Shirweynihii Xisbiga UDUB Miyaa La Laalay, Kii UCID se ……. ! Waa Maqaal Uu Qoray Muse Axmed Xashi ( Muse Gacan )

Shirweynihii Xisbiga UDUB Miyaa La Laalay, Kii UCID se ……. !


Xisbiga UDUB iyo ucid oo ah iyana laan yar oo ka mid laamaha xisbiga UDUB ayaa maalmahan u dambeeyay isku hawlay inay ka faa’idaystaan wada hadaladii turxaan saarka ahaa ee xisbiga Kulmiye. Waxaa wax lagu qoslo ah marka Dahir Riyale Kahin oo madaxtinimadii dalka ku guuldaraystay, xisbigiisiina shirweyne u qaban kari waayay ay leeyihiin aanu heshiisiino xisbigii Kulmiyaa is haystee !

Waxaa kale oo wax lagu sii qoslo iyana ah marka Faysal Cali Waraabe oo laga maamulo guriga Dahir Riyale kahin uu yidhi waxaan heshiisiinayaa isna xisbiga Kulmiye oo is haysta. Hadaba su’aashu waxay tahay Kulmiye miyuu is haystaa mise way wada hadlayaan , maxaa se idinka kuseeya wada hadalka xisbi kale u socda inaad fara galisaan idinkoo tiinii kala qubantahay xisbiyadiiniina shirweyne u qaban kari waayay?

Jawaabtu waxay tahay ninkaad kabo ka tolanayso bal hada kabihiisa hoos u eeg marka hore ! UDUB goormay shirweyne qabsanaysaa horta, haday shirweyne se qabsan kari waydo shuruudihii xisbinimada siday u buuxinaysaa mise waxaa ka dhab ah hadalkii guulwadaysnaa ee xohayahooda guud yidhi madaxweynaha waxaa naga mamnuuc ah in cidi islaba soo sharaxdo. Xisbiga UDUB se ma ka madaxbannaanyahay xukuumada Riyale marka hore mise Dahir Riyale iyo xukuumadiisa un baa ah xisbigii UDUB ? Xisbiga UDUB ha iska ilaawo Kulmiye iyo arimihiisa balse WALLE hawl baa sugaysaa dabool lagu hayay oo aanay ka dabaalan doonin. Waxba yaanan ka sii hordhicin boqolka garab ee UDUB u qaybsami doonto waa se soo dhowdahay.

ucid , halkay iyaguna shirweyne ku qabsadeen ayaa iyana su’aal kale noqnaysa. Mala waxaa ka sal ah ucid laba sanadood shirkii yaraa ee aan 100 qof ahayn ee Faysal dhowrka qurba jooga ah isugu yeedhay inuu ahaa shirweynihii UCID ? mise waraysigii Faysal ku yidhi UCID ba aniga iska leh waligayna ka dhici maayo intaan noolahay ee u dambeeyay ayaa ka sal ah ! UCID waxaa iska leh Faysal siduu isba waraysigsii ku cadeeyay , hadaba Faysal Cali Waraabe ha ogaado in xisbiga Kulmiye yahay xisbi qaran oo taladiisa iyo siyaasadiisa ay gole dhexe iyo gole fulineed ka wada doodaan halka uu isagu Ucid jeebka sare ku sito !

Xisbiga Kulmiye waa xisbi qaran oo nidaam iyo xeer lagu kala baxaa u qoran yahay waana ka lagu kala bixi doono, mase aha xisbi guulwadayaal iyo NSS isku kaashadeen sidii kii hanti wadaaga Siyaad Bare mana aha xisbi shakhsi leeyahay oo maalinna SNM iyo mujaahidiintii shahiiday ku gafa maalina beel ku gafa maalina qaranka ku gafa afkiisiina aan la ilaalin karin !

Muse Axmed Xashi( Muse Gacan)

Columbus, Ohio

Comments are closed.