KHAA’INKA, MUNAAFAQA IYO TUUGU MAXAY WADAAGAAN? by Ahmed Arwo (Samotalis)
Axmed Carwo
Waxa halkan khiyaamadu ay si toos ah ugu xidhmaysa munaaqnimada oo la wadaagta khiyaamada sifooyin badan. Waxaynu xusuusanaa xadiiska sharifka ee Rasuulkeenu ku sheegay calamadaha munaafaqa oo kal ah:
1- Hadduu sheekeeyo been ayuu sheegaa
2- Hadduu balan qaado ma oofiyo
3- Haddii la aamino wuu khiyaameeyaa.
Miyuu iloobay xikmaddii ahayd dadka qaar marwalba waad qaldi kartaa, qaarna marar ayaad qaldki kartaa, dadkoo dhan se mar walba ma qaldi kartid. Kolba inbaa ceebtaadu u muuqanaysaa, ilaa aad weydo maro ku isturta iyo geed aad ku gabato
Ma ila wadaagtaa in dalkeena manta munaafaqnimadu lahayn ceebtii ay lahaan jirtay, oo looba fasalay reer-magaalnimo, iyo xirfad dadka qaar ku faanaan. Subxaanalaa! Ma ila aqoonsatay arrintan, markaad aragto rag waaweyn oo si hawl yar isku eedeynaaya muunaafaqad oo qosal raacinaaya. Waxa cad in khiyaamadii iyo munaafadhadii ceebtii laga maydhay. Inteed maqashay ” Siyaasaddu waa munaafaqnimo”… oo madaxada aynu talada u dhiibanaa waa siyaasiyiine, ma munaafaqiinbay inaga gayaan. Ummad madaxdeeda sidan ku sifaysa, iyo ummad ceebtii cuslayd ee aadmi lagu odhan lahaa u aragtay xirfad iyo fariidnimo, siday u heli doontaa bulsho cadaalad ku dhaqanta, iyo dawlad sharcigu xakameeyo
Xaasha siyaasaddu ka fog munaafaqad, siyaasaddu waa maamulka dadka, waa dad-wadeen, waa aqoon bulsho, waa surtagelinta ikhtiyaarka ugu habboon ee bulsho ku noolaan karto. Waa danta guud oo loo helo farsamo lagu hanto. Siyaasiintu waxay inaga mudan yihiin ixtiraam iyo maamuus. Iskuma jiraan oo sida xirfadaha kale ayey leeyihiin mid xun oo munaafaqa u dhow, iyo mid san oo ah hoggaanka aynu u baahanay. Kolka madaxda la ixtiraamo, loona garto inta inoogu mudan, ayeynu helaynaa dawlad inoo shaqaysa, een inaga shaqaysan, madax inoo naxda, een inagu kibrin, dawlad sharcigu hago oo uu xakameeyo, een noqon mid afkeedu sharci yahay, dawlad tuuga iyo daalinka inaga qabata, een iyaga u gargaarin.
Waxaas oo dhan waxa lagu helayaa kolka khiyaamada iyo munaafaqada halkay lahaayeen lagu celiyo. Loo arko dambe if iyo aakhiro seeg ah, cidda ku shaqaysataana noqoto tuke baal cad. Ka fagow kuu sheekeeye, kaa sheekeeya. Laba aflaha ka durug, ninka qoriga dabka leh la wareegaaya, ee hadalada xun u kala geynaaya bulshada, si uu ku furfuro midnimadeena oo uu u helo kooxo uu midba meel ku xidho, deedna midba uu maalin ka soo qadhiidho gasiin afka u macaan, uurka se u xun.
Kolkaan kala shakino, kolkaan indho la’aan u dabo galno nin magac reer aan wadaagno, kolkaan nin muumin ah u naco reernimo, kolkaan aakhiradayda siisto dhadhamo maalmeed, kolkaan u hiiliyo xumaanta, kolkaan ku durduriyo danyarta, kolkaan munaafaq, muumin ka doorto, kolkaan nin aan kubkiisa weyso marin wadaad ku sheego, kolkaan riyo sheydaanka rumeysto, kolkaan quraanka aan akhristo qalbiga se aanan u daadajin, kolkaan salaada masaajid aanan ka habsaamin een haddana xumaan iyo faaxisho qasto, kolkaan soonka ku aforo xaaran, carbaku ahaado mid xan iyo ceeb subciya, dhegahuna noqdaan dar ku raaxeesta miisig, been iyo ceeb islaam… miyey tahay inaan doono wanaag iyo bulsho nabad, cadaalad, iyo horumar tiigsanaysaa. Miyey tahay inaan helo hoggaan toosan iyo xukun suuban.
Dadweynow toosi naftaada, taada hagaaji, diid xumaanta, u hiili xaqa, u gargaar daacadda, dayri daalinka, shakiga ka bax, hammigaaga hagaaji, niyadaada maydh, tolkaa u hiili marka laga gardaran yahay, kolka ay gar daran yihiina u hiili oo xaqa ku soo dabaal. Waa sunihii Rasuulka SCW ee ka dhigo cado iyo dhaqan.
Saamaxa iyo dulqaadka aan ogaano mar walba gaar ahaan bishan barakaysan ee Ramadaan.Aan isa saamaxno, aan noqono kuwa la xumeeyo, ee waliba iyagu wanaaga la yimaada. Geesi waxa ah, ninka nin xumeeyey wanaajiya, bal se u sheega xumaantiisa. Nacasnimo waxay tahay ninka maalin walba ag jooga kan xumeeya, een xataa dareensiin xumaanta uu ku hayo. Xusuuso ninka laba jeer meel laga wada qaniina, inagama tirsana.
Ninkaad shaqo u dhiibtay, la xisaabtan, una dul qaado, qaladkiisa tus, hadduu joogsan waayo, ka tasho. Adiguu kuu shaqeeya, ee sidaad u qortay shaqada uga qaad. Waa tubta lagu helaayo hawlwadeeno hawlkarnimo iyo dacaad leh. Markaad taas yeesho, kan maantana aad saxdo, kan soo socdana waa u digniin.
Waa talo guud, ninna gaar diiradda ugama hayo, waa qalad meelo badan yaala. Ciddii iska dhex aragtaa, yeyna ii qaadan nin keli ula baxay. Ee waa iga waano dhammaan inagu socota. Ogow qalad iyo dambi aadmibaynu u nahay, oo ma jiro qof ka maydhani, ee aan isa saxno, oon toobad keeno. Nolashuna sideedaba waa geedi ee aan u sahay qaadano lama huraanka. Dambi inoo daa’ ee waxa leys dheeryahay waa toobadda iyo dareenka ka soo noqaoshada. ILLAAHAY TOOBADDA HAYNA WAAFAJIYO. AAMIIN.
Wa Ramadaaan Kariim
Ahmed Arwo
Cardiff, U.K
Samotalis@gmail.com