Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ee Xisbiga KULMIYE oo ka Warramay Natiijada Shir uu Addis Ababa Kaga Qaybgalay

“Waxaan shirwaynaha u sheegay in aanay Somaliland ka jirin argagixiso”Waraysi khaas ah – Xoghayaha Arrimha Dibadda ee KULMIYE
“Waa nasiib darro Safiirka Mbeghati ee Itoobiya halkuu ka shaqayn lahaa sidii nabadgalyo-darrada Soomaaliya loo soo afjari lahaa wuxuu caado ka dhigtaa inuu meel walba isla taago yaan Somaliland la aqoonsan”
Shirkan oo ku soo beegmay xilli ay Geeska Afrika ka jirto nabadgalyo-darro iyo dagaallo saamayn ku yeelan kara wadammada ku yaal gobolka oo dhan ee Somaliland ka mid tahay, kaasoo daba socday shirwayne ka dhacay magaalada Belfast bishii May ee sannadkan oo laga wadahadlay sidii loogala shaqayn lahaa IGAD nabad-raadinta ammaan-darrada ka jirta Geeska Afrika.
Ugu horreyn, Dr. Maxamed Cabdillaahi oo ka xog-warramayey waxyaabihii shirkaas lagaga wadahadlay iyo natiijada socdaalkiisii dalka Itoobiya, waxa uu yidhi; “Waxa shirweynaha ka qaybgalay masuuliyiin ka socotay waddamada Geeska Afrika oo ay ka mid yihiin Safiirka cusub ee Itoobiya dhawaan u magacawday Soomaaliya Mr. Abdeta, afhayeenka Wasaaradda Arrimuhu Dibadda ee Itoobiya, Safiirkii hore ee Itoobiya u fadhiyey dalka Belguim Mr. Peter Robleh, Safiir-ku-xigeenka Kenya ee Itoobiya, Safiirka Sudaan, Safiirka dawladda Mbeghati ee Itoobiya Cabdikariim Faarax, masuuliyiin ka socday safaaradaha Maraykanka iyo Ingiriiska, wakiillo ka tirsan Ururka Midowga Afrika iyoururka IGAD. Waxa kaloo shirka ka qaybgalay Mr. Medhane Tedese oo ah khabiir ku xeel-dheer arrimaha Geeska Afrika, lana taliya dawladda Itoobiya Marwo Sally Healy oo ka tirsan Xafiiska Talobixinta Siyaasadda Dibadda ee dawladda Ingiriiska ee loo yaqaan Chatham House iyo khubaro kale.”

Dr. Maxamed Cabdillaahi oo la weydiiyey waxyaabihii kulankaas lagaga wadahadlay, waxa uu ku jawaabay; “Arrimaha laga hadlay waxuu ugu waawaynaa dagaallada ka socda Geeska Afrika sida Suudan, colaadda siyaasadeed ee u dhexaysa Itoobiya iyo Eritriya, iskahorimaadka Itoobiya iyo Isbahaysiga Dib-u-xoraynta Soomaaliya, qaddiyadda Somaliland iyo Koonfurta Suudaan iyo la-dagaallanka argagixisada, waxana arrimaha intooda badan laga soo jeediyey afkaaro xal abuuri kara oo noqon doona qodobadda la hordhigi doono shirka madaxda IGAD ee ugu soo horreeyey iyo fadhiyada ururka Midowga Afrika.”
Mar la uu ka jawaabayey warar sheegaya in safiirka dawladda Mbeghati ka cadhooday shirka markii lagu gudo-jiray qodob qaddiyadda Somaliland lagaga hadlayey, waxa uu ku jawaabay; “Waa nasiib-darro in Safiirka TFG-du halkuu ka shaqayn lahaa sidii nabadgalyo-darrada Soomaaliya loo soo afjari lahaa inuu caado ka dhigto inuu meel walba isla taago yaan Somaliland la aqoonsan. Haa, way jirtay oo anigoo shirwaynaha u soo jeedinaya horumarka siyaasadeed ee Somaliland iyo qorshaheeda nabadeed iyo iskaashi ee ku jihaysan mandaqadda Geeska Afrika ayuu safiirka TFG du damcay inuu hadal dhexgal ah (objection) soo jeediyo, kadibna waxa safiirka hadalka ka joojiyay shirguddoonka, arrintaas oo keentay inuu cadhoodo oo aannu shirka kuba soo noqon gelinkii dambe ee maalintaas.”
Isagoo ka hadlayey kulamo gaar ah oo uu la yeeshay masuuliyiin kale intii uu joogay Itoobiya wuxuu xaghayaha Arrimha Dibadda ee KULMIYE yidhi; “Waxaan kulamo gaar ah la yeeshay ku-xigeenka Safiirka Ingiriiska ee Itoobiya, qaabilsanna arrimaha Somaliland Mudane John Marshall. Waxaan kale oo kulamo gaar-gaar ah aan la yeeshay masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya oo ay ka mid yihiin Afhayeenka Wasaaradda, saraakiil ka tirsan ururka Midowga Afrika iyo la-taliyayaal kale, waxayna kulamadani ahaayeen qaar ku saabsan doorka Somaliland ay ka geli karto wadatashiyada arrimaha nabadgalyo-xumada ah ee ka jira gobolka, iyadoo ay barbar socoto halganka Somaliland ugu jirto helitaanka aqoonsi siyaasadeed.”
“Waxaan shirwaynaha u sheegay in aanay Somaliland ka jirin argagixiso iyo cid taageersanba, shacabka Soomalilandna ay yihiin kuwa jecel nabad ku-wada-noolaanshaha jaarka.
Waxa kale oo aan shirwaynaha uga warramay siday Somaliland uga go’an tahay in doorashooyinka soo socdaa ay dhacaan wakhtiga loo qabtay, si nabadgalyo iyo caddaalad ahna ku dhacaan. Waxay diblomaasiin badani oo joogta magaalada Addis Ababa ii sheegeen in horumarka Soomaliland ku tallaabsatay yahay mid muuqda oo aan indhaha laga qarsan karin, loona baahan yahay in laga ilaaliyo wixii waxyeelaya, iminkana adduunku isha ku hayo doorashooyinka soo socda ee Somaliland,” ayuu Xoghayuhu hadalkiisa ku soo gunaanaday.