Axsaabta Mucaaradka oo jawaab ka bixiyay baaqa wada-hadal ee Madaxweyne Rayaal

http://4.bp.blogspot.com/_T6L26AUHtHs/R2HJn1M9q-I/AAAAAAAAANo/1ayKKb09BxY/s320/kulmiye+logo.gifhttp://1.bp.blogspot.com/_T6L26AUHtHs/R1q2ml7isxI/AAAAAAAAAGQ/qyUyoh-0F_I/s320/ucid+logo.jpg

Hargeysa (Somaliland.Org)- Labada Xisbi Mucaarad ayaa jawaab ka bixiyay baaq ka soo yeedhay Madaxweyne Rayaale oo ku saabsanaa in ay wada-hadal isugu yimaadaan saddexda Guddoomiye Xisbi.

Warsaxaafadeed ay wada-jir u soo saareen labada Guddoomiye Xisbi ee UCID iyo KULMIYE Faysal Cali Waraabe iyo Axmed Maxamed (Siilaanyo) oo arrintan ku saabsan ayaa wuxuu u dhignaa sidan;

“KU: MUDANE, DAAHIR RAYAALE KAAHIN

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA SOMALILAND

UJEEDO: JAWAAB CELIN

Mudane,

Annagoo tixraacayna warqadaada summadeedu ahayd JSL/M/XISMD-001/082009, waxaad naga guddoontaa salaam sharaf leh.

Marxalada  siyaasadeed ee qalafsan ee dalkeenu maanta maraayo, waxaanu aaminsanahay in adiga iyo xubno ka mid ah Komishanka doorashooyinka Qaranku aad mas’uuliyadeeda leedihiin:-

1-Ka dib markii aad ka talaabsateen sharciyadii dalka ee Qaranimada Ummaddu ku taagneyd.

2-ka dib markii aad baalmarteen hab-dhaqankii suubanaa ee ummadda Somaliland ay ku soo caano maashay ee ahayd wada hadal, wada tashi iyo isutanaasul .

3-Ka dib markii aad waxba kama jiraan ka dhigteen diiwaangelintii codbixiyayaasha, taasoo dedaal iyo dhaqaale mug leh kaga baxay ummaddeena iyo bulshada caalamka ee daneeya geedi-socodka dimuqraadiyada Somaliland, iyadoo laf dhabar u ah doorasho XOR iyo XALAAL ah.

5-ka dib markii aad dhaawacdeen xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee aynu la lahayn bulshada caalamka, rajada ictiraafkeenana waxtarka u lahayd.

Sidaas darteed, iyagoo labada Xisbi (UCID iyo KULMIYE) mabaadii’dooda aasaasiga ah ay saldhig u tahay wada-hadal iyo wada-tashi in lagu dhammeeyo khilaaf kastoo jira, marar badana muujiyeen dulqaad siyaasadeed iyo tanaasul, haddana, aaminsan inay waajib tahay in si dhab ah loogu fekero danta guud ee dalka, labada Xisbi waxay soo dhaweynayaan wada-hadalka iyo wada-tashiga aad soo jeedisay.

Mudane Madaxweyne, Waxaanu si sharaf leh kaaga codsanaynaa inaad marka hore ku soo noqotid xayndaabkii sharciyadeed, kana noqotid go’aankii aad adiga iyo xubno ka mid ah Komishanku keligiin ku laasheen natiijadii diiwaangelinta codbixiyayaasha, aqbashidna go’aankii Golaha xeer-dejinta (Wakiillada), ka dibna laysugu yimaado wada-tashi.

Somaliland.Org

Comments are closed.