Amar Rayaale ku Bixiyey in Xoog Lagu Horjoogsado Isu-soo-baxyada Mucaaradku ku Baaqeen

http://farm3.static.flickr.com/2023/2373004529_52402d7867.jpg?v=0“Madaxweynuhu amar buu ku bixiyey in xoog lagu horjoogsado isu-soo-baxyada labada xisbi mucaarad ugu baaqeen dadweynaha; cidda ugu horreysa ee xabbadda lala beegsanayaa waa annaga”

Muj. Maxamed Kaahin Axmed

Hargeysa (Jam)- Afhayeenka xisbiga mucaaradka ee KULMIYE Mr. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa daboolka ka qaaday in Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin amar buuxa ku bixiyey in ciidammada ammaanku xoog kaga hortagaan isu-soo-baxyada dadweyne ee labada xisbi mucaarad ugu baaqeen taageerayaashooda Salaasadda berri.

Mujahaahid Kaahin oo ka hadlayey xaflad ballaadhan oo xisbiga KULMIYE ugu sameeyey huteelka Hadhwanaag ee magaalada Hargeysa taageerayaal ka soo wareegay xisbul-xaakimka UDUB, waxa uu sharraxaad ka bixiyey murugga siyaasadeed ee xilligan Somaliland madaxa la gashay iyo xalka keliya ee lagaga gudbi karo oo uu ku tilmaamay wadahal, wadatashi, isu-tanaasul iyo shuruucda dalka oo la ixtiraamo.

“Waxaan idiin sheegayaa Madaxweynuhu amar buu ku bixiyey in xoog lagu horjoogsado isu-soo-baxyada labada xisbi mucaarad ugu baaqeen dadweynaha; cidda ugu horreysa ee xabbadda lala beegsanayaa waa annaga [madaxda axsaabta], laakiin hanjabaad, cagajuglayn iyo cabudhin toona uga joogsan mayno hadafkayaga, taageerayaasha labada xisbina waxaan leeyahay waa inoo Salaasada, waxaanan leeyahay hashaan geedda weynoow libaax uga gabboon waayey, inaan gorayo-cawl uga tagaa waa hal soo gudhay,” ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed.

Ugu horreyn, Afhayeenka KULMIYE oo faahfaahin ka bixinayey xaaladda waqtigan dalka ka aloosan iyo mowqifka xisbigoodu ka taagan yahay furdaaminteeda waxa uu yidhi; “Dalkan Somaliland 1991-kii burburkii dawladdii kalitaliska ahayd markii ay dhacday halgankii SNM sabab u ahaayeen waa waxa aynu kaga duwan nahay Soomaaliya intii kale oo aynu isku dhaqan nahay, kamana sharaf badnin ee aasaaskii nabaddii SNM hormuud ka ahayd ayaa dhalisay dawladnimadaas oo kaga badbaaday masiibooyinka dalka Soomaaliya halakeeyay.

Madaxwayne Daahir Rayaale iyo xukuumadiisu waxay ka tallaabsatay axdi-qarameedkii lagu soo sameeyay Boorama iyo Burco ayaa maanta la burburinayaa, taasna sidiqi mayno oo dhaqankeena ayay inan gumeednimo ku tahay.

Maalintii dhoweyd ee Madaxweyne Rayaale hadlayey wuxuu yidhi, ‘Guddoomiyayaasha Baarlamaanku waxba maaha, golayaasha iyo nimanka mucaaridka sheegaynaa riyadoodu waa been, aniga ayaa taliyihii ciidanka ah, anigaa Madaxwayne ah intaas ayuu isdaba-dhigay.’

Haddaba, maanta waxa la burburinayaa distoorkii iyo shuruucdii dalkani lahaa. Waxa kale oo la burburinayaa nidaamkii dawladnimo ee aynu distoorka u samaynay. Madaxwaynuhu waxa uu madax ka yahay hay’adda fulinta, Guurtida iyo Wakiilladuna waa sharci-dejin iyo hay’adda garsoorka. Dawladdeenu saddexdaa dhadhaar ayey ka kooban oo mid walba ka kale ka

madaxbanaan yahay; sharci-dejintu waxay soo saarto ayuu ku khasban yahay inuu fuliyo Madaxwaynuhu.

