortimaad.

Fadeexadaha ugu culus ee ka soo ifbaxay ololihii shalay xisbiga UDUB ka sameeyey magaalada Hargeysa waxa ugu xiiso badnaa ciidammada booliska oo markii ugu horreysay xukuumaddu u adeegsatay kaambaynka, haweenay saaxiib dhow la ah marwada Madaxweynaha

daxweynaha oo xabsiga u taxaabtay weriye ka tirsan warbaahinta madaxabannaan iyo dadweynaha xaafadda Sheekh Nuur oo shiid ku toocsaday masuuliyiin iyo gaadiid UDUB watay oo xaafadooda tegay.

Tallaabooyinka gurracan ee ka soo ifbaxay ololaha UDUB waxa ka mid aha in markii ugu horreysay shalay la arkay xisbiga talada haya oo si badheedh ah ciidammada qaranka ugu adeegsanaya bannaanbaxyadii taageero-doonka iyo cabudhinta cid kasta oo diidmo kala hortimaad.

Haddaba, weriyeyaal ka tirsan Jamhuuriya oo si gaar ah ula socday dhaqdhaqaaqyada ololaha UDUB ku keliyeystay oo galay maalintiisii shanaad, ayaa soo ururiyey dhacdooyinkii ugu xiisaha badnaa ee ka soo ifbaxay ololayaasha xisbul-xaakimku shalay ka sameeyey caasimadda Hargeysa.

Ololaha taageero-doonka xisbiga UDUB, ayaa la kowsaday xilli ay dalka ka aloosan yihiin duufaanno siyaasadeed ka dhex aloosan xukuumadda Madaxweyne iyo axsaabta mucaaradka oo iyagu qaadacay ka qaybgalka doorasho aan ku salaysnayn diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo Komishanka iyo Madaxweynuhu isku raaceen in la laalo, kuna dhawaaqeen in doorashada madaxtooyada lagu galo bilaa diiwaangelin, arrintaas oo abuurtay mucaaradad xooggan oo shacbiga badankiisu kala horyimaaddaan durbaannada ololaha UDUB ku keliyeysatay.

Culaysyada mucaaradada ka horyimi ololayaasha xisbul-xaakimka iyo cadaadisyada siyaasiga ah ku jihaysan xukuumadda UDUB oo saamayn weyn ku yeeshay awoodda bannaanbaxyadooda taageero-raadiska ah, ayaa loo aanaynayaa inuu sababay fadeexado ka soo ifbaxay qorshaha ololaha, waxana markii ugu horreysay shalay la arkay ciidammada Gurmadka Booliska (SPU) oo si khaas ah ugu adeegaya isu soo bax masuuliyiinta UDUB kula hadlayeen dadweynaha ku dhaqan xaafadda Xawaadle ee magaalada Hargeysa oo hore xisbigu ugala kulmay diidmo iyo dhagaxtuur dadku kala hortageen ololihiisa doorashada.

Ciidammada booliska oo watay laba baabuur oo kuwa gurmadka ah, ayaa dusha ka ilaalinayey masuuliyiin ka tirsan xisbiga UDUB oo garoonka Xawaadle kula hadlayey taageerayaashooda xaafaddaas oo u badnaa carruur iyo dumar tiradoodu ku dhoweyd ilaa 200 qof.

Arrintaas ayaa ah foolxumo weyn oo meel-ka-dhac ku ah tartanka doorashooyinka, iyada oo ay xaaraan tahay in ciidammada iyo hantida qaranka xisbi gaar ugu adeegsado ololayaashiisa siyaasadeed.

Dhinaca kale, weriye ka tirsan Jamhuuriya ayaa gelinkii hore ee shalay kula kulmay Cubitaalka Guud ee Hargeysa koox ka mid ah hoggaamiyeyaasha ololaha UDUB oo laba baabuur oo makarafoon ku rakiban yihiin ku gelbinayey haweenay kooxdaas ka tirsanayd oo dhaawac ka soo gaadhay dhagaxtuur ay kala horyimaaddeen dadweynaha ku dhaqan xaafadda Sheekh Nuur ee caasimadda Hargeysa, haweenaydaas oo la sheegay inay ahayd guddoomiye urur ka dhisan xaafadaas oo taageera xisbiga UDUB.

Weriyaha oo qaybta sawirka Cusbitaalka kula sheekaystay qaar ka mid ah kooxda UDUB ee la socday haweenayda oo ahayd hooyo waayeel ah wax ka qabtay gacanta, ayaa u sheegtay in gabadhani ku dhaawacantay dhagaxtuur rabashado watay oo dhallinyarada xaafadda Aw Aadan ku weerareen goob ay dadweynaha kala hadlayeen, sidoo kalena khasaare u geysteen qaar ka mid ah gaadiidka ka qaybgalayey ololaha UDUB.

“Naayaadaheen; ha i sheegina waxaan odhanayaa waan kufaye, waayo haddii odaygaygu ogaado inaan ololaha UDUB ku dhaawacmay guriga ayuu iga saarayaa.” Sidaa waxa ku calaacashay hooyada ku dhaawacaantay dhagaxtuurka xaafadda Aw Aadan oo hoos ula xanshaqaysay haweenka saaxiibadeeda UDUB ah oo u sii gelbinayey dhinaca qolka sawirka lafaha ee cusbitaalka.

Dhacdada ugu yaabka badan ee ku lammaanayd ololaha sii shiiqaya ee UDUB, ayaa ahayd awood-sheegasho iyo aargoosi aan gabbasho lahayn oo mid ka mid ah haweenka saaxiibka aadka u dhow Marwada koowaad ee Madaxweynaha ay kula kacday weriye Ibraahim Axmed (Ibraahim Shiine) oo ah tifaftiraha wararka ee wargeyska Maalmaha, sidoo kalena ka tirsan Idaacadda madaxabannaan ee Radio Horyaal, kaasoo ciidamo boolis ah oo haweenaydaasi horkacaysay shalay duhurkii xabsiga u taxaabeen xilli uu ku sugnaa xarunta Idaacadda Radio Horyaal, waxaana lagu xidhay saldhiga dhexe ee magaaladda Hargeysa.

Inkasta oo aan si rasmi ah sababta rasmiga iyo cidda bixisay amarka xadhigga suxufiga, haddana sida ilo xogogaal ahi tibaaxeen waxa tallaabadani ka dambaysay, kadib markii haweenayda Madaxtooyada ka tirsani ka cadhootay hadallo ka dhan ololaha UDUB oo weriyuhu dhegaha ugu riday.

Dhinaca kalena guddoomiyaha ololaha xisbiga UDUB Mr. Cismaan Cabdillaahi Cigaal oo Jamhuuriya wax ka waydiisay khasaaraha iyo dhibaatooyinka taageerayaashooda ka soo gaadhay mucaaradada xoogan ee ka hortimi ololaha ay ku keliyaysteen, ayaa sheegay in aanay helin warbixino sheegaya in dhibaatooyin soo gaadheen dad ka mid ah taageerayaashooda, waxaanu sheegay in su’aashaasi ku qurux badan tahay in la waydiiyo booliska, maadaama ay iyagu ku shaqo leh illaalinta ammaanka.

Xigasho/Jamhuuriya Online

Comments are closed.