Madaxweyne Dahir Riyale Safarkiisa Uu Ku Tagay Dalka France Ma Mid Ganacsi Oo Heshiisyo Kale Oo Bug Ah Uu Ku Soo Saxeexaya Sidii Caadadu Ahayd?
Faalo
Madaxweynaha mudadiisu dhamaatay ee Jamhuuriyada Somaliland Dahir Riyale Kahin ayaa maalintii shalay u amabaxay dalka France si uu heshiisyo qarsoodi ah ula soo sexeexdo sharikado iyaguna qarsoodi ah oo illa noociyada heshiiska uu soo saxeexayo aan labada aqal ee baarlamanka iyo xisbiyada qaranku toona aanay waxba kala socon.
Madaxweyne Riyale waxaa u heshiisyo qarsoodi ah hore ula gaadhay niman maanta ku xidhan xabsiyada Yurub oo sharikadahooduna ahaayeen bug . Waxaa heshiisyadaas Riyale sexeexay ka mid ahaa nin u dhashay dalka Norway oo hada ku xidhan dalkaas kadib markii la ogaaday inuu ahaa nin la shaqaysta madaxda Afrikaanka ah kuna shaqaysta sharikado bug ah oon jirin. Sharikad qudha oo madaxweyne Riyale la socodsiiyay baarlamanku ma jirto illa intuu uu xilka madaxnimo u hayay jamhuuriyada Somaliland.
Meeday sharikadii beenta ahayd ee Riyale ku sheegay waa Jarmal inoo dhisaya warshadii sibidhka ee Berbera ? Meeday 500 ee milyan ee sharikadaasi bixinaysay ? Halkuu ku dambeeyay dhagaxii Riyale dhigay warshada sibidhka Berbera? Beenay lagu qabay !!
Badihii dalka waxaa si sharci daro ah uga kaluumaysta maraakiib sita calanka masaarida oo xaalufiyay kaluunkii bada. Maraakiibtaasi waxay fasax qarsoodi ah ka wada haystaan madaxweynaha Dahir Riyale Kahin oo ill hadadaas aan barlaman soo hordhigin heshiisyadiisa qarsoodiga ah.
Akhristow caqligaaga la kaasho dalka cidaad ku aamintay iyo todobadii sanadood wixii dalka iyo dadka loo qabtay. Caqligaaga la kaasho heshiisyada Riyale uu sexeexaayo mar kasta uu safar u baxo waxay kala yihiin iyo khatarta ay dalka u yeelan karaan.
Waxaa madaxweyne Riyale u caado ah inuu qariyo wuxuu ku maqnaa iyo ujeedada safarkiisu wuxuu ahaa, isaga oo saxaafadana diida inuu war siiyo mid guulwadaysan sida TV ga madaxtooyada laga maamulo moyaane. Caqligaaga la kaasho waxaa uu madaxweynuhu dalka uga dhoofay iyo cida uu soo arkay intaba, is waydee oo sug bal markuu soo noqdo.
kulmiye.org