Shalay [Sabtidii] waad ogtihiin waxa Baarlamaanka ka dhacay taagiyo ayuun baan la keenin; taliyihii Bilayska, taliyihii qaybta iyo gaadhigii maxaabiista lagu qaadaayey ayaa la horkeenay. Xasaanadda dawladda Madaxwaynaha ayaa u sarreeya, waxana ku xiga Guddoomiyaha Golaha Guurtida.”

Mar uu ka hadlayey arrimaha doorashooyinka iyo muranka diiwaangelinta codbixiyeyaasha waxa uu yidhi; “Arrinka tirokoobka layskuma diidana, diiwaangelintana qoladii lagu khasbayey KULMIYE ayey ahayd, laakiin Madaxwayne Rayaale iyo xukuumaddiisu waxay ka boodeen nidaamkii Somaliland, waxayna u guureen meel aynaan garanayn oo malaha uu tago oo aan lahayn xisbiyo, dimoqraadiyad oo aan jaraa’id laga aqoon. Arrinka aan idin sheegayaa waxa weeye maanta laga hadli maayo xisbiyo tartama oo doorasho gala.

Waxaan hadalkayga ku soo ururinayaa 18 sanno waxaynu u soo soconay ee adduunyadu innaga caawinaysay oo doorashooyinka iyo tirokoobka gacanta innaga siin jiray ayaa la leeyahay waa tuug. Bal waxaad daawataan idaacadda Radio Hargeysa iyo TV-ga UDUB waxa ka socotay gaalo ayaa na qabsatay. Madaxwayne Rayaale iyo xukuumaddiisu waxay afkooda ka yidhaahdeen ajnebiga iska celiya.

Maalintii dhawayd oo ay garnaqsadeen qaadhaan-bixiyayaaashu labadii sanno ee u dambeeyay waxay Somaliland ku caawiyeen lacag gaadhaysa 170 milyan oo Euro (boqol iyo toddobaatan milyan), una dhiganta $ 250 milyan oo dollar (laba boqol iyo konton milyan). Miisaaniyadda Madaxwaynuhu dalka u soo saaro waa boqol iyo lixdan malyan oo doollar, inta kale isaga iyo wasiiradiisa ayaa jeebada ku shubta.”

Mujaahid Maxamed Kaahin waxa uu dhaliil kulul u xambaariyey Madaxweyne Rayaale iyo xukuumaddiisa oo uu sheegay in ay ka weecatay hannaankii Somaliland ku soo dhisantay, “Sidaa awgeed, waxaan leeyahay sheekadu tirokoob maaha oo waa taa Baarlamaanada ciidanka la gaynayo ciyaar maaha, talo-wadaagii xukuumaddu diiday ciyaar maaha. Rayaale iyo xukuumaddiisu waxay ka digarogatay nidaamkii iyo dastuurkii Somaliland, colaad baa dalka laga abuurayaa; wasiiro la shiro oo kolba la yidhaahdo Saleebaan-gaal hala iga khaarajiyo. Faysal Cali-waraabe inankii yaraa ee xabbadda dhafoorka ka saaray markii uu taliyihii qabtay Gabilay qabsaday waa la beddelay, ciidankii rasaasta ku riday KULMIYE waa la garanayaa,” ayuu yidhi Afhayeenka KULMIYE.

Isu-soo-baxa Taageerayaasha Mucaaradku u Ballansan Yihiin Salaasada Berri iyo Hanjabaadda Xukuumadda Rayaale

“Dadka waxaanu doonaynaa inaanu uga digno mudaharaadkaasi ay Mucaaridku ku baaqeen oo ah mid sharci-darro ah”

Wasiirka Arrimaha Gudaha

Hargeysa (Jam)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka digtay isu soo baxyada labada xisbi mucaarad ee KULMIYE iyo UCID sida wadajirka ah ugu baaqeen Salaasada berri, kaas oo ay sheegtay inuu sharci-darro lagu waxyeellaynayo nabadgelyada dalka yahay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro) oo gelinkii dambe ee shalay shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, ayaa ku tilmaamay isu soo baxyada xisbiyada mucaaradka ahi ugu baaqeen taageerayaashooda mid sharci-darro ah, isla markaana ay ku jirto hanjabaad u muuqata in nabadgelyada lagu waxyeelaynayo.

