Mahadnaq Mudane CabdiCasiis Samaale “Aduunyada Weli Rag Baa Nool”

Umada xalaasha ah ee reer Somaliland meel kasta oo ay joogto waan salaamayaa. Waxaan Illaaahay inooga baryayaa in uu inaga badbaadiyo mowjadaha cakiran ee ka jira dalkii hooyo wakhtigan xaadirka ah. Waxaanan Illaahay inooga baryayaa in uu caqligii saliimka ahaa ee Somaliland halkaa ku soo gaadhay in aanu inaga gudhin ama inaga dhamaan. Waxa maanta cadaatey in ay weli joogaan Somaliland rag Qaranku kala weyn yahay qabiilka, xisibiga, iyo ashkhaasta ay isku mabda’a yihiinba. “Aduunyada Weli Rag Baa Nool”. Illeeyn cariga weli waxa ku nool, rag hanjabaadii Qaar ka mid ah goloha wasiirada Somaliland aanay ka saarin bahdii.
Waxaana markhaati taas ka ah, warsaxaafadeedkii ugu danbeeyey ee uu qabtay Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Somaliland Mudane Cabdicasiis Samaale. “Ruug Cadaadigii Soo Rogaal Celi”. Waxaan u mahadnaqayaa Illaaha Weyn Ee Waaxidka ah ee garansiiyey Mudane CabdiCasiis Samaale in uu runta ka sheego khilaafaadka maanta ka jira dalkii hooyo. Waxa kale oo aan isna Mahadnaq u soo jeedinayaa Mudane CabdiCasiis oo muujiyey aqoon cilmi diineed iyo mid kaleba. Waxa kale oo uu Mudane Samaale muujiyey kalyo, raganimo, aftahanimo iyo in aanu ka baqayn cidna, isaga oo og in xukunka hada ka jira Somaliland in uu yahay xukun seetadii goostay oo aan ogolayn in runta loo sheego. Laakiin hadii maamulka hada jiraa wax ku qaadanayo, waxa hubaal ah in aanu Mudane CabdiCasiis Samaale waxba ka tegin hadii ay wax ku qaadanayaan. Waxana wanaagsan in qofka marka uu wanaag ku hadlayo oo waxa uu ka hadlayaa tahay dan Qaran in lagu taageero, xataa hadii aad mabda’a siyaasadeed aad ku kala gedisan tihiin. Aniga oo taageera xisbiga talada haya ee UDUB, waxa aan ku raacsanahay hadalada xalaasha ah ee uu ku hadlay Mudane CabdiCasiis Samaale, isaga oo ka soo jeeda xisbiga Kulmiye oo aanu siyaasad ahaan ku kala gedisanay, laakiin danta guud ee naga dhaxaysaa ay ka weyn tahay ta gaarka ah ee aanu kala jiidanayno taageerayaasha labada xisbi qaran.
Waxa haboon in rag badan oo ku jira xisbiga talada haya ee UDUB in ay casharo ka qaataan Mudane CabdiCasiis Samaale iyo hadaladiisii maanta. Waa in ay kala gartaan xiliga wax kala jiidashadu furan tahay iyo xiliga kalaguurka ee ragu kala baxo, Qaranka oo loo hiiliyaana ka muhiimsan tahay shaqsiga, xisbiga, reerka, iwm. Waa in ay xasuustaan dhaartii ay u dhaarteen Qaranka Somaliland. Bari kamaalin waxa dhici karta hadii doorasho dhacdo in aan u codeeyo xisbiga talada haya ee UDUB, laakiin khaladka uu ku socdo Madaxweyne Riyaale maaha mid loo dulqaadan karo. Waa hadii Qaranimada Somaliland inaga dhab tahay. Madaxweyne laga fiican hadalaada ku soo wada urura “ANIGA”. Somali baa hore ugu maahmaahday “Nin Isfaanshay Waa Ri Isnuugtay”. Aniga mooyee cidkale majirto waxay ka soconweyday Fircoon, Siyaad, Bukaase, Mingiste, iwm.
Taageerayaasha UDUB hadii aanay caanaha iyo biyaha isku qasayn oo Xaqa iyo Xaqdaradu iskaga keen dhex milmin, waxa haboon in aan qabano madaxdeena inta aanay gaadhin meeldheer oo wax lagala kulmi aynaan garanayn.
Waxa layidhi “Walaalkaa Laba Goorba U Hiili; Marka Uu Gardaran Yahay Qabo, Marka Laga Gardaran Yahayna Wax Ka Celi”. Waxa aan ka codsanayaa inta UDUB ta dhabta ah ee aan dhuuniga uula socon UDUB in ay maanta haboon tahay in ay u hiiliyaan xisbigooda, oo waxa ay uugu hiilinayaan tahay runta oo loo sheego Madaxda Qaranka iyo taageerayaasha xisbiga labadaba. UDUB kaligeed doorasho ma geli karto. UDUB sharciga dalka kama weyna. UDUB iyo Madaxda Qarankaba waxa awooda ay isticmaalayaan siiyey sharciga dalka u yaal, sharciga dalka in lagu dhaqmana muwaadin kasta dantiisa ayaa ku jirta. Hadii ay diidaan in ay ku dhaqmaan sharciga u yaal Somaliland, macnaheedu waxay ka dhigan tahay, waxa aad imoodaysaan ma ihi ee idina ha ii hogaansamina. Waa kaalay isdilee iyo foodo dalka laga dhex abuurayo. Taas na Somaliland iyo shicibkeeda xalaasha ah midna ma qabato.