Md. Cabdillaahi Cirro waxa uu ku dooday in aan isu-soo-baxyadaas fasax looga haysan, sidaa daraadeedna wuxuu uga digay dadweynaha inay bannaanbax sameeyeen, isagoo ugu baaqay inay meheradahooda ku eekeedaan oo ay iska ilaaliyaan waxa uu ugu yeedhay dadka nabadgelyada doonaya inay khalkhal geliyaan.

“Xisbiyada mucaaradka ah shalay [Sabtidii] waxay ku dhawaaqeen bannaanbax maalinta Salaasada ah, ku dhawaaqidaasi waxa la socday erayo hanjabaad ah oo dadka lagu amrayo inay maalintaas meheradahooda xidhaan. Waxaan leeyahay meheradaha dadku iyagaa u xor ah oo furan kara ama xidhan kara, cid ku khasbi kartaana ma jirto, waayo xaq bay u leeyihiin, markaa taasi waxaan anigu u arkaa inay hanjabaad tahay. Waxa kale oo ka dhadhamaysa inay halkaa nabadgelyo-xumo ka soo socoto, mar haddii bannaanbax aan sharci ahayn amma aan oggolaansho haysan oo ilaa hadda wasaarad ahaan aan nalala soo socodsiin lagu baaqay oo aan weliba u aragno in handadaadi ku jirtay inaannu dadka uga digno mudaharaadka ay ku baaqeen oo uu yahay mid aan sharci ahayn, dadweynuhuna meheradahooda haystaan, iskana ilaaliyaan dadka doonaya inay nabadgelyada khalkhal ku abuuraan,” ayuu yidhi Wasiir Cirro.

Wasiirka Daakhligu waxa uu sheegay in Komishanka Doorashooyinku xisbiyada u fasaxeen ololaha, isla markaana xisbiga maalinta uu u leeyahay isu-soo-bax samaynayaa uu xaq u leeyahay oo aanay cidina u diidayn.

Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Sidaad ogtihiin wuxuu jideeyey olole xisbiyada ah cid qaadatay iyo cid diidayba, cidii diiday maalin ayaa loo cayimay, maalinteedaasi xaq iyo xor bay u yihiiin inay soo bannaanbaxaan amma olole sameeyaan. Waxa kale oo u bannaan qolo kastaa xafiiskeeda gudihiisa inay ku samaynsan karto wixii shirar ah ama kulan ah oo awalba jiri jiray oo aan ka mamnuuc ahayn ee ay xor u yihiin.”

Wasiirka Arrimaha Guduhu waxa kale oo uu ka hadlay sababta loo laalay diiwaangelinta oo uu sheegay in Komishanka Doorashooyinku markii ay arkeen khalaladaad fara badan oo ku jira, isla markaana jiraan dad in badan ku noqnoqday oo ay wasaarad ahaan iyaguba hayaan dad haysta sida uu sheegay ilaa 30 kaadh diiwaangelineed ay noqotay wax aan doorasho lagu gelin karin, sidaa daraadeedna xukuumaddu ku raacday Komishanka go’aankii ay qaateen.