Waxa isna mudan amaan Mudane Dhaadheere oo ah xildhibaan ka soo baxay xisbiga UDUB oo taageeray go’aankii Golaha Wakiilada. Wuu ku mahdsan yahay Mudane Dhaadheere in uu DANTII QARANKA ka soo hormariyey danta xisbiga iyo ta shaqsigaba. Taariikhdu wey qori ninka danaysanaya iyo ka u hiilinaya Qaranka Somaliland. Dhuuniraac iyo Dhaameel u riyaaqahu ha ogaadaan in dalkan iyo dadkani la socdaan falalka ay maleegayaan. Xisaab if iyo mid aakhirana waa u danbaysaa “Ninka Dhuumanaayee Dhabarku Muuqdoow Waa Lagu Arkaa”.
Ciidamada Somaliland iyo Booliska Somaliland ha ka faa’iidaystaan kuwii ka horeeye iyo wixii halaagay. Shaqsi loo adeego oo shicib lagu muqiiniyo Afweyne ayey ka socon lahayd. Shicibka la idinleeyahay u soo cagajugleeya waa shicibkiina idinsiiyay sharafta iyo mudaanta aad kaga duwantihiin qofka shicibka ah ee qoriga sita. Yaan idinka iyo shicibkiina la idinkala dilin. Hadii aad diidaan talada ay idiin soo jeedinayaan dad badan oo ka mid ah umada Somaliland, waxaad ogaataa in guri kasta qori yaalo. Samirka umaduna in uu xad iyo xuduud lee yahay ogaada, oo hadii aad u qaadateen fulaynimo ixtiraamka la ixtiraamayo unifoomka aad xidhan tihiin, waxaad ogaataan in ay xigi idinka oo ka carara unifoomka aad xidhan tihiin, oo dharshicib xidha si aan uga badbaadaan kacdoonka shicibka. Mudo ka yar 20 sano ayaa ka danbaysay markay kuwii ku jirey ciidanka ugu xooga weyn Afrikada Madoow, ay ka yaaceen Hargeysa, Burco, Berber, Boorama, iwm. Kuwii ka eryeyna weli wey joogaan Somaliland.
Haka waantoobaan wasiirada ay ka midka yihiin Cawil, Sulub iyo Warancade dhibta ay rabaan in ay ka dhexridaan beelaha Illaahay ku wada beeray Somaliland. Waxa isna dhibtaa la wadaaga ninka haysta sirdoonka Somaliland oo shaqsi layska dhiso iyo cid la marxabaysiiyaa kala weynaatay umada nabadeeda in uu illaaliyo masuulka looga dhigay. Hadii aad ku tartamaysaan kiinee ugu Moorgan san, si aad iskaga dhistaan Madaxweynaha hada talada haya ee Mudane Riyaale; waxa aad ogaataan in dadku wada Lixle, Shiine, Dayib Gurey, Koodbuur, Mooge, Koosaar, Habane, iyo Halyayo badan oo hoyday in ay wada yihiin, oo hadii ay soo taabtaan gidaarka aad ku sii wadaan in ay karaan in dariiqii Moorgan, Afweyne, Gaani, iwm hore u mareen in ay idin mariyaan mid la mid ah. Dawlada waa shicib; haku qasbina shicibka Somaliland in ay idinkala noqdaan kalsoonidii ay hore idiin siiyeen. Hadii aad ku saaqideen xilkii la idiin igmaday, waxa wanaagsan in aad yeelataan kalyaheedii aad ku qirilahaydeen in aad ku fashilanteen xilkii oo taladii iyo xilkii ku soo celisaan kuwii idindoortay shalay ka maalin.
Kuwo ka mid ah xisbigayga UDUB oo isku deyi doona in ay u jawaabaan Mudane CabdiCasiis Samaale iyo Mudane Dhaadheere waxaan kula talin lahaa “Waxaad Weleftoon Wed Kaa Helin Kawaantoobay Waa Wax Loo Noqon”.
Waxaan ku soo gunaanadayaa qormadan yar ee kooban tallo ku wejehan Odayaasha Saleebaan Gaal, Xaaji Cabdi Waraabe, iyo Goloha Guurtida oo aan lee yahay Qaranka Qadariya oo Guurtidii layiqiin noqda maanta, dalka iyo dadka ayaa idiin baahane guta xilkii iyo waajibaadkii la idiin igmaday, waa hadii in yar oo damiir ahi weli idinku hadhay. “Tallada Adigaa Ku Nool Ee Iyadu Kuguma Noola”.
Illaahay Ha Ka Badbaadiyo Somaliland Dabaylaha Siyaasadeed Ee Hada Aan Ku Dhexjiro.
Salaamu Aleekum;
Sharmaarke Y. Muxumed
UDUB North America