“Waxaannu doorashada diyaar u nahay waqtigaa la qabtay ee 27-ka September oo aanaan diyaar u ahayn in dib loo dhigo, waxna dhul nagama yaallaan ee waxaannu doonaynaa maalintaasi in aannu calafkayga qaadno. Waxaan u arkaa nin ay kalsooni-darro hayso inuu ka marmarsoonayo wixii uu awalba ku doodi jiray ee odhan jiray diiwaangelin la’aan ha lagu galo maanta inuu haddana hadal ka keeno,” ayuu yidhi wasiirku, waxaannu intaa raaciyey “Iyagana [xisbiyada mucaaradka] waxaannnu ugu baaqaynaa inay ka soo qaybgalaan, dadweynahana reer Somaliland-na waxaannu ugu baaqaynaa inay arkaan khaladka iyo dhibaatada meesha ku jira iyo wixii aynu markii hore ku hamiyeynay ee ahaa qof kastaa inuu codkiisa oo keliya siiyo qofkii uu doonayey inuu soo baxo, wax kastaana waa calaf, ninkii calafku siiyo ayuun baa soo bixi doona oo Ilaahay ogyahay,” ayuu yidhi Wasiirka Daakhiligu Md. Cirro.

Wasiirka Daakhiligu waxa uu shacbiga Somaliland ugu baaqay inay nabadgelyada dalka ilaalashaadaan, isagoo tilmaamay in nabadgelyadu tahay waxa Somaliland halkaa ku soo gaadhay ee ay walaalahaada Soomaaliya ku dhaafeen.

Intaa kadib qaar ka mid ah su’aalihii suxufiyiintii shirkaa jaraa’id ka qaybgalay weydiiyeen Wwasiirka iyo jawaabihii uu ka bixiyey waxa ka mid ahaa:

Su’aal: Wasiir, bannaanbaxa aad sheegtay inay xisbiyada mucaaridka ahi ku dhawaaqeen ee aan la idin soo ogaysiin, miyaanu bannaabaxu ahayn qodob dastuuri ah oo sharci ah, halkeed qodobkaas ka maraysaa markaad leedahay waa xaaraan?

Jawaab: Bannaanbax marka la samaynayo inuu qof kastaaba yidhaahdo bannaanbax baan samaynayaa oo waan iska soo dhaqaaqayaa. Dastuurku wuxuu sheegayaa qodobo ka hadlaya qaabka bannaanbaxa. Dastuurkeenu wuxuu inoo oggolaaday bannaanbax waa wakhtima iyo tiradee? Waxyaabo badan baa ka dhiman, marka aniga xisbi igu yidhaahda waxaan dhigayaa bannaanbax waa inuu wasaaradda yimaaddaa dadka bannaanbaxa doonayaa oo aanu ka wada doodnaa, dammaanadna timaad.

S: Qoraal haddii ay idiin soo qoraan haddii ay idiin soo qoraan ma u oggolaanaysaan, iyada oo marar hore idiinka codsadeen aad u diideen?

J: Markasta shuruud ayaa ka dhiman, waananu aqbalaynaa wixii xeerka iyo dastuurka waafaqsan.

S: Haddii aad u diideen inay isku soo bax sameeyaan, isla markaana aad diideen go’aankii ka soo baxay Golaha Wakiillada oo aad tidhaahdeen waxba kama jiraan, miyaanay xukuumaddu horsed ka ahayn nabadgelyo-darrada?

J: Horta gole ayaa sidaa yidhi golaha laftarkiisuna umuu dhanayn.

S: Diiwaangelintii waxaad sheegtay in dadka qaar qaateen 30 kaadh wax ka badan, xukuumadduna door weyn bay ku lahaayeen sidii waxaasi u noqon lahaayeeen wax sharci ah, dadka qaar ayaa waxay aamisan yihiin waxa xilligan diiwaangelinta loo laallay markii xisbiga UDUB ka waayey dantiisa, taas maxaad ka odhanaysaa?

J: Horta waa kalmad khaldan in aannu ka weynay dantayadii, dadkaas uun baan la mid nahay. Bari iyo galbeedba wuu ka dhacay musuqmaasuqu, adiga [weriyaha su’aasha weydiiyey] oo wiil dhallinyaro ah ayaad leedahay idinkoo xukuumaddii ah ayaad dantiinii ka weydeen, qoladan mucaaradku weli kitaab kumay dhaaran, annagu laakiin waannu u dhaaranay, musuqmaasuquna samayn mayno.

Xigasho/Jamhuuriya Online

Comments are closed.